Tuesday, July 28, 2009

Yaa masuul ka noqon in Ciidamo ajnabi ahi ay Soomaaliya yimaadaan

Sh.Shariif waxa uu mudooyinkii ugu danbeeyay caalamka ka dalbanayay in lala soo gaadho ciidan milatari oo dawladiisa difaaca. Sidoo kale qaar ka mida madaxda sar sare ee dawladiisa ayaa iyaguna qaylo dhaano ay dawladaha caalamka u direen waxa ay ku waydiisteen dawladahaas in ay la soo gaadhaan ciidan iyo saanad milatari oo ay iskaga caabiyaan xoogaga ka soo horjeeda.

Masuulka ugu sareeya ee xarakada Shabaabku cajalad uu isna dhawaan suuqa soo galiyay waxa uu ku sheegay in gaaladii meelo badan lagu jabiyay isla markaana ay dawladii Islaamku Afgaanistaan, Paakistan, Soomaaliya iyo Ciraaqba ka soo if baxayso!. Sidaas oo kale waxa uu cajaladaas ku tilmaamay in dagaalka ay Shabaabku Soomaaliya ka wadaan uu yahay dagaal caalamiya oo ay mujaahidiinta caalamku wadaan, aamiirka mujaahiduuntuna uu yahyay Usaama Bin Laadin.! Waxa kale oo uu Sheekh Shariif iyo dawladiisa ugu baaqay in ay sida ugu dhakhsaha badan ururkooda isugu soo dhiibaan si maxkamad Islaamiya loo saaro. Hadaba hadaladan iy ficiladan sidan ah ee dhincayadan is haya ka soo baxayaa sabab ma u noqon karaan in ciidamo ajanabi ah oo ay Itoobiyaanku ku jiraan ay Soomaaliya soo galaan, waa su’aal? Waxa iyana su’aal kale ah hadii ay sidaasi dhacdo cida masuulka ka noqonaysa arinkaas?


Itoobiya way soo noqon hadii ay maslaxadeedu khatar gasho


Sanadkii 2006-dii ayay ahayd markii ay ciidamada Itoobiya qabsadeed inta badan Koonfurta Soomaaliya. Waqtigaas ciidamada Itoobiya umay iman Soomaaliya in ay xoojiyaan ama ay dhisaan dawlad Soomaaliyeed. Waxa ay u yimaadeen in ay suuliyaan khatar ay is tuseen in ay wadankooda kaga soo socoto dhinaca Soomaaliya. Laba sano ka dib -markii ay Itoobiyaanku ciidamadooda kala baxayeen Soomaaliya - madaxdoodu waxa ay sheegeen in ciidamadoodu ay suuliyeen khatartii uga iman lahayd dhinaca Soomaaliya. Xaqiiqduse waxa weeye in Soomaaliya ciidamada Itoobiya lagu jabiyay. Waxa iyana xaqiiq- kale oo iminka soo if baxaysa- ah in siyaasad ahaan Itoobiyaanku ay duulimaadkaas ka gaadheen guulo siyaasadeed oo aan yarayn. In wadaadadii shalay Itoobiyaanka qoriga ku saaray ay maanta iyagii madaafiic isla dhacayaan waxa ay guul siyaasadeed u tahay Itoobiyaanka. Sidoo kale in sheekhii shalay hogaaminayay ciidamadii muqaawamadu uu isagii maanta Itoobiyaankii -uu shalay la dagaalamay- ka baryayo in ay difaacaan dawladiisu iyana waa guul siyaasadeed oo ay Itoobiyaanku dagaalkaas ka gaadheen. Sidaa daraadeed inta ay Soomaalidu dhexdooda xabada isla dhacayaan isla markaana ay dadkooda barakicinayaan, ma jirto sabab ay Itoobiyaanku ciidankooda Soomaaliya ugu soo celiyaan. Gumaadka iyo barakicinta ay Soomaalidu isu gaysanayaan ayay –Xabashidu- korka ka daawan iyaga oo waliba markan qoslaya. Hadiise, ay –Itoobiyaanku- arkaan in khatartii ay shalay sheegeen in ay ciidamadooda keentay Soomaliya ay mar labaad soo noqotay, markaas waa la filan karaa in ciidamo Itoobiyaan ah iyo ciidamo kaleba ay Soomaaliya soo galaan, waxayse markan iman iyaga oo ay galbinayaan qaar ka mida kuwii shalay ka soo horjeeday ee diidanaa in ciidamo ajnabi ahi ay lugta soo dhigaan Soomaaliya.


Sheekh Shariif iyo ciidamada ajnabiga

Siyaasada Sheekh Sharif intii aanu madaxwaynaha noqon waxa udub dhaxaad u ahayd in ciidamada Itoobiya ay Soomaaliya ka baxaan. Inkasta oo lagu doodi karo isla markaana ay xaqiiqo noqon karto in heshiiskii Jabuuti uu ahaa midka kala jabiyay qolooyinkii dagaalka kula jiray ciidamadii Itoobiya hadana lama yarayn karo doorka heshiiskan ee bixitaanka ciidamada Itoobiya. Itoobiyaanka waxa saaray ma ahayn oo kaliya dagaalka qoriga, waxa saaray waxa uu ahaa dagaalka qoriga oo lagu daray dagaal siyaasadeed. Dagaalkan siyaasdeed ee Itoobiyaanka lagu saarayna waxa hogaankiisa hayay Sheekh Shariif iyo intii ku qancday in dagaalka siyaasadeed uu dhamaystir u yahay kan qoriga. Istaraatiijiyadaas waa lagu guulaystay, natiijaduna waxa ay ahayd in dawlada Itoobiya culays lagu saaray in ay iskaga baxdo Soomaaliya. Sidoo kale natiijadu waxa ay ahayd in markii ugu horaysay taariikhda Soomaalida ay Islaamiyiinta Soomaalidu noqdaan quwad siyaasadeed oo aan la inkiri karin.




Waxa hadaba dad badan oo Soomaaliyeed ku adkaatay in ay fahmaan isbadalkan ku dhacay siyaasada Sheekha ee ku saabsan doonitaankan uu Sheekhu ku doonayo in uu helo ciidamo ajnabi oo dawladiisa difaaca. Ma aaminsani in Sheekh Shariif iyo saaxibadiis ay jacaly u qabaan ciidamo ajnabi laakiin isbadalkan siyaasadeed ee ku dhacay Sheekh Shariif waa natiijadii ka dhalatay dagaalada ay mucaaradku kula jiraan dawladiisa. Dagaalada Shariifka iyo wadaadada mucaaradka ah u dhaxeeya, diidmada mucaaridku ay diideen heshiis in ay la galaan dawlada Shariifka iyo hadafka mucaaradka ee ah in ay dawlada Shariifka ridaan ayaa keentay in uu Sh.Shariifna badalo aragtidiisa ku saabsan ciidamada ajnabiga ah. Waa mawqif khilaafsan mawqifkiisii hore laakiin waa mid ku yimid mawqifka mucaaradku ee ah in iyaga mooyee aan cid kale aanay jiri karin. Musiibaduna waxa weeye in dad badan oo markii hore diidanaa ciidamo ajnabi ayba iminka u arkaan in ay ciidamadaasi yihiin xalka kaliya ee dagaalada wadaada dhexdooda lagu soo afjari karo.


