Tuesday, January 26, 2010
Saturday, January 16, 2010
Shabaabka Yaa Horta Koriyay
Urur taariikh yar laakiin awood yeeshay
Uraradii la yaqaanay ee Islaamiyiinta oo saaxada laga waayay
Intii ka horaysay soo-ifbixii Alshabaab, ururada Islaamiyiinta Soomaalida waxa ugu caansanaa labada urur ee Islaax Iyo Itixaadka. Islaax waa urur Islaamiya oo u nasab sheegta fikirka caalamiga ah ee xarakada Ikhwaanul Muslimiinka. Halka uu ururka Itixaadka fikirkiisu ahaa mid ka soo jeeda fikirka Salafiga. Islaax waxa rasmi ahaan loo asaasay dhamaadkii todobaatameeyadii, halka Itaxaadka isaga rasmi ahaan loo asaasay bilowgii sideetamaadkii. Burburkii ku dhacay dawladii Maxamed Siyaad Bare ka dib, ururka Itaxaadku waxa uu galay loolan milatari kaas oo ugu danbayntii sababay qaybsan iyo bur bur ku yimaada ururkaas. Islaax iyadu bilowgii burburkaas waxa ay xooga saareen dhinacyadda waxbarashada iyo taakulaynta. Guulo badan oo aan la qarin karin ayay dhinacyadaas ka gaadheen. Laakiin khilaafaad dhinaca maamulka ah iyo kala duwanaansho aragtiyeed oo ku saabsan sida loo waajahayo siyaasada murugsan ee Soomaalida ayaa waxa ay iyana sababatay in Islaax laftigeeda uu ku yimaado qaybsan xoogani. Waxa aan ku doodaynaa in burburkii Itixaadka iyo isku mashquulkii Islaax ay sabab u noqotay in ay saaxada dacwadu u banaanaato ururo aan markii hore miisaan culus ku lahayn Islaamiyiinta Soomaalida dhexdooda. Firaaqani waxa uu fursad u noqoday in Al-shabaab iyo ururada la middka ahi ay ummada isu tusaan in ay iyagu yihiin kuwa matalaya qadiyadihii masiiriga ahaa ee Soomaalida.
Nidaam Caskarinimo iyo hogaan Ajnabi
Al-Shabaab waa urur uu nidaamkiisu yahay nidaam askarinimo. Nidaamka askarinimada waxa asaas u ah hogaansan xad dhaaf ah iyo cabsi. Dad badani uma taageeraan ururkan jacayl ay u qabaan mabaadiida iyo fahanka ururkan laakiin waxa ay u taageeraan cabsi ay ka qabaan in ay dhibi soo gaadho hadii ay ka hor yimaadaan amarada ay bixinayaan. Nidaamka noocan ah ee askarinimo in uu qoladan u hirgalo waxa ka cawaawiyay hogaan aan Soomaali ahayn oo khibrad wayn u leh nidaamkan askarinimo ee ay Shaabku ku shaqaynayaan .
Culimo la cabsiiyay
Al-shabaab waa urur sheeganaya in uu u taagan yahay ilaalinta iyo kor u qaadida diinta Islaamka, laakiin mawqiftiisa siyaasadeed iyo diineed ma aha mid ay taageersan yihiin inta badan ee culimada Soomaalidu. Qadiyadaha sida isqarxinta, diidmada wada hadalo lala galo Soomaalida kale, taageerada ay siinayaan Al qaacido, gaalaysiinta dadka fahankooda khilaafa iyo dagaalka ay sheegeen in ay kula jiraan caalamka oo dhani waa arimo asaasiya oo ay culimada Soomaalida ee la yaqanaa ku diidan yihiin ururkan. Diidmadaas oo jirta hadana codka culimadu ma aha mid aad/kor loo maqalo, taasina waxa ay sababtay in codadka aadka loo maqlo ee sheeganaya in ay magaca diinta Islaamka ku hadlayaa ay noqdaan codadka Shabaabka iyo qolooyinka la fikirka ah.
Gabagabo
Maqalkan gaaban waxa aan ku soo bandhignay sababo aanu u aragno in ay yihiin sababaha ugu waa weeyn ee muddo yar gudeheed koriyay urur aan cumri dheer ku lahayn saaxada ururada Islaamiyiinta Soomaalida(Shabaabka). “Firaaqaada saaxada dacawada- ee ururadii Islaamiyiinta ee la yaqaanay-“, “nidaamka askarinimo ee Shabaabka” iyo “aamuska culimadu” waxa ay ka mid yihiin sababaha ugu waawayn ee sida dhakhsaha ah u koriyay Shabaabka.
Maqaalkan ka ku xiga waxa aan ku saadaalin doonaa burburka ururka Shabaabka iyo raadka uu burburkoodu ku yeelan doono Islaamiyiinta Soomaalida.
Siciid Cali Axmed
maqaalo.siciid.cali@gmail.com
Tuesday, December 22, 2009
Rajminta Al-shabaab, xisbul Islaam Iyo Shareeecadda Islaamka
Shareecaddu ka balaadhan xuduud
Xuduuddu waa qayb yar oo ka mida axkaamta diinta Islaamka. Axkaamta diinta Islaamka waxa uu Ilaahay u soo dajiyay in ay bani’aadmiga u horseedaan nolol fiican. Waxyaabaha uu Islaamku aadka ula dagaalamay ee mujtamacyada burburiya waxa ka mida sinada (galmada aan xalaasha ahayn). Qof kasta oo caqli leh kama qarsoona caaqibo xumada ay sinadu u leedahay qofka iyo mujtamaca xumaantaas banaysta. Raad xuma wayn ayuu ficilkani ku yeeshaa mujtamaca khaasatan hadii qofka ficilkan samaynayaa uu yahay qof xaas ah amaba hore u soo guursaday. Diinta Islaamku dhaqan xumaddan iyo inta samaynaysaba dagaal wayn ayay ku qaaday, waxaana ay u samaysay axkaam khaas ah oo ay kaga hortagyso in ay dhaqan xumadani ku faafto mujtamaca dhexdiisa.
Kala duwanaanta qawaaniinta
Inta aanaynu axkaamtaas ka hadal waxa muhiim ah in la isla fahmo in umaduhu ay ku kala duwan yihiin qaab ciqaabeedka ay ku abaal mariyaan danbiilayaasha sharciga jabiya. Sharci (qaanuun) dad ula eeg in uu adagyahay ayaa dad kale ula eeg in uu munaasib yahay. Tusaale ahaan, ciqaabta “Dilka” wadamada Yurub iyo Kanada waxa ay u arkaan mid qaladan, adag oo xuquuqda qofka ka hor imanaysa, wadanka Maraykanka iyo wadamo badan oo kale se waxa loo arkaa in ay tahay ciqaab sax ah, miisaaman, oo lagu abaal marinayo danbiilayaasha qaarkood. Dadka ciqaabta shareecada Islaamka u arka in ay tahay mid aan naxariis lahayn waa dad jaahil ka ah nidaamka uu Islaamku ula dagaalamo danbiilayaasha iyo danbiyadaba. Waxaan ku doodaynaa in aanay qawaaniinta Islaamku adkayn isla markaana uu wanaaga mujtamacu ku jiro ku dhaqankooda, waase hadii loo hirgaliyo sidii/waqtigii ay diintu jidaysay.
Waa in uu qofku qirto in uu sinaystay isla markaana uu rabo in lagu fuliyo sharcigan. Si qirashada qofkaas loo aqabalo waa in uu qaadigu hubiyaa in qofkani waxa uu qiranayaa ay run tahay. Waa in uu sidoo kale hubiyaa in caqligiisu fayowyahay isla markaana aanay jirin cid qofkan ku qasbaysa qirashada arinkan. Waxa la soo wariyaa in nin uu nabiga u yimid oo uu u qirtay in uu sinaystay isagoo xaas ah. Nabigu(csw) waxa uu waydiiyay dadkii- ay ninkaas tolka ahaayeen- in caqligiisu uu dhan yahay iyo in kale. Waxa ay tolkiis u sheegen nabiga in aanay waali ku ogayn ninkaas. Intaas kadib nabigu (csw) ninkii ayuu waraystay si uu bal u hubiyo waxa uu ninkani sheegayaa in ay sax tahay iyo in kale. Su’aalo badan ayuu waydiiyay oo aad dareemayso in uu nabigu rabo in uu qiil u raadiyo ninkaas. Markii uu qofkaasi si cad u qirtay in uu ficilkaas sameeyay isla markaana uu nabigu hubiyay in maskaxdiisu ay dhantahay ayuu amray in la rajmiyo. Hadii uu qofku qirto sinada oo uu dabadeed ka noqdo qirashadaas maxaa la yeelayaa? Waa in la aqbalo ka noqoshadiisaa, waa hadii aanay jirin daliil kale oo aan ahayn qirashadiisaas oo qofka lagu hayo. Sidaas ayay culimo badani qabaan. Mida kale waa in uu afar jeer oo kala duwan uu qaadiga hortiisa ka qirtaa in uu ficilkan sameeyay. Mida labaad ee ay ku sugmaysaa waa in la helo 4 markhaati oo aan been iyo xumaan lagu ogayn oo qiraya in ay arkeen qofkaas oo xumaantaas samaynaya. Qaadigu waa in uu hubiyaa in markaatiyadani waxa ay sheegayaan ay hubaan. Waa in uu waydiiyaa waqtiga , meesha iyo waxa ay arkeen in uu qofkaasi samaynayay. Waa in baadhitaan xoogan uu qaadigu ku sameeyaa markhaatiyadaas waayo markhaati furkoodu waxa uu sabab u noqon karaa in qofkaasiuu naftiisa waayo. Culimada qaar ayaa qaba in hadii gabadhu ayna xaas lahayn, isla markaana ay uur yeelato in xadka lagu qaado. Laakiin inta badan culimad muslimiintu waxa shardi ka dhigayaan in ay gabadhu ay qirato in ay si xor ay iyadu sinada u samaysay.. Waana sida saxa ah, hadii kale waxa dhici karta in gabadh la kufsaday waliba oo iyadu dulman in xad lagu oogo.Rajminta iyo diinta Islaamka
Axaadiis saxiixa oo ku sugan kitaabka Bukhaariga iyo Muslimkuba waxa ay sugayaan in rajmigu yahay mid uu nabigu(csw) ficil ahaan uu sameeyay isla markaana uu asxaabtiisa faray in ay sameeyaan. Afarta mad-hab na waa ay isku waafaqeen sharcinimada arinkan. Waxaba uu soo wariyay Iimaamka la yidhaa Ibnu Qudaamah in culimada Islaamka ee lagu kalsoonyahay ay dhamaantood isku waafaqeen sharcinimada arinkan. Sidaa si le’eg ayuu Sheekha Shawkaani la yidhaa soo wariyay. Waan arkay dad diidan jiritaanka ciqaabtan lakiin taageero badan oo daliil ku dhisan ma haysataan. Waa laga doodi karaa qaabka/waqtiga loo dabaqayo xukumkan laakiin in laga doodo jiritaankeedu waa waqti lumis.
