Tuesday, December 22, 2009

Rajminta Al-shabaab, xisbul Islaam Iyo Shareeecadda Islaamka

Wararkii Soomaalidda ee usbuucyadii ina dhaafay waxa ka mid ahaa war sheegayay xukum rajmina oo ay fuliyeen kooxda Xisbul Islaam ee ka talisa magaalada Afgooye. Soomaliddu fasiraada dhacddadan iyo kuwii la midka ahaa ee ka horeeyay waa ay isku khilaafeen. Qolo waxa ay ku doodeen in rajmintani ay tahay mid loogu gargaarayo shareecadda Islaamka. Qole kale waxa ay falkan u arkaan fal arxan dara ah oo waliba dulmi ku ah kuwii lagu fuliyay xukumkaas, qolooyinkan qaarkood waxa ayaba aaminsan yihiin in xukumka rajmintu aanu ku soo aroorin shareeceada Islaamka ee uu yahay mid laga soo guuriyay kutubtii umadihii hore. Qolo sadexaad, iyagu may diidin in rajmigu uu yahay xukum ka mida axkaamta shareecada Islaamka laakiin waxa ay shaki wayn galiyeen daacaddnimada kooxaha fulinaya xukmka ee Al-shabaab iyo Xisbul Islaam. Qoladani waxa ay ku doodayaan in hirgalinta xudduudu ay u baahantahay dawlad ee aanay koox yari kaligeed hir galin karin, sidaas oo kale waxa ay ku doodayaan in aanay kooxahani u marin fulinta xadkan wadadadii ay shareecadu u dajisay. Hadaba yaa saxsan? Yaa qaldan? Maxay shareecadu ka qabtaa rajminta? Waddadee ayaase loo maryaa hirgalinta xaddkan? Su’aalahaasi waxa ay ka mid yihiin su’aalo ay dad badani is waydiinayaan, waana su’aalaha aan jawaabtooda ku eegi doono qormadan.


Shareecaddu ka balaadhan xuduud

Xuduuddu waa qayb yar oo ka mida axkaamta diinta Islaamka. Axkaamta diinta Islaamka waxa uu Ilaahay u soo dajiyay in ay bani’aadmiga u horseedaan nolol fiican. Waxyaabaha uu Islaamku aadka ula dagaalamay ee mujtamacyada burburiya waxa ka mida sinada (galmada aan xalaasha ahayn). Qof kasta oo caqli leh kama qarsoona caaqibo xumada ay sinadu u leedahay qofka iyo mujtamaca xumaantaas banaysta. Raad xuma wayn ayuu ficilkani ku yeeshaa mujtamaca khaasatan hadii qofka ficilkan samaynayaa uu yahay qof xaas ah amaba hore u soo guursaday. Diinta Islaamku dhaqan xumaddan iyo inta samaynaysaba dagaal wayn ayay ku qaaday, waxaana ay u samaysay axkaam khaas ah oo ay kaga hortagyso in ay dhaqan xumadani ku faafto mujtamaca dhexdiisa.


Kala duwanaanta qawaaniinta

Inta aanaynu axkaamtaas ka hadal waxa muhiim ah in la isla fahmo in umaduhu ay ku kala duwan yihiin qaab ciqaabeedka ay ku abaal mariyaan danbiilayaasha sharciga jabiya. Sharci (qaanuun) dad ula eeg in uu adagyahay ayaa dad kale ula eeg in uu munaasib yahay. Tusaale ahaan, ciqaabta “Dilka” wadamada Yurub iyo Kanada waxa ay u arkaan mid qaladan, adag oo xuquuqda qofka ka hor imanaysa, wadanka Maraykanka iyo wadamo badan oo kale se waxa loo arkaa in ay tahay ciqaab sax ah, miisaaman, oo lagu abaal marinayo danbiilayaasha qaarkood. Dadka ciqaabta shareecada Islaamka u arka in ay tahay mid aan naxariis lahayn waa dad jaahil ka ah nidaamka uu Islaamku ula dagaalamo danbiilayaasha iyo danbiyadaba. Waxaan ku doodaynaa in aanay qawaaniinta Islaamku adkayn isla markaana uu wanaaga mujtamacu ku jiro ku dhaqankooda, waase hadii loo hirgaliyo sidii/waqtigii ay diintu jidaysay.