Al-shabaab fikirkooda ayaa masuul ka ah

In ay maanta Soomaaliya noqoto meel caalamka badankiisu u arko in ay khatar ku tahay caalamka waxa ka masuul ah fikirka Al-shabaab ee ah in ay duulaan ku yihiin caalamka oo dhan, in ay xidhiidho la leeyihiin ururo ay afkaartoodu durugsantahay, in Usaama yahay amiirkooda guud, in ay ku duulayaan Itoobiya iyo Kiiniya. Fikradahaas Al shabaabka ee aan kor ku sheegay weeye kuwa ka masuulka ah sii joogitaanka ciidamada ajanabiga ah ee maanta ku sugan Koonfurta Soomaaliya. Fahamka siyaasadeed ee ururkani waa faham aan toosnayan, hadii ay fahamkaas ku sii socdaana wuxuun baa la filan karaa in mudooyinka soo socda uu dhulka Soomaalidu noqdo goob dagaal oo mar katsaba ay ku sugan yihiin ciidama ajnabi.


Sida ugu dhakhsaha badan ee ciidan ajnabi lagu saari karaa waxa weeye in wadaadani ka tanaasulaan fikirkan dawlad diidka ah ayna ogolaadaan in ay heshiis la galaan dawlada Shariifka. Taas weeye sida ugu fudud ee ciidan ajnabi Soomaalida dhulkeeda looga hor istaagi karaa isla markaana kuwa iminka joogana lagu bixin karaa. Su’aashuse waxa weeye wadaadani ma fahmi doonaan sidaas mise tooduunbaa u cadaan…!.



Siciid Cali Axmed
maqaalo.siciid.cali@gmail.com

Friday, June 19, 2009

Waddaado sumcadda Islaamka yaan god lagu ridin

Shicaarka (astaanta) mashruuca siyaasiga ah ee waddaadada Soomaaliyeed waxa uu ahaa keenista dawlad Islaamiya oo ku dhisan shareecada Islaamka; dawlad keenaysa nabad, xasilooni, walaaltinimo iyo baraawaaqo. Shirkii Jabuuti ee Sheekh Shariif madaxwaynaha loogu doortay iyo dagaaladii ka danbeeyay ee u dhaxeeyay dawlada Shariifka iyo wadaada mucaaradka ku ahi se waxa ay khayaali ka dhigeen shicaarkan waddaadada. Dagaalada-mudooyinkan danbe- Muqdisho ku soo noqnoqonayaa waxa ay burburiyeen rajadii shacbka Soomaaliyeed ee ahayd in -hadii ay taladii wadanku gacanta u gashay xoogaga Islaamiyiinta- uu isbadal wayn oo wanaagsani noloshooda ku dhici doono. Is faham la’aanta iyo dagaaladan u dhaxeeya labadan dhinac ee Muqdisho ku dagaalamayaa waxa ay god ku rideen mashruucii siyaasadeed ee Islaamiyiinta Soomaalida. Taageerayaasha mashruucani waxa ay marar badan is waydiinayaan cida ka masuulka ah in mashruucoodii xadaariga ahaa uu iminka u eekaado mid god ku sii dhacaya. Sadarada soo socda waxaan ku eegi doonaa cida iska leh masuuliyada arinkaas iyo waxa la gudboon dhinacyadan is haya.

Sheekh Shariif

Lama inkiri karo doorkii uu Sheekh Shariif ku lahaa hogaamintii kacdoonkii maxkamadaha Islaamiga. Sidoo kale lama inkiri karo furfurnaanshaha siyaasadeed ee uu sheekhu muujiyay waqtigii dagaalada lagula jiray ciidamadii Itoobiyaanka. In uu xal siyaasadeed ku kabo kii qorigu waxa ay ahayd talaabo geesinimo. Guushii uu ka soo hooyay shirkii Jabuuti waxa ay ahayd mid ay ku farxeen dad badan oo Soomaaliyeed oo filayay in uu Sheekhu muftaax u noqon karo xalinta mushkiladaha Siyaasadeed ee ka taagan Koonfurta Soomaaliya. Intaas oo jirta hadana wixii ka danbeeyay doorashadiisii waxa uu hoos u dhac wayni ku yimid doorkiisii hogaanimo. Waxa muuqda in hogaamintii dawladiisu ay cid kale gacanta u gashay. Wadaadku waa uu ku guulaysan waayay qancinta amaba kala furfurka mucaaridkiisa taas oo ahayd arinka ugu wayn ee laga filayay. Waxa ay dawladiisu ku mashquushay arimo yar yar oo aan mudnayn in waqtigan muhiimad wayn la siiyo. Maalinba maalinta ka danbaysa siyaasadaha dawladiisu waxa ay u muuqanayaan qaar aan waxa wayn ka duwanayn siyaasadihii dawladihii ka horeeyay dawladiisa. Waxa daciifay saamayntii ay Islaamiyiintu ku lahaayeen dawladiisa, waxaana xoogsaday saamaynta dagaal ogayaasha ee dawladiisa. Sheekhu waa uu ka faa’idaysan kari waayay taageeradii xooganayd ee ay shacbigu(culimo iyo caamaba) u hayeen isaga iyo dawladiisa. Si kooban Sheekhu waxa uu lumiyay doorkiisii hogaanimo, taasina waxa ay ka mid tahay sababaha sii dheeraynaya khilaafaadka u dhaxeeya dawladiisa iyo mucaaradka ka soo hor jeeda, waxa kale oo ay sabab u tahay in ay yaraato kalsoonidii iyo taageeradii uu shacabku u hayay maamulka waddaadada oo ay in badani iminka u arkaan in aanu waxba ka duwanayn kii dagaal oogayaasha.

Xisbul Islaam Iyo Al Shabaab

Xisbul Islaam iyo Alshabaab waxa ay door wayn ka ciyaareen halgankii lagu saaray Itoobiyaanka. Halgankaas waa ay ku saxsanaayeen. Laakiin wixii ka danbeeyay bixitaankii Itoobiyaanka waxa ay labadan urur caqabad wayn ku noqdeen sidii xal loogu heli lahaa mushkilada siyaasadeed ee Soomaalida. Ilaa iminka ma muuqato waxa uu yahay mashruucooda siyaasiga ah ee ay rabaan in ay ku xaliyaan mushkilada siyaasadeed ee Soomaalida. Diidmada qayaxan ee ay diidayaan in ay wadahadal la galaan dawalada Sheekh Shariif waxa ay calaamad u tahay bisayl la’aanta siyaasadeed ee hogaamiyaasha ururadan. Dagaalka ay ku yaboohayaan Al Shabaab ee dhaafsiisan xuduuda Soomaalidu ma aha mid u khidmaynaya danata Soomaalida. Waxa uu Soomaalida u samaynayaa cadaw badan oo aanay awood u lahayn in ay la dagaalamaan, sidoo kale wax uu dhulka Soomaalida ka dhigayaa meel ay ku loolamaan quwado is hirdinaya oo aan dan ka lahayn maslaxada shacabka Soomaaliyeed. Ururadani (Shabaabka iyo Xisbul Islaam) waxa ay arimaha u kala horay siin la’ayihiin sida ay u kala horeeeyaan. Waxa ay daciifiyeen doorkii Islaamiyiinta ee dawlada Sh.Shariiif. Qaacidada ah "ama Aniga ama waxba hagaagi maayaan” ee ay waddaadadani ku socdaan waa qaacido ka hor imanaysa nusuusta Islaamka iyo caqliga toosanba. Waa qaacido luminaysa kalsoonidii ay wadaadu ka heli lahaayeen shacbiga ay rabaan in ay maamulaan. Waa qaacido adakaynaysa in nidaam Islaamiya oo saxi uu ka hanaqaado dhulka ay Soomaalidu ku nooshahay. Dagaalada joogtada ah ee ay labadan urur kula jiraan dawlada sheekh Shariif - shaki la’aan- iyana waxa ay daciifinaysaa mashruucii shareecada Islaamka ee ay (wadaadadni) ku dhawaaqayaan in ay hirgalintiisa doonayaan.