Si kooban sharcigan waxa lagu fulinayaa qofkasta oo sinaysata oo xaas ah amaba guur hore u soo maray. Ciqaabtan si loo hirgaliyose shareecadu waxa ay u dajisay shuruudo iyo jaranjarooyin loo maro fulinteeda. Si ciqaabtan loo hirgaliyo waa in marka hore la sugaa in falkani dhacay. Shareecadu waa ay adkaysay sida lagu sugayo falkan, waayo ujeeddada ka danbaysay hirgalinta xukumkani waa in ay dadka cabsi galiso si aanay dhaqan dhaqankani u noqon mid mujtamaca ku dhex faafa. Aynu bal hadaba isla eegno qaabka ay shereecadu u sugayso falkan:Qirasho
Markhaatiyo
Uur
Arimahaas oo dhan hadaad si xeel dheer ugu fiirsato waxa kuu soo baxaya in Islaamku uu xadkan ku oogayo laba qolo oo kaliya. Qolo waa qolo uu damiirkoodu u saamixi waayay in xumaan ay sameeyeen ay aakhiro Ilaahay la hor tagaan. Inkasta oo ay ka toobad kani kareen, hadana damiirkooda ayaa siin waayay in ay qarsadaan ficilkaas.Sida caadiga ah waa ay adagtahay in danbiilayaashu ay danbigooda qirtaaan. Taariikhduna ma sheegin dad badan oo ficilkan qirta. Qoloda kale waa qolo xumaanta suuqyada la yimid, oo dhaqan xumadooda la yimid meel cid kastaba arkayso. Way adagtahay ayaan is leeyahay in la helo afar markhaatiya oo markhaati ka noqda in ay arkeen dad xumaantan faraha kula jira, waa hadii aanay dadkaasi ahayn dad dhaqan xumadoda meel kasta la taagan.! Sheekha la yidhaa Dr.Yusuf Al-qaradawi waxa uu ku fatwooday xitaa hadii Kamarad la qariyo oo qofkaas xumaanta uu samaynayo laga duubo isaga oon ogayn in aan xadka lagu oogayn, waayo waxa loo baahan yahay ayuu yidhi in la helo afar qof oo iyagu ficilkaas arkayay.Xuduudda Xisbul Islaam iyo Al- Shabaab
Intaas ka dib, waxa aan ku doodaynaa in aanay kooxahan Soomaalidu ee leh xad baan oogaynaa aanay la imanin dhamaanba arimhii looga baahnaa hirgalinta xuduuda Islaamka. Culimo badan oo leh kuwa hore iyo kuwa iminka joogaba waxa ay sheegeen in xuduudda hirgalinteedu ay u baahantahay nidaam dawladeed ee aanay koox amaba shakhsiyo hirgalin karin. Waxa ay u baahantahay qaadiyo faham fiican u leh nidaamka ciqaabta ee ay shareecada Islaamku doonayso. Waxa ay baahantahay nidaam maxkamadeed kala sareeya oo suga danibiga danbiilaha lagu soo oogayo. Waxa ay baahantahay in la hubiyo caqliga qofkan lagu qaadayo xukumka. Ma aha arin fudud in qof naftiisa la qaado ama xubin muhiim ah oo jidhkiisa ka mida la gooyo, sidaa daraadeed waxa ay u baahan tahay degenaanshiiyo iyo hubsiimo badan. Si axkaamta Islaamku u hirgasho waa in la helaa nidaam garsoor oo ay dadku kalsooni ku qabaan. Waa doodayda in aan shuruudahaas wali la hayn.
Hadii afartii wadaad ee magaalo joogaaba inta ay qof danbi ku soo oogaan, sawiro ka qaadaan, dabadeedna ay yidhaahdaan shareecad baan dabaqaynaa ee na daawada, taasi dabaqaad shareeco noqon mayso ee waxa ay u eekaanaysa ku ciyaarid shareeco. Waxaana laga yaabaa hadii sidaas wax ku sii wadaan in waqtiga aan fogayn ay ay dad badan diintooda ka fidneeyaan.Khaladka Saxaafadda
Ugu danbayn, qolooyinka warfaafinta-ee sawirada ciqaabaha soo tabiyaa-waa in ay iyaguna hab dhaqankooda saxaafadeed dib u eegaan. Wadamad xuduudda ooga sida Sucuudiga oo kale wali ma arag meel inta wariyayaasha loo yeedho la yidhaa kaalaya qofka la dilayo sawira, ka dibna sawiradii la soo galiyo internedka iyo you tubeka oo ciyaal iyo ciroolaba daawanayaan. Taasi dhaqan saxaafadeed ma aha ee waa in ay qolooyinkaai dib isugu noqdaan oo ay ka fiirsadaan sawirada ay soo gudbinyaan,.Dadka ay soo sawirayaan xurmo ayay leeyihiin xitaa hadii ay danbiilayaal yihiin…
Mahadsanidin
Siciid Cali Axmed
Maqaalo.siciid.cali@gmail.com
Monday, November 30, 2009
Soomaalidda qurbaha iyo xidhiidhka Al-shabaab
Duruufaha dhaqaale iyo siyaasaddeed ee ka jira dhulalka ay Soomaaliddu degaan waxa ay sabbab u noqdeen in dad badan oo Soomaaliyeed ay hoy ka dhigtaan qurbaha- khaastana wadamada galbeedka. Dhibaatooyinka caruurta, khilaafaadka qoysaska, dhaqaalo yirida iyo la qabsi la’aanta nolasha wadammada loo soo qaxay waxa ay ka mid yihiin dhibaatooyinka ay Soomaalidu kala kulmeen hoygoodda cusub. Dhalliinyaro Soomaaliyeed oo ku barbaaray wadamada galbeedka oo mudooyinkan danbe la sheegay in ay tageen Soomaaliya si ay ugu biiraan ururka Al-shabaab ayaa iyadu noqtay dhibaatooyinkii ugu danbeeya ee soo waajaha Soomaalidda qurbaha. Maqaalkan waxa aan ku eegi doonaa saamaynta uu jaaliyaddaha qurbaha ku yeellan karo xidhiidh dhex mara dhalliinyarada Soomaalida ee qurbaha degan (qaarkood) iyo ururka Al-shabaab. Sidaas oo kale waxa aan ku eegi doonaa waajibka arinkan ka saraan waalidka iyo, culimadda jaaliyaddaha Soomaaliyeed ee galbeedka degan. Saamayanta xidhiidhka Al-shabaab
Sida ay qirayaan madaxdiisa Soomaalidda ahi, ururka Al-shabaab waa urur ka tirsan ururka Al-qaacida. Al-qaacidana sida la ogyahay waa urur dagaal kula jira caalamka oo dhan, waa urur ay waddamo badani u arkaan in uu khatar ku yahay amnigoooda. Sidaa daraadeed ku biirida iyo taageerida Al-qaacida iyo ururada kale ee ay fikirka wadaagaanaba waxa ay waddamo badan ka yihiin danbi qofkii sameeya lagu ciqaabayo.
Dhalliinyarada Soomaliyeed ee la sheegay in ay ku noqdeen Somaaliya, waddamadii ay ka tageen waxa looga arkaa dad ku dhacay fal danbi oo hadii/markii ay soo noqdaan khatar ku noqon kara amniga waddamadaas. Saamaynta tagitaanka dhaliinyaradani kuma koobna oo kaliya nolosha dhaliinyaradaas ee waxa uu saameeyay waaliidkii, saaxiibbadii, masaajiddadii (ay dhaliinyradani kuxidhnaayeen) iyo dhamaan cid kasta oo ay dhaliinyaradani xidhiidh la lahaayen. Masaajiddkii ay maalmo galeen wuxuu noqday mid farta lagu fiiqo, sheekh kasta oo ay maalmo la fadhiisteen waa in la baadho in uu isagu ka danbeeyay noqoshadooda iyo inkale, qof kasta oo ay la saaxiibeen waa in la hubiyo in uu Al-shabaab xidhiidh la leeyahay iyo in kale. Si guud, tagitaankooddu waxa uu saamayn aan yaryn ku yeeshay jaaliyadaha Soomaaliyeed ee degan meelihii ay dhalinyaradani ka tageen.
Masuuliyadda waalidaka
Waaqican cusubi waxa uu waalidka Soomaaliyeed ee galbeedka ku nool hordhigayaa masuuliyad cusub oo waliba culus. In waalidku uu caruurtiisa tarbiyadeeyo kana badbaadiyo dhaqannada xun xun iyo in markii ay caruurtaasi toosaan laga badbaadiyo in ay ku dhacaan dabinka Al-shabaab iyo ururada la fikirka ahi ma aha shaqo fudud. Wadamada galbeedka marka uu qofku gaadho 18 sano jir waxa loo arkaa qof wayn, waxa go aya xidhiidhkii sharci ee u dhexeeyay qofkaas iyo waalidkii dhalay. Marka uu qofku da’daas gaadho waxa uu xaq u leeyahay in uu baasaboor qaato, lacag amaahdo, tigidh iibasado iyo in uu meeshii uu doono maro. Tani waxa ay cuslaysay masuuliyadii waalidka. Waxa sidaas oo kale masuuliyada waalidka sii cusleeyay tiknoolajiyada casriga ah ee fududaysay in qof degan galbeedku uu xidhiidh adag la yeesho qof ku nool beriga oo aanu waligii arag. Arimahaas oo jira hadana waqtigan xaadirka ah waxa muhiim ah in uu waalidku la socdo isbadalada ku dhacaya nolosha ubadkiisa. Waa in uu waalidku ka war hayaa cida ay caruurtoodu la saaxibbayaan, waxa ay dhagaysanayaan iyo meelaha ay u dhoofayaannba. Si uu waalidku u guto masuuliyadda saarana waxa khasab noqonaysan marxaladdan lagu jiro in uu waalidku kordhiyo cilmiga uu u leeyahay diinta Islaamka iyo waliba aragtiyaha dhaqdhaqaayda (ururada) Islaamiyiinta.
In ubadka laga badbaadiyo daroogada, jeel iyo dhaqan xumadu waxa ay waalidka Soomaaliyeed ee qurbaha ku nool ku ahayd culays. In caruurtii cuduradaas ka badbaaday laga badbaadiyo darafka kale ee ay matalyaan ururada fogaaday sida Al-shabaab iyo Al-qaacida waa culays kale oo ku soo biiray culyskii hore ee waalidka Soomaaliyeed. Waase culays ay waajib tahay in isna la waajaho.
