Thursday, February 26, 2009

Xisbul-Islaam yaanu noqon Xisbul Dagaal

Waa maxay sababta keentay in wadaadada qaarkood ay waqtigan shacabka ku dhex dagaalamaan iyadoo waliba ay maanta wadaadada qaarkood haystaan awooda ugu saraysa ee hogaanka Soomaalidu? Wadaadadan dagaalamyaa ma waxa ay u soo halgaamyeen in ay soo celiyaan nidaam iyo kala danbayn mise waxa ay rabeen in ay buuxiyaan meeshii(booskii) laga eryay dagaal ogayaashii iyaga ka horeeyay? Dawlad miyay rabaan –wadaadadani- mise qas iyo fawdo? Hadii ay ku guulaystaan-wadaadani- ridida dawlada Shariifka maxay soo wadaan oo ay ku badali doonaan Sheekha iyo dawladiisa? Horta Fikir siyaasadeed ma xambaarsan yihiin –wadaadadani-muxuuse yahay fikirkoodaasi? Dagaaladan hadii ay sii wadaaan-wadaadani- ma laga yaabaa in ay dhaawacaan mashruucii siyaasdeed/diineed ee wadaada Soomaalidu ay mudada dheer u soo halgamaayeen? Su’aalahani waxa ay ka mid yihiin su’aalaha ay dhaliyeen dagaalada maalmahan ka socda magaalada Muqdisha ee ay ku lug leeyihiin ururka la baxay Xisbul-Islaam- oo ah urur mideeyay qaar ka mida wadaadadii la dagaalamay Itoobiyaanka waqtigii ay Itoobiyaanku haysteen Koonfurta Soomaaliya. Maqaalkan waxa aan ku eegi doonaa qaar ka mida jawaabaha su’aalahan.

Faham Qalooca

Taariikhda Islaamku waxa lagu soo wariyaa in ay jiri jireen koox marka uu qofku arko cibaadadooda iyo Quraan akhriskooda uu is odhanayo yaa kuuwaas oo kale kaa dhiga. Waxa la soo wariyaa in hadii mid kuwaas ka mid ahi uu xabad timira ah ama cinab ah uu meel ka helo oo marka uu afka galiyayo uu xusuusto in aanu fasax u haysan in uu cuno -xabadaas timirta/cinabka ah- in uu markiiba soo tufi jiray isaga oo iska ilaalinaya in uu Xaraan quuto. Isla qofka sidaas isu ilaalinaya ayaa waxa dhici jirtay in uu banaysto daadinta dhiiga Asxaabtii Nabiga –Naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaatee- waayo asxaabtaas uu dilayaa waxa ay diideen fahamkiisa qaldan ee uu kaasi ku fasirtay Nusuusta Quraanka qaarkood. Sidoo kale waxa la soo wariyaa in koox reer Ciraaq ahi ay u yimaadeen mid ka mida asxaabtii Nabiga (NNKH) kadibna ay waydiiyeen in dhiiga Keneecadu uu nijaas yahay iyo in kale!. Asxaabigii inta uu la yaabay ayaa waxa uu waydiiyay ragii su’aasha waydiiyay xaga ay ka yimaadeen ? Waxa ay ugu jawaabeen Ciraaq. Kor intuu u eegay ayuu ku yidhi “Reer Ciraaqoow waxa aad banaysateen daadinta dhiigii caruurtii uu Nabigu (NNKH)awoowga u ahaa, markaas baad I waydiinaysaan nijaasada dhiiga kaneeecada …arinkiinu waa arin lala yaabo (waxa uu la yaabay sida ay arimuhu agtooda ugu kala muhiimsan yihiin)”. Sidaas ayuu noqdaa fikirka qofku marka uu qofka fahamkiisu qaldamo. Ma lihi kumana doodayo- sida ay qorayaal kale oo Soomaaliyeed ku doodeen- in qolooyinka Xisbul-Islaam ay yihiin khawaarij la mida kuwa aan kor ku sheegay laakiin fahamkooda siyaasadeed iyo kooda diineedba waa mid qalooca oo aan la garanayan meel uu ku tiirsan yahay iyo meel uu u socdaba. Hadii ay fahamkan ku sii socdaana aakhirka waxa uu gaadhsiin doona meel fog oo laga yaabo in ay adkaato sida ay uga soo noqdaan. Soomaali badani waa ay garab istaageen waana ay taageereen ragan wadaadada ah waqtigii ay la dagaalamayeen ciidankii Itoobiyaanka, laakiin maalin kasta oo ay sii wadaan dagaalkan aan ujeedadiisa la garanayan isla markaana ay shacbi badani naftooda ku waayaan dagaaladan, waxa ay kooxdani lumin shacbiyadii iyo taageeradii ay ka helayeen shacabka.

