Thursday, February 23, 2006

Xasan Al Banna…Hormoodkii Dacwada Islaamka ee Qarnigga Labaatanaad




In badan oo ka midda bani’aaddmigu kama fakaraan wax aan ahayn naftooda. Kuwaasi marka ay geeriyoodaan kama tagaan raad, taariikhdduna ma xusuusato. Laakiin waxa jira dad yar oo ka mida bai’aadmiga kuwaas oo aan u nolayn naftooda oo kaliya laakiin hamigooddu uu yahay hamigga dadkooda. Qoladan taariikhdu ma ilowdo. Xasan Al Banna (Ilaahay ha u naxariistee) waxa uu ka mid ahaa qoladan danbe. Inkasta oo ay iminka ka soo wareegtay 57 sano waqtigii la dilay hadana waa taas ay wali taariikhdu xusayso magiciisii iyo raadadkii uu ka tagayba. (SH.Maxamed Al Qazali).

Sunnada Ilaahay waxa ay ahayd in mar kasta oo ay dadku ka leexdaan xaqqa uu u soo diro rasuul u caddeeya dariiqaas (ALLE ee) ay ka baydheen. Nabi Maxamed (Naxariis iyo nabadgalyada Alle Korkiisa ha Ahaatee) waxa uu ahaa kii ugu danbeeyay silsiladaas. Inkasta oo hadaba uu dhamaaday soo diritaankii rusushu, hadana nicmooyinka ALLE waxa ka midda in uu Alle QARNI kastaba ummada ka soo dhex saaro culimo MUJADDIDIIN ah oo dadka u bidhaamiya wixii madmadaw ah ee ka gala diintooda. Qofkii akhriya taariikhada ustaad Al Banna iyo taariikhda xarakadii uu asaasayba (HADII AANU AHAYN XAASID) shaki kuma jiro in uu qiri doono in uu Xasan Al Banna ahaa Mujaddid iyo hogaamiye ka mida hogaamiyayaasha waaweeyn ee dacwada Islaamka ee qarnigii labaatanaad.

Su’aashu hadaba waxa weeye kuma ayuu ahaa Xasan Al Banna. Maxuu rabay. Maxay se ahayd mabaadiidii ay ku dhisnayd dacwadiisu. Waaa su’aalo hadii Alle yidhaa aan kaga jawaabi doono maqaalo soo socda oo uu kani ugu horeeyo

Dhalashadii iyo qoyskii Sheekh Al-Banna

Sheekh Xasan Al Banna waxa uu ku dhashay tuulo la yidhaa “MAXMUUDIYA” oo ku taala wadanka Masar. Waxa uu dhashay maalin Axad ah oo ay taariikhda Hijrigu ahayd 23 kii Shacbaan 1324 taas oo ku beegan 14 Oktoober 1906. Sheekhu waxa uu ka soo jeeday reer beeralay ah. Awowgii Cabdiraxmaan waxa uu ahaa FALAAX. Aabihii oo la odhan jiray Axmed (oo ahaa inankii ugu yaraa caruurtii uu dhalay Cabdiraxmaan) waa uu ka leexday xirfadii aabihii iyo awoowyaashii waxana uu u leexday dhinaca wax barashada oo ahayd mid ay la rabtay hooyadiis. Sh. Xasan Al Banna aabihii waxa uu Quraanka ku xifdiyay tuuladii ay degenaayeen ka dibna waxa uu cilmi kororsi u tagay magaalada la yidhaa Ismaaciiliya halkaas oo uu masjidka la yidhaa “JAAMIC IBRAAHIIM BAASHA” uu ka baran jiray culuunta Islaamka. Waqtiyada uu firaaqda yahay Sh.Axmed waxa uu ka shaqaysan jiray dukaan saacadaha lagu sameeyo halkaas oo uu ka bartay xirfadii uu markii danbe ku shaqaysan jiray ee ahayd samaynta saacadaha. Sh.Xasan Al Banna aabihii waxa uu ka mid ahaa culimadda waa weeyn ee qarnigii labaatanaad sida aadka ah ugu khidmaysay sunnada nabiga (CSW) wuxuuna alifay kutub kutub badan oo ah culuumta Axaadiista iyo fiqiga.