Masuuliyada Culimada
Lama dafiri karo doorka ay culimada Soomaaliyeed ee qurbuhu ku leeyihiin ilaalinta shaksiyadda qofka Soomaaliyeed ee qurbaawiga ah. Dhisidda masaajiddo ay jaaliyadu ku cibaadaysato, barida Quraanka ee ubadka soo koraya, faafinta duruusta diiniga ah ee jaaliyadda lagu wacyi galinayo, ka jawaabida su’aalaha diinta ee ay jaaliyadu u baahantahay iyo qabashada shirar diiniya oo jaaliyadaha Soomaaliyeed ee qurbaha deggani ku kulmaan waxa ay ka mid yihiin shaqooyinka ay culimada Soomaaliyeed ee qurbaha daggani u hayaan jaaliyadooda. Waxaanse shaki ku jirin iyana in xidhiidhka ka dhaxeeya dhaliinyarda iyo culimada Soomaalida ee qurbuhu aanu adkayn, marar badana aabanu jirin. Xidhiidh la’aantaasi waxa ay fududaysay in mararka qaarkood ay dhaliinyarada qaarkood xidhiidho la samaystaan ururo uu fahankooda diintu xag jiro laakiinse ku hadlaya luqad ay dhaliinyaradaasii fahmi karaan. Sidaa daraadeed waa in masaajidada Soomaalida iyo culimadooduba ay adkeeyaan xidhiidhka ay la leeyihiin dhalinyarada. Waa in la soo saaro culimo dhalinyaro ah faham fiican u leh diinta Islaamka iyo waaqic nololeedka dhaliinyarada qurbaha ku nool. Ugu danbeyntii waa in ay culimadu ay si cad uga digaan fitnada iyo dhibaatooyinka ka iman kara qaadashada fikirka ay xambaarsan yihiin ururada sida Al-shabaabka oo kale ah.
Siciid Cali Axmed
maqaalo.siciid.cali@gmail.com
Tuesday, October 27, 2009
Thursday, October 8, 2009
E-mailo badan oo la xaday
Dhawaan waxa boga la yidhaado Pastebin.com lagu soo dhajiyay ciwaanada e-mailada iyo furayaasha(password) dad badan oo ka mida dadka itsicmaala aalada e-mailka ee shirkadaha Microsoft (hotmail), yahoo iyo google (gmail). Qolooyinkan tuugta ah ee u dhacay xisaabaadka ay dadku ku leeyihiin sharikadahani waxa ay soo dhajiyeen maclumaadka dad lagu qiyaasay 10,000 oo qof oo ka mida dadka iticmaala aalada hotmailka. Macluumaadka dadkaas la soo dhajiyeen waa dadka magacayadoodu ay ka bilaabmaan xarfaha (A iyo B). Khabiiro arkay ciwaanadani waxa ay sheegeen in ciwaaanadaas la xaday ay dadka leh badankoodu degen yihiin qaarada Yurub. Khubaro kale oo badan oo ka mida khubarada ku takhasustay aminga internedku iyaguna waxa ay aaminsan yihiin in ay jiraan dad badan oo kale oo iyana la xaday macluumaadka xisaabahooda. Idaacada iyo TV’ga BBc waxa ay soo wariyeen in ineternedka la dhex wareejinayo macluumaadka e-mailo gaadhaya ilaa 30,000 oo laga soo xaday dadka isticmaala hotmailka, yahooga iyo gmailkaba. Waxaanay u badan tahay xisaabaad intaas ka badan la xadaySidee Arinkani ku dhacay?
Sidaad isku ilaalin kartaa?
1)Hadii aad xisaabo ku leedahay shirkadahaas loo dhacay si dhakhso ah u badal muftaaxa e-mailkaaga (password).
2)Marka aad samaysanayso muftaax cusub dooro muftaaxa ay adagtahay in uu garto qof aan adiga ahayni. Muftaaxaagu ha ka koobanaado xarfo waaweyn, kuwo yaryar iyo numbaro isku jira. (Dadka laga xaday ciwaanadoodu waxa ay u badnaayeen dad isticmaalayay mufaatiix ay fududahay in la maleeyo sida 1234 amba I love iyo wixii la mida)
3)Sadexdii biloodba mar badal muftaaxa e-mailkaaga.
4)Ha u isticmaalin muftaax kaliya xisaabaha kala duwan (sida bangiga, iskuulka iyo e-mailka) ee aad ku leedhay aalada internedka.
5)Hadii laguu soo diro e-mail lagu leeyahay ciwaankan tag si aad u badasho muftaaxa bangigaaga ama e-mailkaaga ha yeelin, iska na tirtir fariintaas.
6)Cid aanad hubin cida ay tahay macluumaadkaaga shakhsiga ah ha u gudbin.
Hadii aad ku dhaqanto talooyinkaas kore waxa aan is leenahay waxa yaraanaya in ay tuugta internedku kuu soo dhacaan.
Siciid Cali Axmed
Saturday, October 3, 2009
Khudabadii Sh.shariif (Somali)
Siciid Cali
Friday, October 2, 2009
Friday, September 11, 2009
Tobanka danbe ee Ramadaan : Fursad aan soo noqon doonin

Asxaabi la odhan jiray Abu-Hurayra ayaa maaalin isaga oo suuqa jooga waxa uu dadkii uu la kulmay ee aduunka ku mashquulsanaa u sheegay in dhaxalkiii nabiga (CSW) dadka muslimiinta ah loogu qaybinayo Masaajidka Nabiga (CSW). Qaar badan oo ka mida dadkii maqlayay hadalkani waxa ay markiiba u carareen xagii Masaajidka iyaga oo is leh ka gaadha dhaxalkaas la qaybinayo. Markiise ay gaadheen halkaas kuma aysan arag dhaxalkii la qaybinayay ee uu Abu-Hurayra u soo sheegay. Iyaga oo yaaban ayay ku soo noqdeen Abu Hurayra waxayna waydiiyeen waxa ku dhacay dhaxalkii Nabiga (CSW) ee uu u sheegay in Masaajidka lagu qaybinayo. Abu Hurayra waxa uu waydiiyay waxa ay soo arkeen. Waxay ay u shegeen in ay soo arkeen oo kaliya dad diin baranaya iyo qaar kale oo cibaadaysanaya. Isaga oo hadaba raba in uu cashar muhiim ah baro dadkaas ayaa waxa uu ku yidhi “ miyayadaan ogayn in Nabiyada laga dhaxo oo kaliya diin iyo celmi ee aanay ka tagin maal aduunyo oo laga dhaxlo. Dhacdadani waxa ay markhaati u tahay sida qofka bani’aadmiga ahi uu markasta ugu da-daalo arinkii uu ogyahay in uu nafci aduun ugu jiro. Ceebi kuma jirto in qofku uu ku dadaalo raadsiga aduunka laakiin waa in aanu aduunku noqon waxa kaliya ee uu qofku u noolyahay. Waa in la ogaadaa in ay jirto nolol kale oo tan aduunka ka danbayasa taas oo aan iyadu waligeed dhamaanayan. Hadaba nolashaas danbe iyadana waa in loogu dadaalaa si la mida ama ka badan sida loogu dadaalayo tan aduunka.
Kalimadahan kore waxa ay horudhac u yihiin ujeedada maqaalkan oo ah baraarujin aan rabno in aanu akhristayaasha maqaalkan ku baraarujino fursad qaaliya oo hadii laga faa’idaysto qofka ilaahay ku dhawaynaysa. Fursadaasi waa tobanka habayn ee ugu danbeeya bishan barakaysan ee Ramadaanta. Hadaba qiimo intee le’eg ayay leeyihiin tobankan habayn ? sidee baynuse uga faa’idaysan karnaa?
Toban Habyn oo khyr iyo barako leh
Tobankan habayn waxa qiimo ugu filan in uu ku jiro habankii uu bilaabmay soo degitaanka Quraanku. Habaynkaasi waa habaynka LAYLATUL-Qadriga. Waa habayn barakaysn oo ka khayrb badan kun bilood (83 sano). Waa habayn dad badan laga xoreeyo ciqaabta iyo cadaabta Alle. Waa habayn qofkii Alle dartii iyo ajar doon u istaaga uu Ilaahay danbigiisii hore dhaafo. Qiimaha ay hadaba habayandani leeyihiin dartood ayuu Nabi Maxamed (csw) uu dadaalkiisa habaynadan u laban laabi jiray. Waxa uu la iman jiray cibaadooyin iyo acmaal ka badan kuwa uu la iman jiray habaynadii ka horeeyay tobankan.
Fursadan sidee looga faa’idasytaa
Fursadan waxa looga faa’idaysan karaa in la sameeyo arimahan
1) Habaynkii oo cibaado lagu nooleeyo. Nabigu (csw) habaynadan waa uu noolayn jiray. Waxa uu ku noolayn jiray Quraan akhris badan, dikriga Alle, Salaad, duco iwm.
2) In reeraha la kiciyo si ay khayrkan uga qayb galaan. Nabigu (csw) habaynadan reekiisa waa uu toosin jiray si ay fursadan uga faa’idaystaan. Waxa aan is leeyahay dhaqankani waa dhaqan hadii la samayn lahaa uu Alle dhibaatooyin badan gudo iyo dibadba dadka Soomaalida uga faydi lahaa.
3) In qofkii awoodaa uu tobankan cisho masaajidka fadhiisto (ictikaafo). Sida ay Caa’isha soo warisay nabigu(csw) tobanka cisho ee Ramadaan ugu danbeeya waxa uu ku ictikaafi jiray Masaajidka. Dhaqankan kama tagin nabigu (csw) ilaa uu ka dhimanayay.
4) In lagu dadaalo raadinta habaynka Layltul-Qadriga. Laylatul Qadrigu waa habayn ka mida habaynadan tobanka ah. Habaynka uu yahay la iskuma raacsana ka uu yahay laakiin waxa ay u badan tahay in uu ku jiro habaynada kisiga ah ee tobankan habayn ka mid ah. Waxa ayna ugu sii badan tahay in uu yahay habaynka 27 aad. Fadliga habaynkan kor ayaan ku soo sheegnay. Sidaa darteed waa in aad loogu dadaalaa sidii loola kulmi lahaa.
5) In khilaafka iyo doodaha aan khayrka lahayn laga fogaado, isla markaasna hadii ay jiraan cidii uu khilaaf idinka dhaxeeyo waa in aad la heshiiso. Waxa la soo wariyaa in cibaadooyinka dadka is khilaafsan aan kor loo qaadin ilaa ay ka heshiinayaan, Sidaa darteed hadii ay jiraan dad uu khilaaf idinka dhaxeeyo ku dadaal in aad la heshiiso.
6) In sadaqada la badsado. Khaastana in la bixiyo Sakooyinka fidriga iyo ta maaalkaba. Xusuuso in ay jiraan dad sida aad u soontay u sooma laakiin aan malaainta ciida hasyan wax ay ku ciidaan. Isku day maalmahan in dadkaa aad caawiso.