Rajminta iyo diinta Islaamka


Axaadiis saxiixa oo ku sugan kitaabka Bukhaariga iyo Muslimkuba waxa ay sugayaan in rajmigu yahay mid uu nabigu(csw) ficil ahaan uu sameeyay isla markaana uu asxaabtiisa faray in ay sameeyaan. Afarta mad-hab na waa ay isku waafaqeen sharcinimada arinkan. Waxaba uu soo wariyay Iimaamka la yidhaa Ibnu Qudaamah in culimada Islaamka ee lagu kalsoonyahay ay dhamaantood isku waafaqeen sharcinimada arinkan. Sidaa si le’eg ayuu Sheekha Shawkaani la yidhaa soo wariyay. Waan arkay dad diidan jiritaanka ciqaabtan lakiin taageero badan oo daliil ku dhisan ma haysataan. Waa laga doodi karaa qaabka/waqtiga loo dabaqayo xukumkan laakiin in laga doodo jiritaankeedu waa waqti lumis.

Si kooban sharcigan waxa lagu fulinayaa qofkasta oo sinaysata oo xaas ah amaba guur hore u soo maray. Ciqaabtan si loo hirgaliyose shareecadu waxa ay u dajisay shuruudo iyo jaranjarooyin loo maro fulinteeda. Si ciqaabtan loo hirgaliyo waa in marka hore la sugaa in falkani dhacay. Shareecadu waa ay adkaysay sida lagu sugayo falkan, waayo ujeeddada ka danbaysay hirgalinta xukumkani waa in ay dadka cabsi galiso si aanay dhaqan dhaqankani u noqon mid mujtamaca ku dhex faafa. Aynu bal hadaba isla eegno qaabka ay shereecadu u sugayso falkan:

Qirasho

Waa in uu qofku qirto in uu sinaystay isla markaana uu rabo in lagu fuliyo sharcigan. Si qirashada qofkaas loo aqabalo waa in uu qaadigu hubiyaa in qofkani waxa uu qiranayaa ay run tahay. Waa in uu sidoo kale hubiyaa in caqligiisu fayowyahay isla markaana aanay jirin cid qofkan ku qasbaysa qirashada arinkan. Waxa la soo wariyaa in nin uu nabiga u yimid oo uu u qirtay in uu sinaystay isagoo xaas ah. Nabigu(csw) waxa uu waydiiyay dadkii- ay ninkaas tolka ahaayeen- in caqligiisu uu dhan yahay iyo in kale. Waxa ay tolkiis u sheegen nabiga in aanay waali ku ogayn ninkaas. Intaas kadib nabigu (csw) ninkii ayuu waraystay si uu bal u hubiyo waxa uu ninkani sheegayaa in ay sax tahay iyo in kale. Su’aalo badan ayuu waydiiyay oo aad dareemayso in uu nabigu rabo in uu qiil u raadiyo ninkaas. Markii uu qofkaasi si cad u qirtay in uu ficilkaas sameeyay isla markaana uu nabigu hubiyay in maskaxdiisu ay dhantahay ayuu amray in la rajmiyo. Hadii uu qofku qirto sinada oo uu dabadeed ka noqdo qirashadaas maxaa la yeelayaa? Waa in la aqbalo ka noqoshadiisaa, waa hadii aanay jirin daliil kale oo aan ahayn qirashadiisaas oo qofka lagu hayo. Sidaas ayay culimo badani qabaan. Mida kale waa in uu afar jeer oo kala duwan uu qaadiga hortiisa ka qirtaa in uu ficilkan sameeyay.

Markhaatiyo

Mida labaad ee ay ku sugmaysaa waa in la helo 4 markhaati oo aan been iyo xumaan lagu ogayn oo qiraya in ay arkeen qofkaas oo xumaantaas samaynaya. Qaadigu waa in uu hubiyaa in markaatiyadani waxa ay sheegayaan ay hubaan. Waa in uu waydiiyaa waqtiga , meesha iyo waxa ay arkeen in uu qofkaasi samaynayay. Waa in baadhitaan xoogan uu qaadigu ku sameeyaa markhaatiyadaas waayo markhaati furkoodu waxa uu sabab u noqon karaa in qofkaasiuu naftiisa waayo.

Uur

Culimada qaar ayaa qaba in hadii gabadhu ayna xaas lahayn, isla markaana ay uur yeelato in xadka lagu qaado. Laakiin inta badan culimad muslimiintu waxa shardi ka dhigayaan in ay gabadhu ay qirato in ay si xor ay iyadu sinada u samaysay.. Waana sida saxa ah, hadii kale waxa dhici karta in gabadh la kufsaday waliba oo iyadu dulman in xad lagu oogo.

