Daldaloolada heshiiska
Daldalooda heshiiskan waxa ugu wayn kuwan:
Dawlada Balaadhan:
- Iyada oo qolooyinka Jabuuti ku heshiiyay ay ka baqayaan hadii la kala diro baarlamaanka iminka jira in odayga Cabdullahi uu dhiniciisa u soo jiito xubnaha baarlamaanka iminka ku jira taas oo adkaynaysa in Nuur Cade iyo Axmed Cabdisalaan ay hirgaliyaan shirqoolka siyaasdeed ee ay rabaan in ay Cabdullahi Yusuf kaga takhalusaan.
- Itoobiya oo aan rabin in nidaamka TFGdu uu burburo taas oo hadii ay dhacdo jabkii milatari ee ay Soomaaliya kala kulmeen ugu daraysa jab siyaasadeed.
- Dawladaha caalamka qaarkood oo aan rabin in ay wadaadu owood siyaasadeed oo muuqata ku yeeshaan Soomaaliya.
- Qolooyinka Isbahaysiga garabka Jabuuti oo u baahan kuraas badan oo ay u qaybiyaan taageerayasha isbahaysiga si aan looga raacin dhinaca kale ee ka soo horjeeda heshiis lala galo TFG’da.
Axdiga Ku meel gaadhka ah in lagu socdo
Nuqdada labaad ee muhiimka ah ee ay labada dhinac ku heshiiyeen waxa weeye in axdiga ku meel gaadhka ah la waafajiyo heshiiskan. Nuqdadani waa nuqdad kale oo ka mida daldaloolada heshiiskan. Waa maxay ujeedada laga leeyahay in la yidhaa heshiiska ha la waafajiyo axdiga ku meel gaadhka ah?. Jawaabtu waxa weeye in 4.5 lagu qaybiyo kuraasta cusub ee la siiyay Isbahaysiga. Hadii isbahysigu ay keenaan xubno aan lagu soo qaybin 4.5 waa la diidayaa waayo sida uu heshiisku dhigayo ma waafaqasana axdiga ku meel gaadhka ah. Qolooyinka Isbahaysiga ee ka qaybgalay shirkani waxa ay mudo dheer naqdinayeen habkan 4.5 ka laakiin waxa muuqata in ay ay iminka taas ka tanaasuleen. Waxa adkaanaysa in Isbahysiga garabkiisa Jabuuti uu aragtidan ka iibiyo dhinacyada kale ee isbahysiga, waayo nuqdadani waxa ay khilaafsan tahay qaabkii markii horeba isbahysiga lagu soo dhisay oo aan ahayn qaab qabiil. Nuqdadani waxa ayba keeni kartaa in khilaaf hor lihi uu ka dhex bilaabmo isbahysiga garabkiisa Jabuuti. Mida kale Isbahaysigu waxa ay mudo dheer naqdinayeen dustuurka ku meel gaadhka ah, iminka se waxa muuqata in ayba ogolaadeen in isaga wax kasta lagu xaliyo. Way adagtahay qolooyinka taageeri jiray isbahaysigu in ay arinkaas aqbalaan. Taasina waxa ay adkaynaysaa in uu heshiiskani hirgalo.
Natiijada Shirarka Jabuuti
Waa wax fiican in la heshiiyo lana wada hadlo, taasi waa sida kaliya ee lagu soo afjari karo mushkiladaha siyaasadeed ee Soomaalida. Rajada ay dad badan oo aan ku jiraa ay ka qabeen shirkan Jabuuti waxa ay ahayd in heshiis macno leh oo waaqiciya lagu gaadho Jabuuti laakiin waxa aad moodaa in taas iminka lagu hungoobay. Natiijada shirkan ka soo baxday waxa ay noqotay:
- Qaybinta xoogagii islaamiyiinta ahaa ee Itoobiyaanka ka soo horjeeday, halkii uu heshiiskani keeni lahaa isu soo dhawaansho siyaasadeed oo Soomaalida dhexdeeda ahna waxa uu heshiiskani dhalin karaa dagaalo hor leh oo markan ka dhex dhaca qolooyinka wadaada ahaa ee ku midaysnaa iska caabinta Itoobiyaanka. Waxa laga yaabaa in uu bilaabo loolan cusub oo hubaysan oo diin ku dhisan oo aan hore loogu arag Soomaalida dhexdeeda.
- Waxa uu cadeeyay in wadaada Soomaalidu aanay wali si fiican u ciyaari karin kubada siyaasada Soomaalida. Qolooyinka Isbahyisga garabkooda Jabuuti, mawqifkasta oo ay sheegeen in uu agtooda muqadas ka yahay waa ay ka tanaasuleen. Arinkooduna waxa uu dhaafi waayo kuraas la qaybsado. “Xabashidu ilaa ay baxdo lama hadlayno TFG’da”, “awood qaybsi lagama wada hadli karo ilaa ay Itoobiyaanku baxaan”, “ujeedadayadu ma aha xukum ee waa in Itoobiyaanku dhulka nooga baxaan.” Kuwaas ayay ahaayeen mawaaqiftoodii muqadaska agtooda ka ahayd laakiin natiijada shirarkan Jabuuti waxa ay markhaati u tahay in ay intaasba ka tanaasuleen iyada oo aanay cadayn wax wayn oo badal ah oo ay heleen.
- Waxa laga yaabaa in uu sii xoojiyo xoogaga aan marka horeba ogolayn in la wada hadlo lana heshiiyo.
- Inkasta oo laga yaabo in uu heshiiskani dhaliyo in Itoobiyaanku ay ciidamadooda kala baxaan Soomaaliya, hadana waxa uu heshiiskani guul siyaasadeed u yahay Itoobiya, waayo qaybsanka Islaamiyiinta Soomaalida iyo in ay sii socodo khilaafaadka siyaasadeed ee Soomaalidu waa hadaf Istaraatiijiya oo ay Itoobiyaanku ka xaqiijiyeen heshiiskan kaas oo ay ku gaadhi kari waayeen cududoodii milatari.
Gabagabadii natiijada shirkani ma aha mid soo afjaraysa mushkiladaha siyaasadeed ee Soomaalida. Shirkani iyo natiijadiisuna waxa mari doonaan halkii ay mareen kuwii isga ka horeeyay. Siyaasada Soomaaliduna waxa ay gashay waji cusub oo aan la garanayn meel ay sal dhigan doonto
Siciid Cali Axmed
No comments:
Post a Comment