Gabgabdii habaynadani waa habayno barako iyo khayr. Hadii uu sanadkan Alle fursadan ku gaadhsiiyo ma hubtid in ay mar kale ku soo mari doonto fursadni ee ka faa’idayso. Walaalo badan oo sanadkii hore waqtigan oo kale inala joogay, sanadkan inalama joogaan oo aakhiro ayay u socdaaleen. Inagana waxa laga yaabaa in aynaan sanadka soo socda Ramadanteeda tobanka ugu danbeeya aynu gaadhi wayno ee daqiiqad kasta oo daqiiqadaha tobanka cisho ah aynu ka wada faa’idaysano faa’idaysano
Siciid Cali Axmed
Tuesday, August 25, 2009
Fariimaha FOTOS + TAARIIKH
Hadii aad isticmaasho aalada e-mailka waxa laga yaabaa in qof aad garanayso aad maalmihii ugu danbaysay ka heshay e-mail wata ciwanka FOTO + taariikh. E-mailkaa aad heshay waxa ku lifaaqan wax u eeg sawiro. Waxa laga yaabaa in aad isku dayday in sawirkaas uu saaxiibkaa kuu soo diray aad furto amaba aad furtay si aad u arakto sawrikaas . Nasiibdaro hadii aad sidaas yeeshay oo aad furtay sawirkaas waxa kobuyuutarkaaga galay cudurur (computer VIRUS)Hadii uu qof isticmaalo computerkaa cudurka qaba oo uu e-mail (hotmail) ka diro amaba isticmaalo aalada lagu sheekaysto ee MSN'ka waxa ay sababaysaa in Dadka uu qofkaasi xidhiidhka la leeyahay oo dhan (buddy list) loo diro e-mailka ciwaanka kore leh ee viruska wata. Qofkaas loo diray isna hadii uu sii furo e-mailkaas cudurka ayuu sii faafinayaa.
Talaabooyinkan qaad hadii aad hesho e-mailkaas amaba aad furtay fariintaas:
1)Hadii aad hesho fariin wadata ciwaanka foto + Taariikh…ha furin fariintaas tir tir.
2)Hadii aad furtay fariintaas oo uu dabadeena virsku galay computerkaaga…isticmaal borograamada lagula dagaalama virsku combuyuutarka (ANTI VIRUS PROGRAM). Raadso nuskhadii ugu danbaysay.
Siciid
Sunday, August 16, 2009
Friday, August 7, 2009
Caruurta iyo goobaha kulanka Internedka
Dhawaan waxa aan akhriyay warbixin dheer oo joornaalka la yidhaa Newyork times uu ka qoray dhaliinyaro Soomaaliyeed oo mudooyinkii danbe ay wararku sheegayeen in ay ka guureen wadanka Maraykanka kuna noqdeen Soomaaliya si ay uga ag dagaalamaan ururka Al-Shabaab. Qayb wayn oo ka mida wararka uu joornaalkani soo bandhigay ee ku saabsan xogta dhaliinyaradan waxa uu -joornaalku- ka soo ururiyayay goobaha kulanka (Social network sites) ee ay dhaliinyaradaasi ku lahaayeen aalada internedka. Warbixinta joornaalkan waxa ku cad in shabakadahaasi ay ka mid ahaayeen shabakadaha fududeeyay xidhiidhka dhaliinyardan iyo ururka Al-shabaab. Sidoo kale waxa warbixintan ku cad in ay goobahaasi ahaayeen meelaha dhaliinyaradaas ku noqotay Soomaaliya ay kula soo xidhiidhi jireen asxaabtoodii ay kaga tageen qurbaha. Hadaba maxay yihiin goobahan kulanka internedku? Intee ayay faa’idadooda le’egtahay? Sidaas oo kale Khatartooduse intay le’egtahay?. Maqaalkan waxa aan kaga jawaabi doonaa su’aalahaas. Sidoo kale maqaalkan waxa aan ku soo gudbin doonaa talooyin muhiim ah oo ku saabsan goobahan kuwaas oo aan rajaynayno in ay waalidka Soomaaliyeed ka faa’idaysan doonaan.
Maxay yihiin goobaha Kulanka internedku
Goobaha kulanka ee internedku waa meelo ay dadku isku bartaan, ku sheekaystaan isla markaana ay macluumaadka ku saabsan noloshooda isku dhaafsadaan. Waa goobo isticmaalkoodu uu mudooyinkan danbe aad u sii badanyo. Tusaale ahaan shabakada la yidhaa Facebook waxa ka diwaan gashan in ka badan 250 million xisaabood (account). Sidoo kale shabakada la yidhaa Myspace waxa iyana ka diwaan gashan 263 million[1] xisaabood. Ubadka yaryar iyo dhaliinyarada soo koraysa ayaa ugu badan dadka isticmaala goobahan. Afti aan ka qaadanay caruur Soomaaliyeed oo da’doodu u dhaxayso 10-14 waxa ka soo baxay in 70% caruurtaasi ay isticmaalaan qaar ka mida goobahan. Facebook, Twitter, Myspace iyo Window Live ayaa ka mida goobaha kulanka ee internedka.
Faa’idooyinka Iyo Khatarta goobahan
Faa’idooyinka goobahan waxaa ka mida in ay xoojiyaan xidhiidhka uu qofku la leeyahay saaxiibadiis iyo qaraabadiisa. Sidoo kale waxa ay fududeeyeen is dhaafsiga macluumaadka. Waxa kale oo ay door ka qaataan in ay si fudud ugu xidhiidhaan dad badan oo ay hiwaayadi ka dhaxayso kuwaas oo aduunka kaga kala nool meelo kala duwan. Faa’idooyinkaas oo dhan waxa uu qofku helayaa isaga oo aan aqalkiisa dhaafin. Waxa uu qofku u baahanyahay oo kaliya waa Kombuyuutar ku xidhan aalada internedka.
Faai’idooyinkaas ka sakow waxa jirta in ay goobahani iyana khatartooda leeyihiin, khaastana ubadka soo koraya. Meelahani, waa meelo ay ka ugaadhsadaan dhamaanba inta xumaanta rabtaa. Kuwa ciyaalka faraxumeeya, kuwa daroogada iibiya, kuwa jidhkooda ka baayacmushtara, gangska iyo dhamaanba kuwa la midka ahi waa meelo ay ka ugaadhsadaan. Hadii uu qofku shabakadahan ku qoro macluumaadkiisa dhabta ah(sida magaciisa, ciwaankiisa, da’adiisa,telfoonkiisa) waxa ay mararka qaarkood sabab u noqon kartaa in tuugta interdenku ay macluumaadkaas u sticmaalaan si aan sax ahayn taas oo saamayn wayn ku yeelata nolasha qofkii macluumaadkaas iska lahaa.
Goobahani waxa kale oo ay noqdeen meelo dad badan oo aan fahan durugsan u lahayn diinta islaamku ay kula xidhiidhaan dadka aan cilmiga baalaadhan u lahayn diintooda, khaasatana da’yarta soo koraysa. Arinkani waxa ay khatrtiisu sii xoogsanaysaa waqtigan lagu jiro oo dhaliinyarada Soomaaliyeed ay hadafka u noqdeen ururadaas.
Talooyin
Khatartaas aan soo sheegay darteed waa in shabakadahan si taxader ku jiro loo isticmaalo. Waalidka Soomaaliyeed waxa aan u soo jeedinaynaa talooyinkan hoose oo hadii la qaato aan is leenahay waxa ay yaryn kartaa khatarta ka iman karta shabakadahan :
1) Waalidku waa in uu Kordhiyo macluumaadkiisa ku saabsan goobahan kulanka interendka. Hadii uu waalidku jaahil ka yahay khatarta ay leeyihiin goobahanina way adakaan in uu ubadkiisa uga digo dhibta uga iman karta shabakadahan.
2) Caruurta ay dadoodi ka yartahay 13’ka sharcigu uma ogola in ay xubin ka noqodaan goobahan. Laakiin ciyaalku da’adooda been ayay ka sheegaan taas oo keenta in aad aragto ilmo 9 sano jira oo si uu goobahan uga mid noqdo sheeganaya da aad uga wayn da’diisa. Sidaa darteed waa in uu waalidku u sheego ciyaalkiisa in aanay shabakadahan ka mid noqonin hadii aanu sharcigu u ogolayn. Marka uu sharcigu u ogolyahayna waa in aanu ilmuhu da’adiisa been ka sheegin si aanay xidhiidh ula soo samaynin dad aad uga waawayni.
3) Goobahani waa goobo cid kasta u furan sidaa darteed waa in waalidku uu ubadkiisa ku adkeeyaa in aanay macluumaadka khaaska ah sida ciwaankooda, iskuulkooda, tilifoonadooda iwm aanay ku soo dhajin meelahaas.
4) Sawirada meelahaas lagu dhajiyo waxa dhici karta in ay ku dhacaan gacan aan aamin ahayn. Sidaa darteed waalidku waa in uu caruurtiisa ku baraarujiyo in aanay shabakadahan ku dhajin sawiro hadii si xun loo isticmaalo ay hadhow iska qoomamayn doonaan. Si khaas ah waa in arinkan gabdhaha loogu baraarujiyo.
5) Waalidku waa in uu ubadkiisa ku baraarujiyo in aanay shabakadan kula saaxiibin cid aanay iska hubin cida ay yihiin. Internedka waxa ku badan dadka beenta naftooda ka sheega. Qof kasta oo aad kula kulanto netka lama qaato warka uu kuu sheego. Dadbadan oo aaladan lagu bartaa marar badan ma aha cida ay kuu sheegayaan in ay yihiin.
6) Waa in uu waalidku ka warhayaa dadka ay ubadkiisu aaladan kula saaxiibayaan.
Gabagabda maqaalkan, ma soo jeedinayno in caruurta laga mamnuuco goobahan, laakiin waxa aan soo jeedinaynaa in ubadka lala socdo qaabka ay u isticmaalayaan goloyaashan. Sidoo kale waxa aan soo jeedinaynaa in aanu waalidku marna ogolaan in caruurta ay da’doodu ka yartahay 13 ay xubno ka noqdaan golayaashan. Hadii ay hore uga noqdeena waa in uu xisaabtooda ka tirtiraa goloyaashan.
Siciid Cali Axmed
maqaalo.siciid.cali@gmail.com
[1] http://en.wikipedia.org/wiki/List_of_social_networking_websites
Tuesday, July 28, 2009
Yaa masuul ka noqon in Ciidamo ajnabi ahi ay Soomaaliya yimaadaan
Masuulka ugu sareeya ee xarakada Shabaabku cajalad uu isna dhawaan suuqa soo galiyay waxa uu ku sheegay in gaaladii meelo badan lagu jabiyay isla markaana ay dawladii Islaamku Afgaanistaan, Paakistan, Soomaaliya iyo Ciraaqba ka soo if baxayso!. Sidaas oo kale waxa uu cajaladaas ku tilmaamay in dagaalka ay Shabaabku Soomaaliya ka wadaan uu yahay dagaal caalamiya oo ay mujaahidiinta caalamku wadaan, aamiirka mujaahiduuntuna uu yahyay Usaama Bin Laadin.! Waxa kale oo uu Sheekh Shariif iyo dawladiisa ugu baaqay in ay sida ugu dhakhsaha badan ururkooda isugu soo dhiibaan si maxkamad Islaamiya loo saaro. Hadaba hadaladan iy ficiladan sidan ah ee dhincayadan is haya ka soo baxayaa sabab ma u noqon karaan in ciidamo ajanabi ah oo ay Itoobiyaanku ku jiraan ay Soomaaliya soo galaan, waa su’aal? Waxa iyana su’aal kale ah hadii ay sidaasi dhacdo cida masuulka ka noqonaysa arinkaas?