Tajaaribtii Itaxaadka yaan la soo Celin

Iminka ma aha markii ugu horaysay ee koox wadaadada Soomaalida ahi ay dagaal iskaga hor yimaadaan Soomaali kale. Dagaaladii ay ururkii Itaxaadku sagaashamaadkii ku dagaalameen meelo kala duwan oo dhulka Soomaalida ah ayaa dagaaladan ka horeeyay. Natiijadii ka dhalatay dagaaladaasi waxa ay ahayd in dhaliinyaro fara badan oo umadooda iyo diintoodaba wax tari lahaa ay ku naf waayaan dagaaladaas. Natiijooyinka kale ee ka dhashay dagaaladaas waxa ka mid ahaa in dagaaladaasi ay bilow u ahaayeen burburkii ku dhacay ururkii Itaxaadka oo ahaa urur ka mid ahaa ururadii ugu waaweyn ee Islaamiyiinta Soomaalida ee waqtigaas. Wadaadadii (Itixaadka) ee sagaashamaadkii dagaalamayay waxay ku doodi jireen in ay la dagaalamaynaa nidaam cilmaaniya oo diidan in shareecada Islaamka la isku xukumo laakiin qoladan Xisbul–Islam iyo inta ay isku fikirka yihiin waxa ay la dagaalamayaan waa maamul aan diidanayan in shareecada wax lagu xukumo oo ay waliba hogaaminayaan rag diintooda iyo fikirkooda la garanayo. Dhaliinyara badan oo ka mida dhaliinyarada ururadan dagaalamaya ku jiraa waa dhalinyaro aananu ka shakisnayn in ay umadooda wanaag la doonayaan, laakiin marar badan niyad wanaagsan oo aan faham toosan iyo istaraatiijo cadi la soconi waxa ay horseedaan bur bur iyo in markasta eber (sifir) laga soo bilaabo. Dhawr iyo tobon sano ka dibna ma aha in qaar ka mida wadaadadu ay dib ugu laabtaa istaraatijiyooyinkii fashilmay ee sagaashamaadkii.


Arinkii aan la wada helayn badhkiis lama diido

Waa qaacido sharciya in arinkii aan la wada helayn aan la diidin badhkiisa la helayo. Kuma doodayno in Dawlada Shariifku aanay khaladaad lahayn, sidoo kale kuma doodayno in tajribadani ay 100% najixi doonto amaba aanay mari doonin halkii ay mareen tajaarintii ka horeeyay. Waxaan se ku doodaynaa in tajribadani ay tahay fursad ay Islaamiyiinta Soomaalidu ku muujin karaan in ay diyaar u yihiin in ay qabtaan hogaamiyaana talada Soomaalida. Sidoo kale waa fursad ay ku soo bandhigi karaan waxa ay kaga duwan yihiin dadkii uga horeeyay hogaanka Soomaalida. Wadaadadu waxa ay maanta haystaan fursad ay ku keeni karaan inta ka dhiman ahdaafta ay rabaan in ay xaqiijiyaan...ee yaanay fursadaas iska dayicin. Waa in la kabaa inta ka dhiman mashruucan ay qaybtiisii hore ku guulaysteen Sh.Shariif iyo intii la socotay. Aragtida qoraagan dawladani waa mid sida ay ku timid aan dhaliil ka madhnayan laakiin hadana waa fursad hadii la dayaco ay waqti dheer qaadan doonto soo celinteedu. Yaan la dayicin Fursadan madaafiicda masaakiinta shacabka ah dusha lagaga keenayana ha lagu difaaco mashruuca dawlada.

Siciid Cali Axmed
maqaalo.siciid.cali@gmail.com

Monday, February 16, 2009

Khilaafka wadaadada iyo dawlada Sheekh Shariif

Doorashadii Sh.Shariif loo doortay- in uu noqdo- madaxwaynaha dawlada ku meelgaadhka ah ee Soomaaliya waxa ay soo if bixisay in uu jiro khilaaf u dhaxeeya Islaamiyiinta Soomaalida oo ku saabsan mashruuca siyaasadeed ee wadaadada Soomaalida. Dhamaantood waxa ay isku waafaqsan yihiin in Shareecada Islaamku ay noqoto dastuurka dalka, laakiin halkaas ayay ku eegtahay midnimadoodu. Doorashada Sheekh Shariif iyo mucaaradnimada ay doorashadan mucaaradeen qaar ka mida wadaadadu waxa ay markhaati u tahay in Islaamiyiinta Soomaalida dhexdooda uu jiro kala duwanaansho fikradeed oo ku saabsan qaabka uu rabo in uu wadaadku uga qayb galo siyaasada Soomaalida. Hadaba waa kuwama Islaamiyiinta Soomaalidu? Maxayse rabaan? Muxuuse ku salaysan yahay khilaafkooda siyaasadeed? Fahamka jawaabaha su’aalahan iyo doodooduba waxa ay door ka ciyaari karaan in la fahmo aragtiyaha siyaasadeed ee wadaadada Soomaalida. Qormadana, hadii Ilaahay yidhaahdo, waxa aan isku dayi doonaa in aan ku eegno qaar ka mida su’aalahaas.