Culimada Musaalaxada

Waa qaacido sharciya oo Islaamiya in hadii ay laba qolo oo Muslimiini ahi ay is laayan, heshiiskooda laga shaqeeyo. Hadii ay heshiiska qolo diidona waa in qoladaas dhinac laga wada istaago ilaa ay qoladaasi xaqa u soo noqonayso. Sidaa daraadeed waa arin wanaagsan oo loo baahnaa in culimada Musaalaxadu ay isku dayeen in ay labada kooxood ee dagaalamaya heshiisiyaan, laakiin markii ay qolo dhagaysan wayday may ahayn in ay aamusaan. Hadii ay culimadan musaalaxadu hadli lahaayeen, umada u cadyan lahaayeen cida heshiiska diidan , isla markaana shacbiga fari lahaayeen in qoladaas dhinac laga wada istaago, hadii ay culimadu sidaas yeeli lahaayeen waxa ay u badan tahay in wax uun la badbaadin kari lahaa. Aamuska culimada Soomaalida ay intooda badani ay ka aamuseen dagaalada Muqdisho, qaarkoodna ayba u sifeeyeen FITNO ay tahay in laga dhex boxo ma caawin xal u helida mushkilada dhex taala waddaadada dagaalamaya. Waxaanay wax u dhimaysaa uun sumacadii iyo mashruucii waddaadada Soomaalida .

Xalku waa...

Xalku waa in uu Sheekh Shariif doorkii laga rabay ciyaaro. Waa in uu saaxada ku soo noqdo hadii aanu waxba ka qaban karin dhibta jirtana waa in uu xilka uu hayo iska casilaa. Qolooyinka(Xisbul Islaam iyo Al Shabaab) waa in ay xisaabtooda dib u eegaan. Hadii ay maslaxada iyo danta Soomaaliyeed ka fakarayaan waa in ay ogolaadaan heshiis iyo wada hadal ay ka garnaqayaan culimada Muslimiintu. Culimadu waa in ay cadeeyaan xaqa, waa in aanay afka xidhan. Cidii Maslaxad diida waa in ay shacabka kor iyo hoosba ugu sheegaan isla markaana waa in ay ka qaybqaataan jabinta kuwa heshiiska diidan. Arinta maanta miiska saarani ma aha Al-shabaab, Xisbul Islaam iyo Dawlada Sh.Shariif. Waa mustaqablkii umada iyo mashruucii Islaamiga ahaa ee la doonayay in umada lagu badbaadiyo. Intii danaynaysa mashruucaasi waa in ay dhinac ka wada istaagaan kuwa raba in ay mashriicaas god ku ridaan.

Siciid Cali Axmed

Maqaalo.siciid.cali@gmail.com

Thursday, February 26, 2009

Xisbul-Islaam yaanu noqon Xisbul Dagaal

Waa maxay sababta keentay in wadaadada qaarkood ay waqtigan shacabka ku dhex dagaalamaan iyadoo waliba ay maanta wadaadada qaarkood haystaan awooda ugu saraysa ee hogaanka Soomaalidu? Wadaadadan dagaalamyaa ma waxa ay u soo halgaamyeen in ay soo celiyaan nidaam iyo kala danbayn mise waxa ay rabeen in ay buuxiyaan meeshii(booskii) laga eryay dagaal ogayaashii iyaga ka horeeyay? Dawlad miyay rabaan –wadaadadani- mise qas iyo fawdo? Hadii ay ku guulaystaan-wadaadani- ridida dawlada Shariifka maxay soo wadaan oo ay ku badali doonaan Sheekha iyo dawladiisa? Horta Fikir siyaasadeed ma xambaarsan yihiin –wadaadadani-muxuuse yahay fikirkoodaasi? Dagaaladan hadii ay sii wadaaan-wadaadani- ma laga yaabaa in ay dhaawacaan mashruucii siyaasdeed/diineed ee wadaada Soomaalidu ay mudada dheer u soo halgamaayeen? Su’aalahani waxa ay ka mid yihiin su’aalaha ay dhaliyeen dagaalada maalmahan ka socda magaalada Muqdisha ee ay ku lug leeyihiin ururka la baxay Xisbul-Islaam- oo ah urur mideeyay qaar ka mida wadaadadii la dagaalamay Itoobiyaanka waqtigii ay Itoobiyaanku haysteen Koonfurta Soomaaliya. Maqaalkan waxa aan ku eegi doonaa qaar ka mida jawaabaha su’aalahan.

Faham Qalooca

Taariikhda Islaamku waxa lagu soo wariyaa in ay jiri jireen koox marka uu qofku arko cibaadadooda iyo Quraan akhriskooda uu is odhanayo yaa kuuwaas oo kale kaa dhiga. Waxa la soo wariyaa in hadii mid kuwaas ka mid ahi uu xabad timira ah ama cinab ah uu meel ka helo oo marka uu afka galiyayo uu xusuusto in aanu fasax u haysan in uu cuno -xabadaas timirta/cinabka ah- in uu markiiba soo tufi jiray isaga oo iska ilaalinaya in uu Xaraan quuto. Isla qofka sidaas isu ilaalinaya ayaa waxa dhici jirtay in uu banaysto daadinta dhiiga Asxaabtii Nabiga –Naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaatee- waayo asxaabtaas uu dilayaa waxa ay diideen fahamkiisa qaldan ee uu kaasi ku fasirtay Nusuusta Quraanka qaarkood. Sidoo kale waxa la soo wariyaa in koox reer Ciraaq ahi ay u yimaadeen mid ka mida asxaabtii Nabiga (NNKH) kadibna ay waydiiyeen in dhiiga Keneecadu uu nijaas yahay iyo in kale!. Asxaabigii inta uu la yaabay ayaa waxa uu waydiiyay ragii su’aasha waydiiyay xaga ay ka yimaadeen ? Waxa ay ugu jawaabeen Ciraaq. Kor intuu u eegay ayuu ku yidhi “Reer Ciraaqoow waxa aad banaysateen daadinta dhiigii caruurtii uu Nabigu (NNKH)awoowga u ahaa, markaas baad I waydiinaysaan nijaasada dhiiga kaneeecada …arinkiinu waa arin lala yaabo (waxa uu la yaabay sida ay arimuhu agtooda ugu kala muhiimsan yihiin)”. Sidaas ayuu noqdaa fikirka qofku marka uu qofka fahamkiisu qaldamo. Ma lihi kumana doodayo- sida ay qorayaal kale oo Soomaaliyeed ku doodeen- in qolooyinka Xisbul-Islaam ay yihiin khawaarij la mida kuwa aan kor ku sheegay laakiin fahamkooda siyaasadeed iyo kooda diineedba waa mid qalooca oo aan la garanayan meel uu ku tiirsan yahay iyo meel uu u socdaba. Hadii ay fahamkan ku sii socdaana aakhirka waxa uu gaadhsiin doona meel fog oo laga yaabo in ay adkaato sida ay uga soo noqdaan. Soomaali badani waa ay garab istaageen waana ay taageereen ragan wadaadada ah waqtigii ay la dagaalamayeen ciidankii Itoobiyaanka, laakiin maalin kasta oo ay sii wadaan dagaalkan aan ujeedadiisa la garanayan isla markaana ay shacbi badani naftooda ku waayaan dagaaladan, waxa ay kooxdani lumin shacbiyadii iyo taageeradii ay ka helayeen shacabka.