Itoobiya way soo noqon hadii ay maslaxadeedu khatar gasho
Sanadkii 2006-dii ayay ahayd markii ay ciidamada Itoobiya qabsadeed inta badan Koonfurta Soomaaliya. Waqtigaas ciidamada Itoobiya umay iman Soomaaliya in ay xoojiyaan ama ay dhisaan dawlad Soomaaliyeed. Waxa ay u yimaadeen in ay suuliyaan khatar ay is tuseen in ay wadankooda kaga soo socoto dhinaca Soomaaliya. Laba sano ka dib -markii ay Itoobiyaanku ciidamadooda kala baxayeen Soomaaliya - madaxdoodu waxa ay sheegeen in ciidamadoodu ay suuliyeen khatartii uga iman lahayd dhinaca Soomaaliya. Xaqiiqduse waxa weeye in Soomaaliya ciidamada Itoobiya lagu jabiyay. Waxa iyana xaqiiq- kale oo iminka soo if baxaysa- ah in siyaasad ahaan Itoobiyaanku ay duulimaadkaas ka gaadheen guulo siyaasadeed oo aan yarayn. In wadaadadii shalay Itoobiyaanka qoriga ku saaray ay maanta iyagii madaafiic isla dhacayaan waxa ay guul siyaasadeed u tahay Itoobiyaanka. Sidoo kale in sheekhii shalay hogaaminayay ciidamadii muqaawamadu uu isagii maanta Itoobiyaankii -uu shalay la dagaalamay- ka baryayo in ay difaacaan dawladiisu iyana waa guul siyaasadeed oo ay Itoobiyaanku dagaalkaas ka gaadheen. Sidaa daraadeed inta ay Soomaalidu dhexdooda xabada isla dhacayaan isla markaana ay dadkooda barakicinayaan, ma jirto sabab ay Itoobiyaanku ciidankooda Soomaaliya ugu soo celiyaan. Gumaadka iyo barakicinta ay Soomaalidu isu gaysanayaan ayay –Xabashidu- korka ka daawan iyaga oo waliba markan qoslaya. Hadiise, ay –Itoobiyaanku- arkaan in khatartii ay shalay sheegeen in ay ciidamadooda keentay Soomaliya ay mar labaad soo noqotay, markaas waa la filan karaa in ciidamo Itoobiyaan ah iyo ciidamo kaleba ay Soomaaliya soo galaan, waxayse markan iman iyaga oo ay galbinayaan qaar ka mida kuwii shalay ka soo horjeeday ee diidanaa in ciidamo ajnabi ahi ay lugta soo dhigaan Soomaaliya.
Sheekh Shariif iyo ciidamada ajnabiga
Al-shabaab fikirkooda ayaa masuul ka ah
In ay maanta Soomaaliya noqoto meel caalamka badankiisu u arko in ay khatar ku tahay caalamka waxa ka masuul ah fikirka Al-shabaab ee ah in ay duulaan ku yihiin caalamka oo dhan, in ay xidhiidho la leeyihiin ururo ay afkaartoodu durugsantahay, in Usaama yahay amiirkooda guud, in ay ku duulayaan Itoobiya iyo Kiiniya. Fikradahaas Al shabaabka ee aan kor ku sheegay weeye kuwa ka masuulka ah sii joogitaanka ciidamada ajanabiga ah ee maanta ku sugan Koonfurta Soomaaliya. Fahamka siyaasadeed ee ururkani waa faham aan toosnayan, hadii ay fahamkaas ku sii socdaana wuxuun baa la filan karaa in mudooyinka soo socda uu dhulka Soomaalidu noqdo goob dagaal oo mar katsaba ay ku sugan yihiin ciidama ajnabi.
Sida ugu dhakhsaha badan ee ciidan ajnabi lagu saari karaa waxa weeye in wadaadani ka tanaasulaan fikirkan dawlad diidka ah ayna ogolaadaan in ay heshiis la galaan dawlada Shariifka. Taas weeye sida ugu fudud ee ciidan ajnabi Soomaalida dhulkeeda looga hor istaagi karaa isla markaana kuwa iminka joogana lagu bixin karaa. Su’aashuse waxa weeye wadaadani ma fahmi doonaan sidaas mise tooduunbaa u cadaan…!.
Siciid Cali Axmed
maqaalo.siciid.cali@gmail.com
Friday, June 19, 2009
Waddaado sumcadda Islaamka yaan god lagu ridin
Sheekh Shariif
Lama inkiri karo doorkii uu Sheekh Shariif ku lahaa hogaamintii kacdoonkii maxkamadaha Islaamiga. Sidoo kale lama inkiri karo furfurnaanshaha siyaasadeed ee uu sheekhu muujiyay waqtigii dagaalada lagula jiray ciidamadii Itoobiyaanka. In uu xal siyaasadeed ku kabo kii qorigu waxa ay ahayd talaabo geesinimo. Guushii uu ka soo hooyay shirkii Jabuuti waxa ay ahayd mid ay ku farxeen dad badan oo Soomaaliyeed oo filayay in uu Sheekhu muftaax u noqon karo xalinta mushkiladaha Siyaasadeed ee ka taagan Koonfurta Soomaaliya. Intaas oo jirta hadana wixii ka danbeeyay doorashadiisii waxa uu hoos u dhac wayni ku yimid doorkiisii hogaanimo. Waxa muuqda in hogaamintii dawladiisu ay cid kale gacanta u gashay. Wadaadku waa uu ku guulaysan waayay qancinta amaba kala furfurka mucaaridkiisa taas oo ahayd arinka ugu wayn ee laga filayay. Waxa ay dawladiisu ku mashquushay arimo yar yar oo aan mudnayn in waqtigan muhiimad wayn la siiyo. Maalinba maalinta ka danbaysa siyaasadaha dawladiisu waxa ay u muuqanayaan qaar aan waxa wayn ka duwanayn siyaasadihii dawladihii ka horeeyay dawladiisa. Waxa daciifay saamayntii ay Islaamiyiintu ku lahaayeen dawladiisa, waxaana xoogsaday saamaynta dagaal ogayaasha ee dawladiisa. Sheekhu waa uu ka faa’idaysan kari waayay taageeradii xooganayd ee ay shacbigu(culimo iyo caamaba) u hayeen isaga iyo dawladiisa. Si kooban Sheekhu waxa uu lumiyay doorkiisii hogaanimo, taasina waxa ay ka mid tahay sababaha sii dheeraynaya khilaafaadka u dhaxeeya dawladiisa iyo mucaaradka ka soo hor jeeda, waxa kale oo ay sabab u tahay in ay yaraato kalsoonidii iyo taageeradii uu shacabku u hayay maamulka waddaadada oo ay in badani iminka u arkaan in aanu waxba ka duwanayn kii dagaal oogayaasha.Xisbul Islaam Iyo Al Shabaab
Xisbul Islaam iyo Alshabaab waxa ay door wayn ka ciyaareen halgankii lagu saaray Itoobiyaanka. Halgankaas waa ay ku saxsanaayeen. Laakiin wixii ka danbeeyay bixitaankii Itoobiyaanka waxa ay labadan urur caqabad wayn ku noqdeen sidii xal loogu heli lahaa mushkilada siyaasadeed ee Soomaalida. Ilaa iminka ma muuqato waxa uu yahay mashruucooda siyaasiga ah ee ay rabaan in ay ku xaliyaan mushkilada siyaasadeed ee Soomaalida. Diidmada qayaxan ee ay diidayaan in ay wadahadal la galaan dawalada Sheekh Shariif waxa ay calaamad u tahay bisayl la’aanta siyaasadeed ee hogaamiyaasha ururadan. Dagaalka ay ku yaboohayaan Al Shabaab ee dhaafsiisan xuduuda Soomaalidu ma aha mid u khidmaynaya danata Soomaalida. Waxa uu Soomaalida u samaynayaa cadaw badan oo aanay awood u lahayn in ay la dagaalamaan, sidoo kale wax uu dhulka Soomaalida ka dhigayaa meel ay ku loolamaan quwado is hirdinaya oo aan dan ka lahayn maslaxada shacabka Soomaaliyeed. Ururadani (Shabaabka iyo Xisbul Islaam) waxa ay arimaha u kala horay siin la’ayihiin sida ay u kala horeeeyaan. Waxa ay daciifiyeen doorkii Islaamiyiinta ee dawlada Sh.Shariiif. Qaacidada ah "ama Aniga ama waxba hagaagi maayaan” ee ay waddaadadani ku socdaan waa qaacido ka hor imanaysa nusuusta Islaamka iyo caqliga toosanba. Waa qaacido luminaysa kalsoonidii ay wadaadu ka heli lahaayeen shacbiga ay rabaan in ay maamulaan. Waa qaacido adakaynaysa in nidaam Islaamiya oo saxi uu ka hanaqaado dhulka ay Soomaalidu ku nooshahay. Dagaalada joogtada ah ee ay labadan urur kula jiraan dawlada sheekh Shariif - shaki la’aan- iyana waxa ay daciifinaysaa mashruucii shareecada Islaamka ee ay (wadaadadni) ku dhawaaqayaan in ay hirgalintiisa doonayaan.Culimada Musaalaxada
Waa qaacido sharciya oo Islaamiya in hadii ay laba qolo oo Muslimiini ahi ay is laayan, heshiiskooda laga shaqeeyo. Hadii ay heshiiska qolo diidona waa in qoladaas dhinac laga wada istaago ilaa ay qoladaasi xaqa u soo noqonayso. Sidaa daraadeed waa arin wanaagsan oo loo baahnaa in culimada Musaalaxadu ay isku dayeen in ay labada kooxood ee dagaalamaya heshiisiyaan, laakiin markii ay qolo dhagaysan wayday may ahayn in ay aamusaan. Hadii ay culimadan musaalaxadu hadli lahaayeen, umada u cadyan lahaayeen cida heshiiska diidan , isla markaana shacbiga fari lahaayeen in qoladaas dhinac laga wada istaago, hadii ay culimadu sidaas yeeli lahaayeen waxa ay u badan tahay in wax uun la badbaadin kari lahaa. Aamuska culimada Soomaalida ay intooda badani ay ka aamuseen dagaalada Muqdisho, qaarkoodna ayba u sifeeyeen FITNO ay tahay in laga dhex boxo ma caawin xal u helida mushkilada dhex taala waddaadada dagaalamaya. Waxaanay wax u dhimaysaa uun sumacadii iyo mashruucii waddaadada Soomaalida .Xalku waa...