Maxkamadihii ka hor Iyo Ka dib

Lixdii bilood ee uu maamulkii Maxkamaduhu ka talinayay Koonfurta Soomaaliya waxa ay ahayd markii ugu horaysay ee quwad Islaamiya oo Soomaaliyi ay maamulaan dhul baaxad wayn oo ka mida dhulalka ay Soomaalidu degto. Maamulkii maxkamaduhu waxa uu isu keenay kooxo iyo afraad uu kala duwan yahay fikirka siyaasadeed ee ay ka aaminsan yihiin Islaamku. Arinka ugu wayn ee isku hayay waxa uu ahaa in ay mabda ahaan ka midaysanayeen rabitaanka dhismaha dawlad Islaamiya oo ku dhaqanta shareecada Iskaamka. Kala duwanaanshaha fikirka siyaasiga ah ee wadaadadii Maxkamaduhuna waxa uu ka mid yahay sababihii ugu waawaynaa ee soo dadajiyay burburkii ku yimid maamulkaas. Hadaba burburkii ku dhacay maamulkii Maxkamadaha iyo kala jabkii ka danbeeyay ee wadaadadii ka qaybgalay Isbahaysigii Asmara waxa uu iftiimiyay in aanu midaysnayn fikirka siyaasadeed ee wadaadada Soomaalidu. Anigoo ka duulaya mawaaqifta siyaaasiga ah ee ay wadaada Soomaalidu iska istaageen dawlada Sh.Shariif, ayaa waxa aan wadaadada Soomaaliyeed u qaybiyay sadex kooxood. Waxa aan u bixiyay: Waaqiciyiin, Kaligay iyo Daawadayaal. Hoos waxa aan ku sharixi doonaa mid kastaba waxa aan ula jeedo.


Waaqiciyiin


Qoladani waxa ay aaminsan yihiin in nidaamka siyaasadeed ee dadka Soomaaliyeed -ee boqolkiiba boqolka Muslim ka ahi- uu noqdo mid ku salaysan Shareecada Islaamka. Aragtidooda, qaabka loo keenayo dawlad Islaam ahi waa talaabo talaabo laga soo bilaabayo dhismaha qofka, qoyska, mujtamaca ka dibna loo imanayo dhismaha iyo hagaajinta maamulka iyo xukumka. Inta ka horaysa waxa ay aaminsan yihiin in si waaqiciya loola fal galo waxna looga badalo nidaamka siyaasadeed ee markaas jira. Waxa ay aaminsanyihiin in waxa ugu muhiimsan ee marxaladan loo baahan yahay uu yahay nidaam iyo kala danbayn. Taas la’aanteed waxay ay ku qanacsan yihiin in aan waligeed laga baxayn fawdada iminka lagu jiro. Sidaa daraadeed kooxdani ma diidana in marxaldan ay wax la wadaagaan kana qayb galaan nidaam siyaasadeed oo aanay 100 % ka helayn waxaa ay iyagu rabaan laakiin waa in uu nidaamkaasi noqdo mid keeni karo kala danbayn iyo nidaam dawladeed. Waqtiga fog kooxdani waxa ay aaminsan yihiin in Soomaalidu ay ka guurto nidaamka qabaliga ah una guurto nidaam doorasho oo ku dhisan tartan ay dadka Soomaaliyeed xor u yihiin cida ay dooranayaan. Waxa ay ku qanacsan yihiin hadii dadka Soomaaliyeed la siiyo xoriyadaas in aanay waligood dooran doonin cid aaminsan wax ka soo horjeeda diintooda. Sidaa daraadeed kooxdani cabsi kama qabaan in ay ka qayb galaan loolan siyaasadeed. Sidoo kale kooxdani ma aaminsana in qorigu uu xal u yahay khilaafaadka siyaasadeed ee Soomaalida ka dhaxeeya. Waa fikirkan fikirka ay xambaarsan yihiin Sheekh Shariif iyo wadaada taageersani. Sidoo kale waa fikirkan fikirka ay iminka ku dhaqmaan inta badan wadaada ku hoos nool maamulada Somaliland iyo Puntland kuwaas oo arkay in marxaladan ay muhiim tahay in la xoojiyo lagana qayb galo maamulada halkaas ka jira.