Arimahaas oo dhan hadaad si xeel dheer ugu fiirsato waxa kuu soo baxaya in Islaamku uu xadkan ku oogayo laba qolo oo kaliya. Qolo waa qolo uu damiirkoodu u saamixi waayay in xumaan ay sameeyeen ay aakhiro Ilaahay la hor tagaan. Inkasta oo ay ka toobad kani kareen, hadana damiirkooda ayaa siin waayay in ay qarsadaan ficilkaas.Sida caadiga ah waa ay adagtahay in danbiilayaashu ay danbigooda qirtaaan. Taariikhduna ma sheegin dad badan oo ficilkan qirta. Qoloda kale waa qolo xumaanta suuqyada la yimid, oo dhaqan xumadooda la yimid meel cid kastaba arkayso. Way adagtahay ayaan is leeyahay in la helo afar markhaatiya oo markhaati ka noqda in ay arkeen dad xumaantan faraha kula jira, waa hadii aanay dadkaasi ahayn dad dhaqan xumadoda meel kasta la taagan.! Sheekha la yidhaa Dr.Yusuf Al-qaradawi waxa uu ku fatwooday xitaa hadii Kamarad la qariyo oo qofkaas xumaanta uu samaynayo laga duubo isaga oon ogayn in aan xadka lagu oogayn, waayo waxa loo baahan yahay ayuu yidhi in la helo afar qof oo iyagu ficilkaas arkayay.

Xuduudda Xisbul Islaam iyo Al- Shabaab


Intaas ka dib, waxa aan ku doodaynaa in aanay kooxahan Soomaalidu ee leh xad baan oogaynaa aanay la imanin dhamaanba arimhii looga baahnaa hirgalinta xuduuda Islaamka. Culimo badan oo leh kuwa hore iyo kuwa iminka joogaba waxa ay sheegeen in xuduudda hirgalinteedu ay u baahantahay nidaam dawladeed ee aanay koox amaba shakhsiyo hirgalin karin. Waxa ay u baahantahay qaadiyo faham fiican u leh nidaamka ciqaabta ee ay shareecada Islaamku doonayso. Waxa ay baahantahay nidaam maxkamadeed kala sareeya oo suga danibiga danbiilaha lagu soo oogayo. Waxa ay baahantahay in la hubiyo caqliga qofkan lagu qaadayo xukumka. Ma aha arin fudud in qof naftiisa la qaado ama xubin muhiim ah oo jidhkiisa ka mida la gooyo, sidaa daraadeed waxa ay u baahan tahay degenaanshiiyo iyo hubsiimo badan. Si axkaamta Islaamku u hirgasho waa in la helaa nidaam garsoor oo ay dadku kalsooni ku qabaan. Waa doodayda in aan shuruudahaas wali la hayn.

Hadii afartii wadaad ee magaalo joogaaba inta ay qof danbi ku soo oogaan, sawiro ka qaadaan, dabadeedna ay yidhaahdaan shareecad baan dabaqaynaa ee na daawada, taasi dabaqaad shareeco noqon mayso ee waxa ay u eekaanaysa ku ciyaarid shareeco. Waxaana laga yaabaa hadii sidaas wax ku sii wadaan in waqtiga aan fogayn ay ay dad badan diintooda ka fidneeyaan.

Khaladka Saxaafadda


Ugu danbayn, qolooyinka warfaafinta-ee sawirada ciqaabaha soo tabiyaa-waa in ay iyaguna hab dhaqankooda saxaafadeed dib u eegaan. Wadamad xuduudda ooga sida Sucuudiga oo kale wali ma arag meel inta wariyayaasha loo yeedho la yidhaa kaalaya qofka la dilayo sawira, ka dibna sawiradii la soo galiyo internedka iyo you tubeka oo ciyaal iyo ciroolaba daawanayaan. Taasi dhaqan saxaafadeed ma aha ee waa in ay qolooyinkaai dib isugu noqdaan oo ay ka fiirsadaan sawirada ay soo gudbinyaan,.Dadka ay soo sawirayaan xurmo ayay leeyihiin xitaa hadii ay danbiilayaal yihiin…

Mahadsanidin
Siciid Cali Axmed
Maqaalo.siciid.cali@gmail.com