Siciid Cali Axmed
Maqaalo.siciid.cali@gmail.comThursday, February 26, 2009
Xisbul-Islaam yaanu noqon Xisbul Dagaal
Waa maxay sababta keentay in wadaadada qaarkood ay waqtigan shacabka ku dhex dagaalamaan iyadoo waliba ay maanta wadaadada qaarkood haystaan awooda ugu saraysa ee hogaanka Soomaalidu? Wadaadadan dagaalamyaa ma waxa ay u soo halgaamyeen in ay soo celiyaan nidaam iyo kala danbayn mise waxa ay rabeen in ay buuxiyaan meeshii(booskii) laga eryay dagaal ogayaashii iyaga ka horeeyay? Dawlad miyay rabaan –wadaadadani- mise qas iyo fawdo? Hadii ay ku guulaystaan-wadaadani- ridida dawlada Shariifka maxay soo wadaan oo ay ku badali doonaan Sheekha iyo dawladiisa? Horta Fikir siyaasadeed ma xambaarsan yihiin –wadaadadani-muxuuse yahay fikirkoodaasi? Dagaaladan hadii ay sii wadaaan-wadaadani- ma laga yaabaa in ay dhaawacaan mashruucii siyaasdeed/diineed ee wadaada Soomaalidu ay mudada dheer u soo halgamaayeen? Su’aalahani waxa ay ka mid yihiin su’aalaha ay dhaliyeen dagaalada maalmahan ka socda magaalada Muqdisha ee ay ku lug leeyihiin ururka la baxay Xisbul-Islaam- oo ah urur mideeyay qaar ka mida wadaadadii la dagaalamay Itoobiyaanka waqtigii ay Itoobiyaanku haysteen Koonfurta Soomaaliya. Maqaalkan waxa aan ku eegi doonaa qaar ka mida jawaabaha su’aalahan.
Faham Qalooca
Taariikhda Islaamku waxa lagu soo wariyaa in ay jiri jireen koox marka uu qofku arko cibaadadooda iyo Quraan akhriskooda uu is odhanayo yaa kuuwaas oo kale kaa dhiga. Waxa la soo wariyaa in hadii mid kuwaas ka mid ahi uu xabad timira ah ama cinab ah uu meel ka helo oo marka uu afka galiyayo uu xusuusto in aanu fasax u haysan in uu cuno -xabadaas timirta/cinabka ah- in uu markiiba soo tufi jiray isaga oo iska ilaalinaya in uu Xaraan quuto. Isla qofka sidaas isu ilaalinaya ayaa waxa dhici jirtay in uu banaysto daadinta dhiiga Asxaabtii Nabiga –Naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaatee- waayo asxaabtaas uu dilayaa waxa ay diideen fahamkiisa qaldan ee uu kaasi ku fasirtay Nusuusta Quraanka qaarkood. Sidoo kale waxa la soo wariyaa in koox reer Ciraaq ahi ay u yimaadeen mid ka mida asxaabtii Nabiga (NNKH) kadibna ay waydiiyeen in dhiiga Keneecadu uu nijaas yahay iyo in kale!. Asxaabigii inta uu la yaabay ayaa waxa uu waydiiyay ragii su’aasha waydiiyay xaga ay ka yimaadeen ? Waxa ay ugu jawaabeen Ciraaq. Kor intuu u eegay ayuu ku yidhi “Reer Ciraaqoow waxa aad banaysateen daadinta dhiigii caruurtii uu Nabigu (NNKH)awoowga u ahaa, markaas baad I waydiinaysaan nijaasada dhiiga kaneeecada …arinkiinu waa arin lala yaabo (waxa uu la yaabay sida ay arimuhu agtooda ugu kala muhiimsan yihiin)”. Sidaas ayuu noqdaa fikirka qofku marka uu qofka fahamkiisu qaldamo. Ma lihi kumana doodayo- sida ay qorayaal kale oo Soomaaliyeed ku doodeen- in qolooyinka Xisbul-Islaam ay yihiin khawaarij la mida kuwa aan kor ku sheegay laakiin fahamkooda siyaasadeed iyo kooda diineedba waa mid qalooca oo aan la garanayan meel uu ku tiirsan yahay iyo meel uu u socdaba. Hadii ay fahamkan ku sii socdaana aakhirka waxa uu gaadhsiin doona meel fog oo laga yaabo in ay adkaato sida ay uga soo noqdaan. Soomaali badani waa ay garab istaageen waana ay taageereen ragan wadaadada ah waqtigii ay la dagaalamayeen ciidankii Itoobiyaanka, laakiin maalin kasta oo ay sii wadaan dagaalkan aan ujeedadiisa la garanayan isla markaana ay shacbi badani naftooda ku waayaan dagaaladan, waxa ay kooxdani lumin shacbiyadii iyo taageeradii ay ka helayeen shacabka.
Tajaaribtii Itaxaadka yaan la soo Celin
Iminka ma aha markii ugu horaysay ee koox wadaadada Soomaalida ahi ay dagaal iskaga hor yimaadaan Soomaali kale. Dagaaladii ay ururkii Itaxaadku sagaashamaadkii ku dagaalameen meelo kala duwan oo dhulka Soomaalida ah ayaa dagaaladan ka horeeyay. Natiijadii ka dhalatay dagaaladaasi waxa ay ahayd in dhaliinyaro fara badan oo umadooda iyo diintoodaba wax tari lahaa ay ku naf waayaan dagaaladaas. Natiijooyinka kale ee ka dhashay dagaaladaas waxa ka mid ahaa in dagaaladaasi ay bilow u ahaayeen burburkii ku dhacay ururkii Itaxaadka oo ahaa urur ka mid ahaa ururadii ugu waaweyn ee Islaamiyiinta Soomaalida ee waqtigaas. Wadaadadii (Itixaadka) ee sagaashamaadkii dagaalamayay waxay ku doodi jireen in ay la dagaalamaynaa nidaam cilmaaniya oo diidan in shareecada Islaamka la isku xukumo laakiin qoladan Xisbul–Islam iyo inta ay isku fikirka yihiin waxa ay la dagaalamayaan waa maamul aan diidanayan in shareecada wax lagu xukumo oo ay waliba hogaaminayaan rag diintooda iyo fikirkooda la garanayo. Dhaliinyara badan oo ka mida dhaliinyarada ururadan dagaalamaya ku jiraa waa dhalinyaro aananu ka shakisnayn in ay umadooda wanaag la doonayaan, laakiin marar badan niyad wanaagsan oo aan faham toosan iyo istaraatiijo cadi la soconi waxa ay horseedaan bur bur iyo in markasta eber (sifir) laga soo bilaabo. Dhawr iyo tobon sano ka dibna ma aha in qaar ka mida wadaadadu ay dib ugu laabtaa istaraatijiyooyinkii fashilmay ee sagaashamaadkii.
Arinkii aan la wada helayn badhkiis lama diido
Waa qaacido sharciya in arinkii aan la wada helayn aan la diidin badhkiisa la helayo. Kuma doodayno in Dawlada Shariifku aanay khaladaad lahayn, sidoo kale kuma doodayno in tajribadani ay 100% najixi doonto amaba aanay mari doonin halkii ay mareen tajaarintii ka horeeyay. Waxaan se ku doodaynaa in tajribadani ay tahay fursad ay Islaamiyiinta Soomaalidu ku muujin karaan in ay diyaar u yihiin in ay qabtaan hogaamiyaana talada Soomaalida. Sidoo kale waa fursad ay ku soo bandhigi karaan waxa ay kaga duwan yihiin dadkii uga horeeyay hogaanka Soomaalida. Wadaadadu waxa ay maanta haystaan fursad ay ku keeni karaan inta ka dhiman ahdaafta ay rabaan in ay xaqiijiyaan...ee yaanay fursadaas iska dayicin. Waa in la kabaa inta ka dhiman mashruucan ay qaybtiisii hore ku guulaysteen Sh.Shariif iyo intii la socotay. Aragtida qoraagan dawladani waa mid sida ay ku timid aan dhaliil ka madhnayan laakiin hadana waa fursad hadii la dayaco ay waqti dheer qaadan doonto soo celinteedu. Yaan la dayicin Fursadan madaafiicda masaakiinta shacabka ah dusha lagaga keenayana ha lagu difaaco mashruuca dawlada.
Siciid Cali Axmed
maqaalo.siciid.cali@gmail.com
Monday, February 16, 2009
Khilaafka wadaadada iyo dawlada Sheekh Shariif
Maxkamadihii ka hor Iyo Ka dib
Lixdii bilood ee uu maamulkii Maxkamaduhu ka talinayay Koonfurta Soomaaliya waxa ay ahayd markii ugu horaysay ee quwad Islaamiya oo Soomaaliyi ay maamulaan dhul baaxad wayn oo ka mida dhulalka ay Soomaalidu degto. Maamulkii maxkamaduhu waxa uu isu keenay kooxo iyo afraad uu kala duwan yahay fikirka siyaasadeed ee ay ka aaminsan yihiin Islaamku. Arinka ugu wayn ee isku hayay waxa uu ahaa in ay mabda ahaan ka midaysanayeen rabitaanka dhismaha dawlad Islaamiya oo ku dhaqanta shareecada Iskaamka. Kala duwanaanshaha fikirka siyaasiga ah ee wadaadadii Maxkamaduhuna waxa uu ka mid yahay sababihii ugu waawaynaa ee soo dadajiyay burburkii ku yimid maamulkaas. Hadaba burburkii ku dhacay maamulkii Maxkamadaha iyo kala jabkii ka danbeeyay ee wadaadadii ka qaybgalay Isbahaysigii Asmara waxa uu iftiimiyay in aanu midaysnayn fikirka siyaasadeed ee wadaadada Soomaalidu. Anigoo ka duulaya mawaaqifta siyaaasiga ah ee ay wadaada Soomaalidu iska istaageen dawlada Sh.Shariif, ayaa waxa aan wadaadada Soomaaliyeed u qaybiyay sadex kooxood. Waxa aan u bixiyay: Waaqiciyiin, Kaligay iyo Daawadayaal. Hoos waxa aan ku sharixi doonaa mid kastaba waxa aan ula jeedo.