Aniga Kaligay

Qoladani sidoo kale waxa ay aaminsan yihiin in xalka Soomaalidu uu yahay ku dhaqanka Shareecada Islaamka. Waxa ay arkaan in ay khalad tahay in wadaadadu ay wax la wadaagaan dad ay aaminsan yihiin in ay qayb ka ahaayeen burburkii mudooyinkii u danbeeyay ka dhacay Soomaaliya. Qaabka iyo nidaamka siyaasadeed ee dawladnimo ee ay rabaan qoladani ma cada. Doorosho iyo nidaam xisbiyo badan ku dhisan waxa ay u arkaan in uu yahay nidaam gaalo wadato oo mudan in laga hor tago. Dhib uma arkaan in ay qoriga ku keenaan waxa ay rabaan. Dawlada Sh.Shariif waxa ay u arkaan in ay tahay mid ay gaalo wadato oo lagu burburinayo halgankii wadaadaa sidaa daraadeed aad ayay uga soo horjeedaan. Ma ogla in ay wax la wadaagaan Soomaalida kale ee aan wax u arag sida ay iyagu wax u arkaan xitaa hadii ay Soomaalidaasi yihiin wadaado iyaga oo kale ah laakiin ku khilaafsan aragtidoodan. Fikirkoodu waxa uu ku dhisan yahay waxa aan ugu yeedhay “ama aan wada helo ama waxba hagaagi maayaan”. Dhaliinyarada Shabaabka iyo Xisbullahiga dhawaan la abuuray ayaa ugu cad cad kooxdan


Daawadayaal

Qoladani ma rabaan in ay garoonka ciyaarta siyaasada yimaadaan. Waxa ay daawanayaan xaga uu ku dhamaado loolanka labada qolo ee aan kor ku soo sheegay. Dhinac ma rabaan in uu burburo nidaam uu madax ka yahay nin Islaami ahi, dhinca kalena ma rabaan in ay ka hor yimaadaan wadaada diidan Shariifka. Waxa ay rabaan in labada dhinac ay wada noolaadaan laakiin taas xalkeedii ma hayaan sidaa darteed afka ayay xidheen. Qoladan hadii Sheekh Shariif iyo fikirkiisu hirgalana ka hor iman maayaan. Hadii dhinaca ka soo horjeedaa uu xoogaystana iyagana ka hor iman maayaan. Sidaa daraadeed qoladani ma laha damac iyo barmaamij Siyaasadeed. Waa daawadayaal la mida mujtamaca intiisa kale.


Tajribo u baahan najixin

Gabagabadii waxa ay ila tahay in tajrbadan Sheekh Shariif ay tahay mid ku cusub mujtamaca Soomaaliyeed. Waa markii ugu horaysay ee qof islaami ahi uu xukunka Soomaalida qabto. Fashilinta maamulkan Sheekha waxa door wayn ka ciyaari kara qolooyinka wadaada ah ee qoriga xambaarsan. Hadii ay dawladan fashiliyaan ururo Islaamiyiin ahi waxa adkaan sida uu wadaadka Soomaaliyeed masraxa siyaasadeed ee Soomaalida mar kale uu dhawaan ugu soo noqon doono. Fursadan ay maanta haystaan wadaada Soomaalidu ma haystaan in badan oo ka mida wadaada caalamka Islaamka ku noolo. Waa fursad u baahan korin oo hadii la najixiyo loo aayi doono. Laba mid ayuun buu ku dhamaan loolankan wadaadada Soomaalidu, in ay wadaadadu qaataan tajribadii Afgaanistaan ee Mujaahidiintii Ruushka lawada dagaalamayay ay markii danbe noqdaan dagaal Ogayaal “WarLords” iyagu is cunaya. Ama waxa ay noqon dad mushtamacooda ka badbaadiya musiibada ku raagatay oo if iyo aakhiroba wanaag lagu xasuusto. Qaacido sharciya ayaa tidhaahda labada daran ta fudud ayaa la qaataa….waa rajadayda in Islaamiyiinta Soomaalida khaastana kuwa hogaanka u haya maantu ay qaacidadaas fahmaan. Waa in dawladan Sheekh Shariif ugu yaraan loo arkaa in labadaa daran ta fududud ay tahay lagana qayb qaataan hir galinteeda iyada oo khilaafka FIKRIGA ah ee wadaadada u dhaxeeya markan dib loo dhigayo. Waa rajadayda in ay sidaas yeeli doonaan.!

Siciid Cali Axmed
maqaalo.siciid.cali@gmail.com