Tajaaribtii Itaxaadka yaan la soo Celin

Iminka ma aha markii ugu horaysay ee koox wadaadada Soomaalida ahi ay dagaal iskaga hor yimaadaan Soomaali kale. Dagaaladii ay ururkii Itaxaadku sagaashamaadkii ku dagaalameen meelo kala duwan oo dhulka Soomaalida ah ayaa dagaaladan ka horeeyay. Natiijadii ka dhalatay dagaaladaasi waxa ay ahayd in dhaliinyaro fara badan oo umadooda iyo diintoodaba wax tari lahaa ay ku naf waayaan dagaaladaas. Natiijooyinka kale ee ka dhashay dagaaladaas waxa ka mid ahaa in dagaaladaasi ay bilow u ahaayeen burburkii ku dhacay ururkii Itaxaadka oo ahaa urur ka mid ahaa ururadii ugu waaweyn ee Islaamiyiinta Soomaalida ee waqtigaas. Wadaadadii (Itixaadka) ee sagaashamaadkii dagaalamayay waxay ku doodi jireen in ay la dagaalamaynaa nidaam cilmaaniya oo diidan in shareecada Islaamka la isku xukumo laakiin qoladan Xisbul–Islam iyo inta ay isku fikirka yihiin waxa ay la dagaalamayaan waa maamul aan diidanayan in shareecada wax lagu xukumo oo ay waliba hogaaminayaan rag diintooda iyo fikirkooda la garanayo. Dhaliinyara badan oo ka mida dhaliinyarada ururadan dagaalamaya ku jiraa waa dhalinyaro aananu ka shakisnayn in ay umadooda wanaag la doonayaan, laakiin marar badan niyad wanaagsan oo aan faham toosan iyo istaraatiijo cadi la soconi waxa ay horseedaan bur bur iyo in markasta eber (sifir) laga soo bilaabo. Dhawr iyo tobon sano ka dibna ma aha in qaar ka mida wadaadadu ay dib ugu laabtaa istaraatijiyooyinkii fashilmay ee sagaashamaadkii.


Arinkii aan la wada helayn badhkiis lama diido

Waa qaacido sharciya in arinkii aan la wada helayn aan la diidin badhkiisa la helayo. Kuma doodayno in Dawlada Shariifku aanay khaladaad lahayn, sidoo kale kuma doodayno in tajribadani ay 100% najixi doonto amaba aanay mari doonin halkii ay mareen tajaarintii ka horeeyay. Waxaan se ku doodaynaa in tajribadani ay tahay fursad ay Islaamiyiinta Soomaalidu ku muujin karaan in ay diyaar u yihiin in ay qabtaan hogaamiyaana talada Soomaalida. Sidoo kale waa fursad ay ku soo bandhigi karaan waxa ay kaga duwan yihiin dadkii uga horeeyay hogaanka Soomaalida. Wadaadadu waxa ay maanta haystaan fursad ay ku keeni karaan inta ka dhiman ahdaafta ay rabaan in ay xaqiijiyaan...ee yaanay fursadaas iska dayicin. Waa in la kabaa inta ka dhiman mashruucan ay qaybtiisii hore ku guulaysteen Sh.Shariif iyo intii la socotay. Aragtida qoraagan dawladani waa mid sida ay ku timid aan dhaliil ka madhnayan laakiin hadana waa fursad hadii la dayaco ay waqti dheer qaadan doonto soo celinteedu. Yaan la dayicin Fursadan madaafiicda masaakiinta shacabka ah dusha lagaga keenayana ha lagu difaaco mashruuca dawlada.

Siciid Cali Axmed
maqaalo.siciid.cali@gmail.com

Monday, February 16, 2009

Khilaafka wadaadada iyo dawlada Sheekh Shariif

Doorashadii Sh.Shariif loo doortay- in uu noqdo- madaxwaynaha dawlada ku meelgaadhka ah ee Soomaaliya waxa ay soo if bixisay in uu jiro khilaaf u dhaxeeya Islaamiyiinta Soomaalida oo ku saabsan mashruuca siyaasadeed ee wadaadada Soomaalida. Dhamaantood waxa ay isku waafaqsan yihiin in Shareecada Islaamku ay noqoto dastuurka dalka, laakiin halkaas ayay ku eegtahay midnimadoodu. Doorashada Sheekh Shariif iyo mucaaradnimada ay doorashadan mucaaradeen qaar ka mida wadaadadu waxa ay markhaati u tahay in Islaamiyiinta Soomaalida dhexdooda uu jiro kala duwanaansho fikradeed oo ku saabsan qaabka uu rabo in uu wadaadku uga qayb galo siyaasada Soomaalida. Hadaba waa kuwama Islaamiyiinta Soomaalidu? Maxayse rabaan? Muxuuse ku salaysan yahay khilaafkooda siyaasadeed? Fahamka jawaabaha su’aalahan iyo doodooduba waxa ay door ka ciyaari karaan in la fahmo aragtiyaha siyaasadeed ee wadaadada Soomaalida. Qormadana, hadii Ilaahay yidhaahdo, waxa aan isku dayi doonaa in aan ku eegno qaar ka mida su’aalahaas.

Maxkamadihii ka hor Iyo Ka dib

Lixdii bilood ee uu maamulkii Maxkamaduhu ka talinayay Koonfurta Soomaaliya waxa ay ahayd markii ugu horaysay ee quwad Islaamiya oo Soomaaliyi ay maamulaan dhul baaxad wayn oo ka mida dhulalka ay Soomaalidu degto. Maamulkii maxkamaduhu waxa uu isu keenay kooxo iyo afraad uu kala duwan yahay fikirka siyaasadeed ee ay ka aaminsan yihiin Islaamku. Arinka ugu wayn ee isku hayay waxa uu ahaa in ay mabda ahaan ka midaysanayeen rabitaanka dhismaha dawlad Islaamiya oo ku dhaqanta shareecada Iskaamka. Kala duwanaanshaha fikirka siyaasiga ah ee wadaadadii Maxkamaduhuna waxa uu ka mid yahay sababihii ugu waawaynaa ee soo dadajiyay burburkii ku yimid maamulkaas. Hadaba burburkii ku dhacay maamulkii Maxkamadaha iyo kala jabkii ka danbeeyay ee wadaadadii ka qaybgalay Isbahaysigii Asmara waxa uu iftiimiyay in aanu midaysnayn fikirka siyaasadeed ee wadaadada Soomaalidu. Anigoo ka duulaya mawaaqifta siyaaasiga ah ee ay wadaada Soomaalidu iska istaageen dawlada Sh.Shariif, ayaa waxa aan wadaadada Soomaaliyeed u qaybiyay sadex kooxood. Waxa aan u bixiyay: Waaqiciyiin, Kaligay iyo Daawadayaal. Hoos waxa aan ku sharixi doonaa mid kastaba waxa aan ula jeedo.


Waaqiciyiin


Qoladani waxa ay aaminsan yihiin in nidaamka siyaasadeed ee dadka Soomaaliyeed -ee boqolkiiba boqolka Muslim ka ahi- uu noqdo mid ku salaysan Shareecada Islaamka. Aragtidooda, qaabka loo keenayo dawlad Islaam ahi waa talaabo talaabo laga soo bilaabayo dhismaha qofka, qoyska, mujtamaca ka dibna loo imanayo dhismaha iyo hagaajinta maamulka iyo xukumka. Inta ka horaysa waxa ay aaminsan yihiin in si waaqiciya loola fal galo waxna looga badalo nidaamka siyaasadeed ee markaas jira. Waxa ay aaminsanyihiin in waxa ugu muhiimsan ee marxaladan loo baahan yahay uu yahay nidaam iyo kala danbayn. Taas la’aanteed waxay ay ku qanacsan yihiin in aan waligeed laga baxayn fawdada iminka lagu jiro. Sidaa daraadeed kooxdani ma diidana in marxaldan ay wax la wadaagaan kana qayb galaan nidaam siyaasadeed oo aanay 100 % ka helayn waxaa ay iyagu rabaan laakiin waa in uu nidaamkaasi noqdo mid keeni karo kala danbayn iyo nidaam dawladeed. Waqtiga fog kooxdani waxa ay aaminsan yihiin in Soomaalidu ay ka guurto nidaamka qabaliga ah una guurto nidaam doorasho oo ku dhisan tartan ay dadka Soomaaliyeed xor u yihiin cida ay dooranayaan. Waxa ay ku qanacsan yihiin hadii dadka Soomaaliyeed la siiyo xoriyadaas in aanay waligood dooran doonin cid aaminsan wax ka soo horjeeda diintooda. Sidaa daraadeed kooxdani cabsi kama qabaan in ay ka qayb galaan loolan siyaasadeed. Sidoo kale kooxdani ma aaminsana in qorigu uu xal u yahay khilaafaadka siyaasadeed ee Soomaalida ka dhaxeeya. Waa fikirkan fikirka ay xambaarsan yihiin Sheekh Shariif iyo wadaada taageersani. Sidoo kale waa fikirkan fikirka ay iminka ku dhaqmaan inta badan wadaada ku hoos nool maamulada Somaliland iyo Puntland kuwaas oo arkay in marxaladan ay muhiim tahay in la xoojiyo lagana qayb galo maamulada halkaas ka jira.