Waaqiciyiin
Qoladani waxa ay aaminsan yihiin in nidaamka siyaasadeed ee dadka Soomaaliyeed -ee boqolkiiba boqolka Muslim ka ahi- uu noqdo mid ku salaysan Shareecada Islaamka. Aragtidooda, qaabka loo keenayo dawlad Islaam ahi waa talaabo talaabo laga soo bilaabayo dhismaha qofka, qoyska, mujtamaca ka dibna loo imanayo dhismaha iyo hagaajinta maamulka iyo xukumka. Inta ka horaysa waxa ay aaminsan yihiin in si waaqiciya loola fal galo waxna looga badalo nidaamka siyaasadeed ee markaas jira. Waxa ay aaminsanyihiin in waxa ugu muhiimsan ee marxaladan loo baahan yahay uu yahay nidaam iyo kala danbayn. Taas la’aanteed waxay ay ku qanacsan yihiin in aan waligeed laga baxayn fawdada iminka lagu jiro. Sidaa daraadeed kooxdani ma diidana in marxaldan ay wax la wadaagaan kana qayb galaan nidaam siyaasadeed oo aanay 100 % ka helayn waxaa ay iyagu rabaan laakiin waa in uu nidaamkaasi noqdo mid keeni karo kala danbayn iyo nidaam dawladeed. Waqtiga fog kooxdani waxa ay aaminsan yihiin in Soomaalidu ay ka guurto nidaamka qabaliga ah una guurto nidaam doorasho oo ku dhisan tartan ay dadka Soomaaliyeed xor u yihiin cida ay dooranayaan. Waxa ay ku qanacsan yihiin hadii dadka Soomaaliyeed la siiyo xoriyadaas in aanay waligood dooran doonin cid aaminsan wax ka soo horjeeda diintooda. Sidaa daraadeed kooxdani cabsi kama qabaan in ay ka qayb galaan loolan siyaasadeed. Sidoo kale kooxdani ma aaminsana in qorigu uu xal u yahay khilaafaadka siyaasadeed ee Soomaalida ka dhaxeeya. Waa fikirkan fikirka ay xambaarsan yihiin Sheekh Shariif iyo wadaada taageersani. Sidoo kale waa fikirkan fikirka ay iminka ku dhaqmaan inta badan wadaada ku hoos nool maamulada Somaliland iyo Puntland kuwaas oo arkay in marxaladan ay muhiim tahay in la xoojiyo lagana qayb galo maamulada halkaas ka jira.
Aniga Kaligay
Qoladani sidoo kale waxa ay aaminsan yihiin in xalka Soomaalidu uu yahay ku dhaqanka Shareecada Islaamka. Waxa ay arkaan in ay khalad tahay in wadaadadu ay wax la wadaagaan dad ay aaminsan yihiin in ay qayb ka ahaayeen burburkii mudooyinkii u danbeeyay ka dhacay Soomaaliya. Qaabka iyo nidaamka siyaasadeed ee dawladnimo ee ay rabaan qoladani ma cada. Doorosho iyo nidaam xisbiyo badan ku dhisan waxa ay u arkaan in uu yahay nidaam gaalo wadato oo mudan in laga hor tago. Dhib uma arkaan in ay qoriga ku keenaan waxa ay rabaan. Dawlada Sh.Shariif waxa ay u arkaan in ay tahay mid ay gaalo wadato oo lagu burburinayo halgankii wadaadaa sidaa daraadeed aad ayay uga soo horjeedaan. Ma ogla in ay wax la wadaagaan Soomaalida kale ee aan wax u arag sida ay iyagu wax u arkaan xitaa hadii ay Soomaalidaasi yihiin wadaado iyaga oo kale ah laakiin ku khilaafsan aragtidoodan. Fikirkoodu waxa uu ku dhisan yahay waxa aan ugu yeedhay “ama aan wada helo ama waxba hagaagi maayaan”. Dhaliinyarada Shabaabka iyo Xisbullahiga dhawaan la abuuray ayaa ugu cad cad kooxdan
Daawadayaal
Qoladani ma rabaan in ay garoonka ciyaarta siyaasada yimaadaan. Waxa ay daawanayaan xaga uu ku dhamaado loolanka labada qolo ee aan kor ku soo sheegay. Dhinac ma rabaan in uu burburo nidaam uu madax ka yahay nin Islaami ahi, dhinca kalena ma rabaan in ay ka hor yimaadaan wadaada diidan Shariifka. Waxa ay rabaan in labada dhinac ay wada noolaadaan laakiin taas xalkeedii ma hayaan sidaa darteed afka ayay xidheen. Qoladan hadii Sheekh Shariif iyo fikirkiisu hirgalana ka hor iman maayaan. Hadii dhinaca ka soo horjeedaa uu xoogaystana iyagana ka hor iman maayaan. Sidaa daraadeed qoladani ma laha damac iyo barmaamij Siyaasadeed. Waa daawadayaal la mida mujtamaca intiisa kale.
Tajribo u baahan najixin
Gabagabadii waxa ay ila tahay in tajrbadan Sheekh Shariif ay tahay mid ku cusub mujtamaca Soomaaliyeed. Waa markii ugu horaysay ee qof islaami ahi uu xukunka Soomaalida qabto. Fashilinta maamulkan Sheekha waxa door wayn ka ciyaari kara qolooyinka wadaada ah ee qoriga xambaarsan. Hadii ay dawladan fashiliyaan ururo Islaamiyiin ahi waxa adkaan sida uu wadaadka Soomaaliyeed masraxa siyaasadeed ee Soomaalida mar kale uu dhawaan ugu soo noqon doono. Fursadan ay maanta haystaan wadaada Soomaalidu ma haystaan in badan oo ka mida wadaada caalamka Islaamka ku noolo. Waa fursad u baahan korin oo hadii la najixiyo loo aayi doono. Laba mid ayuun buu ku dhamaan loolankan wadaadada Soomaalidu, in ay wadaadadu qaataan tajribadii Afgaanistaan ee Mujaahidiintii Ruushka lawada dagaalamayay ay markii danbe noqdaan dagaal Ogayaal “WarLords” iyagu is cunaya. Ama waxa ay noqon dad mushtamacooda ka badbaadiya musiibada ku raagatay oo if iyo aakhiroba wanaag lagu xasuusto. Qaacido sharciya ayaa tidhaahda labada daran ta fudud ayaa la qaataa….waa rajadayda in Islaamiyiinta Soomaalida khaastana kuwa hogaanka u haya maantu ay qaacidadaas fahmaan. Waa in dawladan Sheekh Shariif ugu yaraan loo arkaa in labadaa daran ta fududud ay tahay lagana qayb qaataan hir galinteeda iyada oo khilaafka FIKRIGA ah ee wadaadada u dhaxeeya markan dib loo dhigayo. Waa rajadayda in ay sidaas yeeli doonaan.!
Siciid Cali Axmed
maqaalo.siciid.cali@gmail.com
Wednesday, November 26, 2008
Heshiiska Jabuuti guul mise fursad la lumiyay
Daldaloolada heshiiska
Daldalooda heshiiskan waxa ugu wayn kuwan:
Dawlada Balaadhan:
- Iyada oo qolooyinka Jabuuti ku heshiiyay ay ka baqayaan hadii la kala diro baarlamaanka iminka jira in odayga Cabdullahi uu dhiniciisa u soo jiito xubnaha baarlamaanka iminka ku jira taas oo adkaynaysa in Nuur Cade iyo Axmed Cabdisalaan ay hirgaliyaan shirqoolka siyaasdeed ee ay rabaan in ay Cabdullahi Yusuf kaga takhalusaan.
- Itoobiya oo aan rabin in nidaamka TFGdu uu burburo taas oo hadii ay dhacdo jabkii milatari ee ay Soomaaliya kala kulmeen ugu daraysa jab siyaasadeed.
- Dawladaha caalamka qaarkood oo aan rabin in ay wadaadu owood siyaasadeed oo muuqata ku yeeshaan Soomaaliya.
- Qolooyinka Isbahaysiga garabka Jabuuti oo u baahan kuraas badan oo ay u qaybiyaan taageerayasha isbahaysiga si aan looga raacin dhinaca kale ee ka soo horjeeda heshiis lala galo TFG’da.
Axdiga Ku meel gaadhka ah in lagu socdo
Nuqdada labaad ee muhiimka ah ee ay labada dhinac ku heshiiyeen waxa weeye in axdiga ku meel gaadhka ah la waafajiyo heshiiskan. Nuqdadani waa nuqdad kale oo ka mida daldaloolada heshiiskan. Waa maxay ujeedada laga leeyahay in la yidhaa heshiiska ha la waafajiyo axdiga ku meel gaadhka ah?. Jawaabtu waxa weeye in 4.5 lagu qaybiyo kuraasta cusub ee la siiyay Isbahaysiga. Hadii isbahysigu ay keenaan xubno aan lagu soo qaybin 4.5 waa la diidayaa waayo sida uu heshiisku dhigayo ma waafaqasana axdiga ku meel gaadhka ah. Qolooyinka Isbahaysiga ee ka qaybgalay shirkani waxa ay mudo dheer naqdinayeen habkan 4.5 ka laakiin waxa muuqata in ay ay iminka taas ka tanaasuleen. Waxa adkaanaysa in Isbahysiga garabkiisa Jabuuti uu aragtidan ka iibiyo dhinacyada kale ee isbahysiga, waayo nuqdadani waxa ay khilaafsan tahay qaabkii markii horeba isbahysiga lagu soo dhisay oo aan ahayn qaab qabiil. Nuqdadani waxa ayba keeni kartaa in khilaaf hor lihi uu ka dhex bilaabmo isbahysiga garabkiisa Jabuuti. Mida kale Isbahaysigu waxa ay mudo dheer naqdinayeen dustuurka ku meel gaadhka ah, iminka se waxa muuqata in ayba ogolaadeen in isaga wax kasta lagu xaliyo. Way adagtahay qolooyinka taageeri jiray isbahaysigu in ay arinkaas aqbalaan. Taasina waxa ay adkaynaysaa in uu heshiiskani hirgalo.
Natiijada Shirarka Jabuuti
Waa wax fiican in la heshiiyo lana wada hadlo, taasi waa sida kaliya ee lagu soo afjari karo mushkiladaha siyaasadeed ee Soomaalida. Rajada ay dad badan oo aan ku jiraa ay ka qabeen shirkan Jabuuti waxa ay ahayd in heshiis macno leh oo waaqiciya lagu gaadho Jabuuti laakiin waxa aad moodaa in taas iminka lagu hungoobay. Natiijada shirkan ka soo baxday waxa ay noqotay:
- Qaybinta xoogagii islaamiyiinta ahaa ee Itoobiyaanka ka soo horjeeday, halkii uu heshiiskani keeni lahaa isu soo dhawaansho siyaasadeed oo Soomaalida dhexdeeda ahna waxa uu heshiiskani dhalin karaa dagaalo hor leh oo markan ka dhex dhaca qolooyinka wadaada ahaa ee ku midaysnaa iska caabinta Itoobiyaanka. Waxa laga yaabaa in uu bilaabo loolan cusub oo hubaysan oo diin ku dhisan oo aan hore loogu arag Soomaalida dhexdeeda.
- Waxa uu cadeeyay in wadaada Soomaalidu aanay wali si fiican u ciyaari karin kubada siyaasada Soomaalida. Qolooyinka Isbahyisga garabkooda Jabuuti, mawqifkasta oo ay sheegeen in uu agtooda muqadas ka yahay waa ay ka tanaasuleen. Arinkooduna waxa uu dhaafi waayo kuraas la qaybsado. “Xabashidu ilaa ay baxdo lama hadlayno TFG’da”, “awood qaybsi lagama wada hadli karo ilaa ay Itoobiyaanku baxaan”, “ujeedadayadu ma aha xukum ee waa in Itoobiyaanku dhulka nooga baxaan.” Kuwaas ayay ahaayeen mawaaqiftoodii muqadaska agtooda ka ahayd laakiin natiijada shirarkan Jabuuti waxa ay markhaati u tahay in ay intaasba ka tanaasuleen iyada oo aanay cadayn wax wayn oo badal ah oo ay heleen.