Waxbarashadii Xasan AL Banna

Sh.Xasan Al Bana yaraantiisii waxa uu aabihii ku daray dugsi ka midda dugsiyadda Quraanka lagu xifdiyo oo ku yaalay tuuladdii ay degenaayeen. Sh.Axmed waxa uu inankiisa la rabay ka hor inta aanu ku biirin dugsiga hoose ee rasmiga ah in uu dhameeyo xifdiga Quraanka, laakiin Sh. Xasan Al Banna waqti dheer kuma hakan dugsiga Quraanka waxana uu door bidayay in uu si dhakhso ah ugu biiro dugsiga hoose. Dood dheer ka dib Sheekh Axmed waa uu ka ogolaaday Xasan Al Banna in uu ku biiro iskuulka laakiin waxa uu ku shardiyay in uu xifdiga Quraankana ku dhameeyo guruga taas oo uu Xasan Al Banna ogolaaday.

Sh.Xasan Al Banna waxa uu tacliintiisa hoose ku qaatay dugsigii la odhan jiray “A RASHAAD” ka dibna waxa uu ku biiray dugsiga macalimiinta ee ku yaalay meesha la yidhaa “DAMNHUUR”. Intaa ka dibna waxa uu u safray magaalada Qaahira oo uu galay kuliyada macalimiinta ee la yidhaa “DARUL CULUUM” taas oo uu ka qalin jabiyay sanadkii 1927.

Hawlihii uu Qabtay Yaraantiisii

Sifooyinka hogaanimo waxa ay ahaayeen qaar ka muuqday Sh.Xasan Al Banna marka laga soo bilaabo caruunimadiisii. Muddadii uu ku jiray dugsigii hoose ee A Rashaad waxa uu madax ka noqday ururkii aradayda ee iskuulka oo la odhan jiray “JIMCIYA TUL AKHLAAQUL EDEBIYAH”, Isla iskuulkaas waxa ay isaga iyo koox asxaabtiisa ahi ka asaaseen urur kale oo la odhan jiray JIMCIYATU MANCUL MUXARAMAAT. Taas oo sida magaceeduba uu tilmaamayo ahayd urur dadka u cadeeyay gafafka ay ka galayaan diintooda. Waqtigii uu dhiganayay iskuulkii macalimiinta ee Damanhuurna waxa uu asaasay jimciyadii la odhan jiray“JIMCIYATUL XASAAFIYAH”, taas oo uu hadafkeedu ahaa in ay dadka farto akhlaaqda suuban kana reebto xumaanta iyo sidoo kale in ay la dagaalanto qolooyinka diimaha aan Islaamka ahayn fidinayay. Qaahira markuu yimidna waxa uu xubin buuxda ka noqday ururkii waqtigaas ka jiray magaaladaas ee “JIMCIYATUL MAKAARIMUL AKHLAAAQIYAH”.

Sh. Xasan Al Banna markii uu ka qalin jabiyay Kuliyadii Darul Culuum waxa uu u safray magaalada ISMAACIILIYA halkaas oo uu ka noqday Maclin. Magaaladani waxa ay bilow u ahayd safaxad cusub oo ka midda safxadaha ugu muhiimsan taariikdiisa iyo taariikhda caalmla Islaamkaba.

Way socotaaa………


Siciid Cali Axmed
Said.Ali.ahmed@gmail.com

2 comments:

  1. Runtii waa waajib inuu qofku waxka ogaado dadkii Kacaanyahaniinta ahaa ee Cusboonaysiiyay habdhaqanka Umada Islaamka. Hassan Bannaa sidaad sheegtay waa nin dhaxal reebay midhihiisuna ay dhimbiishoodu ku saydhantay daafaha Aduunka. Tariikhda aad soo bandhigtay waa mid taabanaysa qofkasta. Halkaa ka wad walaal..

    ReplyDelete
  2. acww
    akhii salaanta islaamka kadib waxaan kaaga mahad celiniyaa sida wanaagsan ee aad xilka isaga saartey inaad noo soo gudbisid taarikhadii shahiid Hassan al-banna
    halaas ka soo wad akhii ilaahama ha kaa abaal maryo jzk kehryaa

    ReplyDelete