Aniga Kaligay

Qoladani sidoo kale waxa ay aaminsan yihiin in xalka Soomaalidu uu yahay ku dhaqanka Shareecada Islaamka. Waxa ay arkaan in ay khalad tahay in wadaadadu ay wax la wadaagaan dad ay aaminsan yihiin in ay qayb ka ahaayeen burburkii mudooyinkii u danbeeyay ka dhacay Soomaaliya. Qaabka iyo nidaamka siyaasadeed ee dawladnimo ee ay rabaan qoladani ma cada. Doorosho iyo nidaam xisbiyo badan ku dhisan waxa ay u arkaan in uu yahay nidaam gaalo wadato oo mudan in laga hor tago. Dhib uma arkaan in ay qoriga ku keenaan waxa ay rabaan. Dawlada Sh.Shariif waxa ay u arkaan in ay tahay mid ay gaalo wadato oo lagu burburinayo halgankii wadaadaa sidaa daraadeed aad ayay uga soo horjeedaan. Ma ogla in ay wax la wadaagaan Soomaalida kale ee aan wax u arag sida ay iyagu wax u arkaan xitaa hadii ay Soomaalidaasi yihiin wadaado iyaga oo kale ah laakiin ku khilaafsan aragtidoodan. Fikirkoodu waxa uu ku dhisan yahay waxa aan ugu yeedhay “ama aan wada helo ama waxba hagaagi maayaan”. Dhaliinyarada Shabaabka iyo Xisbullahiga dhawaan la abuuray ayaa ugu cad cad kooxdan


Daawadayaal

Qoladani ma rabaan in ay garoonka ciyaarta siyaasada yimaadaan. Waxa ay daawanayaan xaga uu ku dhamaado loolanka labada qolo ee aan kor ku soo sheegay. Dhinac ma rabaan in uu burburo nidaam uu madax ka yahay nin Islaami ahi, dhinca kalena ma rabaan in ay ka hor yimaadaan wadaada diidan Shariifka. Waxa ay rabaan in labada dhinac ay wada noolaadaan laakiin taas xalkeedii ma hayaan sidaa darteed afka ayay xidheen. Qoladan hadii Sheekh Shariif iyo fikirkiisu hirgalana ka hor iman maayaan. Hadii dhinaca ka soo horjeedaa uu xoogaystana iyagana ka hor iman maayaan. Sidaa daraadeed qoladani ma laha damac iyo barmaamij Siyaasadeed. Waa daawadayaal la mida mujtamaca intiisa kale.


Tajribo u baahan najixin

Gabagabadii waxa ay ila tahay in tajrbadan Sheekh Shariif ay tahay mid ku cusub mujtamaca Soomaaliyeed. Waa markii ugu horaysay ee qof islaami ahi uu xukunka Soomaalida qabto. Fashilinta maamulkan Sheekha waxa door wayn ka ciyaari kara qolooyinka wadaada ah ee qoriga xambaarsan. Hadii ay dawladan fashiliyaan ururo Islaamiyiin ahi waxa adkaan sida uu wadaadka Soomaaliyeed masraxa siyaasadeed ee Soomaalida mar kale uu dhawaan ugu soo noqon doono. Fursadan ay maanta haystaan wadaada Soomaalidu ma haystaan in badan oo ka mida wadaada caalamka Islaamka ku noolo. Waa fursad u baahan korin oo hadii la najixiyo loo aayi doono. Laba mid ayuun buu ku dhamaan loolankan wadaadada Soomaalidu, in ay wadaadadu qaataan tajribadii Afgaanistaan ee Mujaahidiintii Ruushka lawada dagaalamayay ay markii danbe noqdaan dagaal Ogayaal “WarLords” iyagu is cunaya. Ama waxa ay noqon dad mushtamacooda ka badbaadiya musiibada ku raagatay oo if iyo aakhiroba wanaag lagu xasuusto. Qaacido sharciya ayaa tidhaahda labada daran ta fudud ayaa la qaataa….waa rajadayda in Islaamiyiinta Soomaalida khaastana kuwa hogaanka u haya maantu ay qaacidadaas fahmaan. Waa in dawladan Sheekh Shariif ugu yaraan loo arkaa in labadaa daran ta fududud ay tahay lagana qayb qaataan hir galinteeda iyada oo khilaafka FIKRIGA ah ee wadaadada u dhaxeeya markan dib loo dhigayo. Waa rajadayda in ay sidaas yeeli doonaan.!

Siciid Cali Axmed
maqaalo.siciid.cali@gmail.com

Wednesday, November 26, 2008

Heshiiska Jabuuti guul mise fursad la lumiyay

Wadanka Jabuuti waxa shalay oo ay taariikhdu ahayd 25/11/2008 lagu kala saxeexday heshiis dhexmaray dawlada ku meel gaadhka ah ee Soomaaliyeed iyo Isbahaysiga dib u xoraynta Soomaaliyeed garabka Jabuuti. Heshiiskan -oo ahaa mid ay dad badani in mudo ahba sugayeen- waxa ka muuqata daldaloolooyin waaweyn kuwaas oo shaki wayn galinaya suurtagalnimada in uu heshiiskani hirgalo. Faaladan waxa aan si kooban ugu eegi doonaa daldaloolada uu heshiiskani leeyahay iyo natiijooyinka dhabta ah ee shirka Jabuuti.

Daldaloolada heshiiska

Daldalooda heshiiskan waxa ugu wayn kuwan:

Dawlada Balaadhan:

Nuqdada ugu muhiimsan ee ay labada dhinac ku heshiiyeen waxa weeye in la soo dhiso dawlad iyo baarlamaan ay labada dhinac ku midaysan yihiin. Waxa uu heshiisku ku baaqayaa in la balaadhiyo baarlamaanka Soomaalida ee iminka jira, kaas oo uu heshiisku leeyahay waa in xubnihiisa la laban laabo. Sidoo kale heshiisku waxa uu ku baaqayaa in la soo dhiso dawlad cusub oo ay labada qolo ku midaysan yihiin. Nuqdooyinkani waxa ay u muuqdaan qaar aan aad looga baaraan dagin. Way adag tahay in labada dhinac ee heshiiyay uu midkastaba natiijadan taageerayaashiisa ka iibiyo. Way adagtahay in reer Asmara, Alshabaab iyo in badan oo ka mida qolooyinkii wadaada ee gudaha ku jiraa ay aqbalaan kuraasta la siiyay iyo ka qayb galida dawladan uu heshiisku sheegay in la soo dhisayo. Sidoo kale way adagtahay in Cabdullahi Yusuf iyo xulafadiisu ay ogalaadaan heshiis u muuqda shirqool siyaasadeed oo Cabdullahi Yusuf iyo xulafadiisa lagu khaarajinayo. Mida kale waxa la garan la’ayahay sida ay ku ogolaadeen qolooyinka Jabuuti ku shirayay in la dhiso baarlamaan ka kooban 500 xubnood. Ma is waydiiyeen sida loo maaraynayo cadadka intaa le’eg? Sidoo kale ma is waydiiyeen cida masruufaysa cadadka intaas le’eg. Timir lafbaa ku jirta ayay Soomaalidu ku maahmaahdaaye ee waxa muuqata in ay jiraan ujeedooyin qarsoon oo la doonayo in loo balaadhiyo baarlamaanka iyo dawlada. Ujeedooyinkaas waxaa ka mida:
  1. Iyada oo qolooyinka Jabuuti ku heshiiyay ay ka baqayaan hadii la kala diro baarlamaanka iminka jira in odayga Cabdullahi uu dhiniciisa u soo jiito xubnaha baarlamaanka iminka ku jira taas oo adkaynaysa in Nuur Cade iyo Axmed Cabdisalaan ay hirgaliyaan shirqoolka siyaasdeed ee ay rabaan in ay Cabdullahi Yusuf kaga takhalusaan.