- Waxa laga yaabaa in uu sii xoojiyo xoogaga aan marka horeba ogolayn in la wada hadlo lana heshiiyo.
- Inkasta oo laga yaabo in uu heshiiskani dhaliyo in Itoobiyaanku ay ciidamadooda kala baxaan Soomaaliya, hadana waxa uu heshiiskani guul siyaasadeed u yahay Itoobiya, waayo qaybsanka Islaamiyiinta Soomaalida iyo in ay sii socodo khilaafaadka siyaasadeed ee Soomaalidu waa hadaf Istaraatiijiya oo ay Itoobiyaanku ka xaqiijiyeen heshiiskan kaas oo ay ku gaadhi kari waayeen cududoodii milatari.
Gabagabadii natiijada shirkani ma aha mid soo afjaraysa mushkiladaha siyaasadeed ee Soomaalida. Shirkani iyo natiijadiisuna waxa mari doonaan halkii ay mareen kuwii isga ka horeeyay. Siyaasada Soomaaliduna waxa ay gashay waji cusub oo aan la garanayn meel ay sal dhigan doonto
Siciid Cali Axmed
Saturday, November 8, 2008
Guusha Mr.Obama casharo ayaa ku jira
Guul lagu farxo
Bilowgii Islaamka, waqtigii ay Muslimiintu ku noolaayeen magaalada Maka ayaa dagaal wayni waxa uu ka dhex dhacay labadii dawladood ee waqtigaas aduunka ugu xooga waynaa. Dawladi waxa ay ahayd dawladii Romaanka taas oo aaminsayad diinta Kirishtanka, ta kalena waxa ay ahayd Dawladii Furuska oo ay dadkeedu dabka caabudi jireen. Dagaalkan waxa ku adkaaday qolooyinkii dabka caabudi jiray ee Furuska. Markii ay hadaba guushan Furusku soo gaadhay magaalada Maka, qolooyinkii dhagaxa caabudi jiray ee Maka ku noolaa aad iyo aad ayay ugu farxeen warkan halka ay Muslimiintii Maki ay warkan ka naxeen. Sababta ay Muslimiintu uga naxeen jabka Romaanka, dhagax caabudayaashuna ay ugu farxeen guusha Furusku waxa ay ahayd iyada oo qolo kastaba ay aaminsanyd in labadaas qolo midkood ay isu dhaw yihiin. Muslimiintu waxa ay aaminsanayeen in qolooyinka Ahlul Kitaabka ah ee Romanka ay isu dhawyihiin, halka qolooyinka dhagaxa caabudaana ay aaminsanaayeen in dab caabudayaasha Furuska ay isku dhawyihiin. Quraan ayaa barigaas soo degay kaas oo sii sheegaya in dagaal kale uu dhex mari doono Furuska iyo Roomaanka guushuna ay raaci doonto Romanka, maalintaasna ay Muslimiintu farxi doonaan. Dhacdadani waxa ay daliil u tahay in qofka Muslilmka ahi uu markasta noqdo mid la socda dhacdooyinka hareerihiisa ka dhacaya isla markaana uu la fal galo dhacdooyinkaas. Qolooyinkayaga ku nool Galbeedka ee ay Mr.Obama wadaagaan dhibaatooyinka ay kala kulmaan mujtamacaadka Galbeedkana guushan ninkan odayga ahi waa mid aanu ku farxnay. Taageeradaas iyo farxadaasi se waxa ay uun sii socon kartaa waa hadii uu Mr.Obama wax ka badalo siyaasadahii dulmiga ku dhisnaa ee Mr.BUSH, hadii kale se wuxa uu noqon nin lagu hungoobo sidii INA BUSHba loogu hungoobay.
Danta umada waa in wax kasta laga hor mariyaa
Horumarka siyaasadeed ee Mujtamacaadka reer Galbeedka ayaa waxa ka mid ah in markii/hadii ay arkaan in wadankoodu uu dariiq khaldan ku socdo ay isku meel ka istaagaan badbaadada wadankooda iyaga oo ka koraya waxyaabaha yar yar ee qaybiya. Doorashadan uu Mr.Obama ku guulaystayna waxa ay markhaati ka tahay arinkan. Mr.Obama waa nin madow.Duruufta caadiga ah way adag tahay in qofka cadi uu qof madow doorto khaasatan marka ka la tartamaya qofkaas madowi uu yahay qof cad. Laakiin dad badan oo Marykanka ahi markii ay codaynayeen nuqdadan midabka xisaabta kuma ay darsan. Sababta ay cadaan badani u doorteen Mr.Obama oo ah nin madow waxa ay ahayd in markii ay is barbar dhigeen labada musharax ay arkeen in uu isagu (Obama) yahay ka waqtigan Maraykanka ka badbaadin kara dariiqa qaldan ee uu ku sii socdo. Dadka Maraykanka ah ee ka qaybgalay doorashadan 67% markii ay codaynayeen arinka ugu wayn ee ay maskaxdooda ka guuxayay waxa uu ahaa hoosu dhaca dhaqaale ee wadankooda ku dhacay. Afti laga qaaday dadka Marykanka waxa ay 81% sheegeen in wadankoodu uu dariiq qaldan ku socdo, badbaadana u baahanyahay.Xukunka ay rideena waxa uu noqday in ay doortaan Mr.Obama oo laga yaabi lahaa hadii ay xaaladu caadi ahaan lahayd in aanay dooran lahayn. In badan oo Soomaalida ahi waa ay u riyaaqeen doorashada Mr.Obama laakiin su’aashu waxa ay tahay ma ka faa’idaysan doonaan darsigan ay doorashada Mr.Obama xambaarsan. Marka ay dooranayaan cida hogaaminaysa ma waxa ay eegi doonaan haybta qofka ay dooranayaan mise waxa ay eegi doonaan in qofkaasi uu umada badbaadin karo. Nin gobolka
Midabku horumar kaama horjoogsanayo
Madowga ku nool Maraykanku in kasta oo uu dustuurku u ogol yahay in ay madaxwayne ka noqon karaan Maraykanka hadana marna kuma riyoonin in waqtiyadan dhaw dhaw ay ku fadhiisan karaan kursiga ugu sareeyay ee wadankaas. Waqtiguu uu Mr.Obama doorashada xisbigiisa kula tartamayay Mrs. Clinton, hogaamiyayaasha madowga intooda badani waxa ay la safteen Mrs.Clinton sababtuna waxa ay ahayd in aanay marna filayn in nin madowi uu meeshaas sare dhakhso u gaadhi karo. Mr.Obama waxa uu xaqiijiyay in uu arinkaasi hirgali kari hadii qofka madowi uu dadaalo, fikrad dheer yeesho, uuna la yimaado khidadii uu meesha dheer ku gaadhi lahaana. Caruurta madowga ah ee ku nool wadamadan qurbaha doorashadiisani waxa ay ku dhalinaysaa in ay sidiisa oo kale wax qabsadaan kuna fakaraan sidii ay mujtamacyadan ay reerahoodu u soo qaxeen wax uga qabsan lahaayeen. Obama ka hor waxa ay aaminsanaayeen in midabkoodu uu waxa badan ka hor joogo (waana dhab) laakiin iminka waxa laga yaabaa in qaar badan ay doorshadni ku dhaliso in ay ku fakaraan in ay meel dheer gaadhi karaan hadii ay dadaalaan. Dhaliinyarada Soomaalida ee qurbaha ku nool waxa aan rajayn in doorashadani baraarujiso.
Siciid Cali Axmed
Said.ali.ahmed@gmail.com
Thursday, July 24, 2008
Qaybsanka isbahaysiga Asmara Iyo saamaynta uu ku yeelan karo shirka Jabuuti
Qaybasanaanta Fikirka wadaada Isbahaysiga
Dumuuxaadka Siyaasiyiinta Asmara
Danaha Shisheeye
Saamaynta Burburka Isbahysiga ee Shirka Jabuuti
Gabagabo
Siciid Cali Axmed
Said.ali.ahmed@gmail.com
Friday, June 13, 2008
Heshiiska Jabuuti Istaratiijiyo Mudan In la taageero
Inkasta oo ay dhici karto in heshiiskii lagu galay Jabuuti uu u fashilmo carqaladaha horyaala darteed(Halkan ka akhri maqaal aan kaga hadlayo carqaladaha horyaala shirkan) hadana Islaamiyiintu khaasatan kuwooda fikirka dhexdhexaadka aaminsani waa in ay taageeraan shirkan sababahan soo socda darteed.
1) Waxa uu heshiiskani cadeeyay in wadaada Soomalidu ay shaxda siyaasada ciyaari karaan iyada oo aanay ka tanaasulin mabaadiida asaasiga ah ee ay aaminsan yihiin.
2) Waa heshiis istaraatiijiya oo natiijadoodiisu ay laba mid uun noqon karto, labadaas natiijo tii ay noqotana waa guul ay gaadheen wadaniyiinta iyo Islaamiyiinta Soomaalidu. Labdaas natiijo waxa ay yihiin:
a) In Soomaaliya la keeno ciidamo badala kuwa Itoobiyaanka sidaasna ay Xabashidu dhulka Soomaalida uga baxdo.
b)In ciidamdaas la keeni waayo dagaalkuna uu socdo ilaa inta ay Itoobiyaanku ka baxayaan. Taas oo hadii ay dhacdo eeda dusha ka saaraysa Caalamka iyo Itoobiyaanka…halkii hadii ay wadaadu diidaan heshiiskan eeda dusha looga tuuri lahaa iyaga (wadaadada) iyo inta fikirka wadanimada iyo Islaanimada la aaminsan.
3)Waxa uu sharciyad siiyay xoogaga la dagaalamaya ciidanka Itoobiyaanka waxaanu qadiyadooda ka dhigay qadiyad wadaniyeed…halkii markii hore lagu shaanbadeyyay in ay argagixiso yihiin.
4)Dhaqangalka heshiiskani waa dariiqa ugu dhaw ee ay xabashida wadanka looga saari karo waana dariiqa ugu dhaw ee ay wadaadu xubin firfircoon uga noqon karaan siyaasda Soomaalida.
Gunaanadkii, heshiiskan marka aan si xeeldheer u akhrido wax badan oo ay Islaamiyiinta ka qaybgashay shirkani ka tanaasuleen ma jirto. Way dhici kartaa (waanay u badan tahay) in shirkani uu fashilmo. Laakiin si kasta oo uu shirkani ku danbeeyaba qolooyinka shirka ka qayb galay ee Islaamiyiinta ahi waxa uu u yahay guul siyaasadeed.
Siciid Cali