  2. Itoobiya oo aan rabin in nidaamka TFGdu uu burburo taas oo hadii ay dhacdo jabkii milatari ee ay Soomaaliya kala kulmeen ugu daraysa jab siyaasadeed.

  3. Dawladaha caalamka qaarkood oo aan rabin in ay wadaadu owood siyaasadeed oo muuqata ku yeeshaan Soomaaliya.
  4. Qolooyinka Isbahaysiga garabka Jabuuti oo u baahan kuraas badan oo ay u qaybiyaan taageerayasha isbahaysiga si aan looga raacin dhinaca kale ee ka soo horjeeda heshiis lala galo TFG’da.

Axdiga Ku meel gaadhka ah in lagu socdo

Nuqdada labaad ee muhiimka ah ee ay labada dhinac ku heshiiyeen waxa weeye in axdiga ku meel gaadhka ah la waafajiyo heshiiskan. Nuqdadani waa nuqdad kale oo ka mida daldaloolada heshiiskan. Waa maxay ujeedada laga leeyahay in la yidhaa heshiiska ha la waafajiyo axdiga ku meel gaadhka ah?. Jawaabtu waxa weeye in 4.5 lagu qaybiyo kuraasta cusub ee la siiyay Isbahaysiga. Hadii isbahysigu ay keenaan xubno aan lagu soo qaybin 4.5 waa la diidayaa waayo sida uu heshiisku dhigayo ma waafaqasana axdiga ku meel gaadhka ah. Qolooyinka Isbahaysiga ee ka qaybgalay shirkani waxa ay mudo dheer naqdinayeen habkan 4.5 ka laakiin waxa muuqata in ay ay iminka taas ka tanaasuleen. Waxa adkaanaysa in Isbahysiga garabkiisa Jabuuti uu aragtidan ka iibiyo dhinacyada kale ee isbahysiga, waayo nuqdadani waxa ay khilaafsan tahay qaabkii markii horeba isbahysiga lagu soo dhisay oo aan ahayn qaab qabiil. Nuqdadani waxa ayba keeni kartaa in khilaaf hor lihi uu ka dhex bilaabmo isbahysiga garabkiisa Jabuuti. Mida kale Isbahaysigu waxa ay mudo dheer naqdinayeen dustuurka ku meel gaadhka ah, iminka se waxa muuqata in ayba ogolaadeen in isaga wax kasta lagu xaliyo. Way adagtahay qolooyinka taageeri jiray isbahaysigu in ay arinkaas aqbalaan. Taasina waxa ay adkaynaysaa in uu heshiiskani hirgalo.

Natiijada Shirarka Jabuuti

Waa wax fiican in la heshiiyo lana wada hadlo, taasi waa sida kaliya ee lagu soo afjari karo mushkiladaha siyaasadeed ee Soomaalida. Rajada ay dad badan oo aan ku jiraa ay ka qabeen shirkan Jabuuti waxa ay ahayd in heshiis macno leh oo waaqiciya lagu gaadho Jabuuti laakiin waxa aad moodaa in taas iminka lagu hungoobay. Natiijada shirkan ka soo baxday waxa ay noqotay:

  1. Qaybinta xoogagii islaamiyiinta ahaa ee Itoobiyaanka ka soo horjeeday, halkii uu heshiiskani keeni lahaa isu soo dhawaansho siyaasadeed oo Soomaalida dhexdeeda ahna waxa uu heshiiskani dhalin karaa dagaalo hor leh oo markan ka dhex dhaca qolooyinka wadaada ahaa ee ku midaysnaa iska caabinta Itoobiyaanka. Waxa laga yaabaa in uu bilaabo loolan cusub oo hubaysan oo diin ku dhisan oo aan hore loogu arag Soomaalida dhexdeeda.

  2. Waxa uu cadeeyay in wadaada Soomaalidu aanay wali si fiican u ciyaari karin kubada siyaasada Soomaalida. Qolooyinka Isbahyisga garabkooda Jabuuti, mawqifkasta oo ay sheegeen in uu agtooda muqadas ka yahay waa ay ka tanaasuleen. Arinkooduna waxa uu dhaafi waayo kuraas la qaybsado. “Xabashidu ilaa ay baxdo lama hadlayno TFG’da”, “awood qaybsi lagama wada hadli karo ilaa ay Itoobiyaanku baxaan”, “ujeedadayadu ma aha xukum ee waa in Itoobiyaanku dhulka nooga baxaan.” Kuwaas ayay ahaayeen mawaaqiftoodii muqadaska agtooda ka ahayd laakiin natiijada shirarkan Jabuuti waxa ay markhaati u tahay in ay intaasba ka tanaasuleen iyada oo aanay cadayn wax wayn oo badal ah oo ay heleen.
  3. Waxa laga yaabaa in uu sii xoojiyo xoogaga aan marka horeba ogolayn in la wada hadlo lana heshiiyo.
  4. Inkasta oo laga yaabo in uu heshiiskani dhaliyo in Itoobiyaanku ay ciidamadooda kala baxaan Soomaaliya, hadana waxa uu heshiiskani guul siyaasadeed u yahay Itoobiya, waayo qaybsanka Islaamiyiinta Soomaalida iyo in ay sii socodo khilaafaadka siyaasadeed ee Soomaalidu waa hadaf Istaraatiijiya oo ay Itoobiyaanku ka xaqiijiyeen heshiiskan kaas oo ay ku gaadhi kari waayeen cududoodii milatari.

Gabagabadii natiijada shirkani ma aha mid soo afjaraysa mushkiladaha siyaasadeed ee Soomaalida. Shirkani iyo natiijadiisuna waxa mari doonaan halkii ay mareen kuwii isga ka horeeyay. Siyaasada Soomaaliduna waxa ay gashay waji cusub oo aan la garanayn meel ay sal dhigan doonto
Siciid Cali Axmed

Said.ali.ahmed@gmail.com

Saturday, November 8, 2008

Guusha Mr.Obama casharo ayaa ku jira

Guul lagu farxo

Bilowgii Islaamka, waqtigii ay Muslimiintu ku noolaayeen magaalada Maka ayaa dagaal wayni waxa uu ka dhex dhacay labadii dawladood ee waqtigaas aduunka ugu xooga waynaa. Dawladi waxa ay ahayd dawladii Romaanka taas oo aaminsayad diinta Kirishtanka, ta kalena waxa ay ahayd Dawladii Furuska oo ay dadkeedu dabka caabudi jireen. Dagaalkan waxa ku adkaaday qolooyinkii dabka caabudi jiray ee Furuska. Markii ay hadaba guushan Furusku soo gaadhay magaalada Maka, qolooyinkii dhagaxa caabudi jiray ee Maka ku noolaa aad iyo aad ayay ugu farxeen warkan halka ay Muslimiintii Maki ay warkan ka naxeen. Sababta ay Muslimiintu uga naxeen jabka Romaanka, dhagax caabudayaashuna ay ugu farxeen guusha Furusku waxa ay ahayd iyada oo qolo kastaba ay aaminsanyd in labadaas qolo midkood ay isu dhaw yihiin. Muslimiintu waxa ay aaminsanayeen in qolooyinka Ahlul Kitaabka ah ee Romanka ay isu dhawyihiin, halka qolooyinka dhagaxa caabudaana ay aaminsanaayeen in dab caabudayaasha Furuska ay isku dhawyihiin. Quraan ayaa barigaas soo degay kaas oo sii sheegaya in dagaal kale uu dhex mari doono Furuska iyo Roomaanka guushuna ay raaci doonto Romanka, maalintaasna ay Muslimiintu farxi doonaan. Dhacdadani waxa ay daliil u tahay in qofka Muslilmka ahi uu markasta noqdo mid la socda dhacdooyinka hareerihiisa ka dhacaya isla markaana uu la fal galo dhacdooyinkaas. Qolooyinkayaga ku nool Galbeedka ee ay Mr.Obama wadaagaan dhibaatooyinka ay kala kulmaan mujtamacaadka Galbeedkana guushan ninkan odayga ahi waa mid aanu ku farxnay. Taageeradaas iyo farxadaasi se waxa ay uun sii socon kartaa waa hadii uu Mr.Obama wax ka badalo siyaasadahii dulmiga ku dhisnaa ee Mr.BUSH, hadii kale se wuxa uu noqon nin lagu hungoobo sidii INA BUSHba loogu hungoobay.

Danta umada waa in wax kasta laga hor mariyaa

Horumarka siyaasadeed ee Mujtamacaadka reer Galbeedka ayaa waxa ka mid ah in markii/hadii ay arkaan in wadankoodu uu dariiq khaldan ku socdo ay isku meel ka istaagaan badbaadada wadankooda iyaga oo ka koraya waxyaabaha yar yar ee qaybiya. Doorashadan uu Mr.Obama ku guulaystayna waxa ay markhaati ka tahay arinkan. Mr.Obama waa nin madow.Duruufta caadiga ah way adag tahay in qofka cadi uu qof madow doorto khaasatan marka ka la tartamaya qofkaas madowi uu yahay qof cad. Laakiin dad badan oo Marykanka ahi markii ay codaynayeen nuqdadan midabka xisaabta kuma ay darsan. Sababta ay cadaan badani u doorteen Mr.Obama oo ah nin madow waxa ay ahayd in markii ay is barbar dhigeen labada musharax ay arkeen in uu isagu (Obama) yahay ka waqtigan Maraykanka ka badbaadin kara dariiqa qaldan ee uu ku sii socdo. Dadka Maraykanka ah ee ka qaybgalay doorashadan 67% markii ay codaynayeen arinka ugu wayn ee ay maskaxdooda ka guuxayay waxa uu ahaa hoosu dhaca dhaqaale ee wadankooda ku dhacay. Afti laga qaaday dadka Marykanka waxa ay 81% sheegeen in wadankoodu uu dariiq qaldan ku socdo, badbaadana u baahanyahay.Xukunka ay rideena waxa uu noqday in ay doortaan Mr.Obama oo laga yaabi lahaa hadii ay xaaladu caadi ahaan lahayd in aanay dooran lahayn. In badan oo Soomaalida ahi waa ay u riyaaqeen doorashada Mr.Obama laakiin su’aashu waxa ay tahay ma ka faa’idaysan doonaan darsigan ay doorashada Mr.Obama xambaarsan. Marka ay dooranayaan cida hogaaminaysa ma waxa ay eegi doonaan haybta qofka ay dooranayaan mise waxa ay eegi doonaan in qofkaasi uu umada badbaadin karo. Nin gobolka Ohio degan oo cadaan ah ayaa waxa ay wargaysyadu ka soo wariyeen in uu yidhi “waligay kuma fakirin in aan nin madow u codeeyo…dhaqaalaha xumaadayse waxa uu igu dhaliyay in aan ku fakaro in aan u foodo nin madow…markii la sii waydiiyay cida uu iminka u codaynayo ayaa inta uu aamusay waxa uu yidhi Mr.Obama”. Waa ay ku cuslayd in uu sidaas yeelo laakiin ugu yaraan waxa uu dareemay hadii uu ninka kale u codeeyo in aanu wadankiisu mushkiladaha haysta ka baxayn. Maslaxada wadankiisa ayuuna ka hor mariyay wixii uu aaminsanaa. Waa rajadayda in Soomaalida ku faraxsan guusha Mr.Obama ay sida ninkan oo kale u fakaraan.

Midabku horumar kaama horjoogsanayo

Madowga ku nool Maraykanku in kasta oo uu dustuurku u ogol yahay in ay madaxwayne ka noqon karaan Maraykanka hadana marna kuma riyoonin in waqtiyadan dhaw dhaw ay ku fadhiisan karaan kursiga ugu sareeyay ee wadankaas. Waqtiguu uu Mr.Obama doorashada xisbigiisa kula tartamayay Mrs. Clinton, hogaamiyayaasha madowga intooda badani waxa ay la safteen Mrs.Clinton sababtuna waxa ay ahayd in aanay marna filayn in nin madowi uu meeshaas sare dhakhso u gaadhi karo. Mr.Obama waxa uu xaqiijiyay in uu arinkaasi hirgali kari hadii qofka madowi uu dadaalo, fikrad dheer yeesho, uuna la yimaado khidadii uu meesha dheer ku gaadhi lahaana. Caruurta madowga ah ee ku nool wadamadan qurbaha doorashadiisani waxa ay ku dhalinaysaa in ay sidiisa oo kale wax qabsadaan kuna fakaraan sidii ay mujtamacyadan ay reerahoodu u soo qaxeen wax uga qabsan lahaayeen. Obama ka hor waxa ay aaminsanaayeen in midabkoodu uu waxa badan ka hor joogo (waana dhab) laakiin iminka waxa laga yaabaa in qaar badan ay doorshadni ku dhaliso in ay ku fakaraan in ay meel dheer gaadhi karaan hadii ay dadaalaan. Dhaliinyarada Soomaalida ee qurbaha ku nool waxa aan rajayn in doorashadani baraarujiso.



Siciid Cali Axmed

Said.ali.ahmed@gmail.com

Thursday, July 24, 2008

Qaybsanka isbahaysiga Asmara Iyo saamaynta uu ku yeelan karo shirka Jabuuti

Waraysi uu Prof. Ibrahim Cadow -oo u hadlayay ururka midowga maxkamaduhu- bixiyay taariikhdu markay ahayd 18/07/2008 ayuu ku sheegay in khilaafadkii u dhaxeeyay xubnaha sarsare ee maxkamadaha ee ku saabsanaa heshiiskii Jabuuti la xaliyay. Laakiin, maalintaas maalintii ku xigtayba waxa muuqatay in aanu heshiiskaasi lugo ku taagnayn. Koooxdii isbahysiga ee ay xaruuntoodu ahayd Jabuuti waxa ay halkaas ka fureen shirkoodii golaha dhaxe kaas oo ay ku ansixiyeen heshiiskii Jabuuti. Sidoo kale qaybtii Isbahaysiga ee ay Asmari xaruunta u ahayd iyaguna waxa ay halkaas ka fureen shirkoodii golaha dhexe. Tariikhdu markay ahayd 22/07/2008 ayaana shirkaas lagu go’aamiyay in la casilay madaxdii isbahaysiga, isla markaana Asmara lagu doortay madax cusub oo Isbahaysigan hogaamisa. Dhacdooyinkani waxa ay markhaati u yihiin in uu burburay isbahysigii Asmara. Hadaba waa muhiim In la is waydiiyo maxaa sababay burburka Isbahysiga Asmara? Sidoo kale, iyana waa in la is waydiiyaa raadadka uu burburkani ku yeelan karo heshiiska Jabuuti? Jawaabaha su’aalahaas ayaan hadii Alle yidhaahdo ku eegi doonaa maqaalkan.

Qaybasanaanta Fikirka wadaada Isbahaysiga

Ururkii maxaakiimta waxa ku midoobay wadaado uu fikirkooda siyaasiga ahi kala duwanaa. Qolo ka mida qolooyinkii ku midoobay Maxkamaduhu (Al-shabaab) bilowgiiba waa ay diideen in ay ka qaybgalaan dhismaha isbahaysiga Asmara iyaga oo diidmadooda sabab uga dhigay in aanay waxba la wadaagayn dad aan aaminsanayn in xalku uu yahay diinta Islaamka - ama sida ay u dhigeen dad cilmaamiyiin ah. Wadaadadii ka qaybgalay dhismaha Isbahaysigan laftigoodu isku si umay wada fakirayn oo waxa ay kala matalayeen fikiro kala duwan. Fikiradahaasina waxa ay saamayn ku yeesheen aragtiyaha siyaasiga ah ee culimadaas. Intii ka horaysay shirkii Jabuuti lama dareemayn inta uu le’gyahay khilaafka fikirka siyaasiga ah ee wadaada isbahysiga ku jiraa, laakiin wixii ka danbeeyay shirkaas waxa soo if baxay in uu jiro khilaaf wayn oo fikriya oo u dhaxeeya wadaada xubnaha ka ahaa isbhaysigan. Arimaha ugu waaweyn ee ay isku khilaafsan yihiin waxa ugu wayn: qaabka loo saarayo ciidanka Itoobiyaanka, doorka qaramada midoobay ee xalka dhibaatada Soomaalida, wadahadalada lala galayo dawlada ku meel gaadhka ah iyo sharciyadeeda, doorka ay mustaqbalka wadaadadu ku yeelanayaan nidaamka siyaasiga ah ee Soomaalida. Hadii aad akhrido fatwooyinka iyo mawaaqifta wadaada ku jira Isbahaysiga Asmarana waxa cad in arimahaas ay wadaadadu aad ugu kala tagsan yihiin. Shirkii Yamen ujeedada laga laga lahaa waxay ahayd in arimahaas lagu xaliyo ama ugu yaraan aragtiyaha la isu soo dhaweeyo. Ma muuqato in arinkaas lagu guulaystay iyo in ay qolana ka tanaasushay fikirkeedii. Tanina waxa ay ASAAS u tahay qaybsanka ku dhacay isbahaysigii Asmara.

Dumuuxaadka Siyaasiyiinta Asmara

In badan oo ka mida xubnaha Isbahaysiga Asmari waa siyaasiyiin leh hami siyaasadeed. Qaar ka mida siyaasiyiintani waxa ay u arkeen shirkii Jabuuti mid carqalad ku noqon kara hamigooda siyaasadeed. Tani waxa ay keentay in ay aad u mucaaradaan heshiiskan iyo intii ka qaybgashay ee ka midka ahayd isbahaysigooda. Qolooyinkan, khilaafadka Ibahaysiga ee (ka dhashay ka qayb galka iyo go’aamadii) shirkii Jabuuti waxa ay u noqdeen fursad ay ku gaadhi karaan hamigoodaa siyaasadeed. Iyaga oo hadaba ka faa’idaysanaya daldaloolada go’aamadii shirkii Jabuuti ayay sii balaadhiyeen is afgarnwaagii u dhaxeeyay xubnaha isbahaysiga ee ku saabsanaa shirka Jabuuti kaas oo hadii si degan looga wada hadli lahaa xal macquul ah laga gaadhi kari lahaa. Sidoo kale qolooyinkii ka qaybgalay shirka Jabuuti ee isbahysiga ka tirsanaa qaabka ay u maamuleen ka qaybgalkooda shirkaasi waxa uu isna door ka ciyaaray khilaafka isbahaysiga.

Danaha Shisheeye

Soomaaliya Soomaali kaliyi kuma hirdamayso. Siraaca Soomaliya ka jirana waxa ku jira quwado badan oo aan Soomaali ahayn. Quwadahaas qaarkood dantoodu kuma jirto in ay ay Soomaalidu heshiis iyo nabad helaan, waxaanay markasta isku dayaan in ay hogaanka Soomaalida ka fogeeyaan kuwa ay iyagu markaas u arkayaan in aanay dantooda matalayn. Qawadahan qaarkood midnimada iyo wadashqaynta Isbahaysiga Asmara waxa ay u arkeen in ay khatar ku noqon karto dantooda khaasatan hadii hashiis ay ku midaysan yihiin la galaan dawalda ku meelgaadhka ah. Gacan ajnabi ahi kama maqana khilaafaadkan qaybiyay isbahaysiga Asmara.

Saamaynta Burburka Isbahysiga ee Shirka Jabuuti

Isbahaysigu waxa uu ka kooban yahay qayb dibada joogta oo siyaasiyiin ah iyo qayb qori sidata oo gudaha ka dagaalamaysa. Heshiiska Jabuuti mustaqbalkiisu waxa uu ku xidhanaa doonaan mawaaqifta qolooyinka gudaha ka dagaalamaya. Kala Jabka siyaasiyiinta Asmara ee dibada joogtaa saamayn wayn kuma yeelan doono heshiiska Jabuuti hadii ay qolooyinka gudaha ka daagaalamayaa taageeraan heshiiskan isla markaana uu heshiiskaasi dhaliyo in Xabashidu ay ka baxdo Soomaaliya. Hadiise qolooyinka guduhu ay diidaan heshiiskan Jabuuti amaba hadii uu heshiiskani natiijo dhakhsa ah dhalin waayo, taasi waxay ay noqon doontaa dhamaadkii heshiiskaas waxaana Soomaalida u furmi doona safxad kale oo aan la saadaalin karin sida ay u eekaan doonto. Wuxuun baase la hubaa in dagaalku uu sii socon doono iyo in wareerka (tiiha) siyaasadeed ee Soomaalidu uu sidiisa ahaan doono.

Gabagabo

Midnimada Isbahaysiga iyo in ay isbahaysigu si waaqiciya ku waajahaan siyaasada Soomaalida ee sabaynaysa waxa ku jirta danta Soomaalida. Isbahsyigan dad badan ayaa taageeray iyaga oo u arkayay in uu qayb ka noqon karo xalka mushkilada Soomaalida. Doorkaasna ma ciyaari karo isbahaysigu hadii aanay hogaamiyayaashoodu aragti dheer u yeelan waaqica muragsan ee Soomaalida isla markaasna ayna joojin isjiid jiidka dhexdooda. Shirka Jabuuti waxa uu ahaa shax siyaasadeed oo la doonayay in ay isbahaysigu is wada jir ah u ciyaaraan. Way ku fashilmeen taas laakiin waxa ay wali haystaan fursad waase hadii ay ka faa’idaystaan fursadaas dareemaan culayska iyo masuulyada saaran. Isbahaysigu waa in ay mushkiladaha daakhilkooda dhakhso u xaliyaan. Taasi waa rajada in badan oo danaynaysa xalka mushkilada Soomaalida. Taariikhdu ma ilaawi doonto hogaanka isbahaysiga hadii ay sidaa yeeli waayaan.

Siciid Cali Axmed
Said.ali.ahmed@gmail.com