Saturday, July 8, 2006

Ikhwaanka Iyo Siyaasadda



Weerar fikradeedkii (intellectual invasion)ay wadamadda Galbeeddku ku soo qaaddeen caalamka Islaamku waxa uu sabab u ahaa in inbadan oo ka mida waxgaradkii iyo hoggaankii Muslimiinta ay ka dhaadhacdo in sabata uu Galbeeddku uga hurumaray Muslimiinta ay tahay nidaamka kala saaridda diinta iyo siyaasadda(secularism) ee ay waddamadaasi ku dhaqmaan. Fikirka noocani waxa uu noqday mid xitaa u gudbay qaar ka mida culimmadii diinta Islaamka ee waqtigaas kuwaas oo ayba qaarkood Muslimiinta ugu yabooheen kala saarida siyaasadda iyo diinta iyo in ay diintu noqoto mid ku kooban nolosha qofka iyo masaajiddada oo kaliya. Fikirkani waxa kale oo uu ka mid ahaa sababihii soo dadajiyay burburkii Khilaafadiii Cusmaaniyiinta taas oo ahayd nidaam siyaasaddeed oo (ugu yaraan magac ahaan) kulminayay Muslimiinta Caalamka intooda badan.

Xasan Al Banna Iyo Siyaasadda

Duruufaha noocaas ahi waqti ay ka jireen caalamka Islaamka ayaa la asaasay ururka Ikhwaanka. Bilowgiiba Xasan Al Banna waxa uu sheeggay in fahamkooda Siyaasigga ahi uu yahay mid ka duulaya fahamka ay Ikhwaanka u leeyihiin diinta Islaamka. Waxa uu sheegay in Islaamka ay Ikhwaanku umadda ugu yeedhayaan uu yahay Islaamkii uu la yimid nabi Maxamed (Naxariis iyo Nabdgalyo korkiisa ha ahaatee). Siyaasadda iyo xukunkuna waxa uu sheeggay in ay ka mid yihiin asaasiyaaddka diinta Islaamka sidaas darteedna ay yihiin asaasiyaaddka dacwadda Ikhwanka. Khudbad uu ka jeediyay shir ay isugu yimaadeen arday ka tirsan ururka Ikhwaanka ayaa uu Sheekhu ku cadeeyay mawqifkan, waxa uu yidhi “Qofka Muslimka ah diintiisu ma dhamaystirmayso ilaa uu noqdo Siyaasi aragti dheer u leh arimaha umaddiisa, sidaas oo kale ma dhamsytirmayo Islaamka shakhisgu ilaa uu ka noqdo mid ihtimaam siinaya una qiiroonaya umuuraha dadkiisa. Fogaynta laga fogaynayo Islaamka arimaha bulshaduna ma aha arin uu Islaamku qirayo oggol yahayna. Urur kasta oo xambaarsan magac Islaami ahi waa in uu siyaasadda halka ugu saraysa ka galiyaa barmaamijkooda, hadii kale ururkaas isaga laftigiisa ayaa u baahan in uu si fiican u fahmo diinta Islaamka. Ikhwaanku waligoodba waxa ay ahaayeen Siyaasiyiin sida ay waligoodba u ahaayeen Muslimiin (wuxu u jeedaa Siyaasadda iyo Islaamku waa ay isku lamaanan yihiin). Dacwada Ikhwaankuna waligeed ma kala saarin diinta iyo siyaasada.”

Ikhwaanka Iyo Xukunka

Ikwaanku waxa ay rumaysan yihiin in Musulimiintu ay ku dhaqmaan tacaalinta diinta Islaamka, xukumka ay isku xukminayaana uu noqdo xukum Islaamiya, sidaas oo jirta haddana waxa ay aaminsan yihiin in uu arinkani ku yimaaddo qanaacada shacbiga. Si aanu hadaba shacbigu uga hor iman xukumka Islaamka ah ayaa waxa ay ay Ikhwaanku aaminsanyihiin in shacbigga loo diyaariyo laguna qanciyo sidii ay ku aqbali lahaayeen arinkan. Fogaanta ay Muslimiintu ka fogaadeen tacaaliinta diinta Islaamka ayaa waxa ay ay khasab ka dhigaysaa sida ay aaminsanyihiin Ikhwaanku in axkaamta Islaamka loo dabaqo si talaabo talaabo ah.

Ikhwaanka iyo nidaamka axsaabta badan

Waqtigii la asaasay ururka ikhwaanka, waxa jiray khilaaf xun oo u dhaxeeyay xisbiyadii siyaasiga ahaa ee waqtigaas jiray. Khilaafkaas asalkiisu ma ahayn mid ku dhisan mabda laakiin waxa uu ahaa khilaaf uu asalkiisu yahay nacayb shakhsi iyo urur. Khilaafaadkaas xisbiyadda dhex yaalay oo waqtigaas meel xun gaadhay ayaa waxa ay sabab u ahaayeen in uu Sh.Xasan Al Banna ku qanco in nidaamka xisbiyadda badani aanu ahayn nidaam faaida u leh mujtamaca. Sidaa daraadeed ayaa waxa uu soo jeediyay in dhamaanba axsaabtii siyaada ee waqtigaa jirtay la baabiiyo lana dhiso xisbi kaliya oo umada haga. Inkasta oo uu kaasi ahaa fikirkii Ikhwaanka ee waqtigii uu noolaa Sh.Xasan Al banna hadana fikirkaas ma aha ka ay iminka Ikhwaanka aaminsan yihiin. Fikirka siyaasiga ah ee Ikhwaanka ee waqtigani waxa weeye in la qaato nidaamka axsaabta badan. Mawaaqifkaas siyaasiga ahi waa mawqifka ururadda u nasab sheegta fikirka ikhwaankuna meel kasta oo ay joogaanba. Waxana ay aaminsan yihiin in mawqifkii Sh.Xasan Al Banna ee nidaamka xisbiyada badan uu ahaa mid la falgalayay duruufihii jiray waqtigii uu noolaa ee aan ahayn mid daa’im ah.

Mahadsanidin
Said Ali Ahmed
Said.ali.ahmed@gmail.com


I

Thursday, April 27, 2006

Yoolka Ikhwaanka


Maqaalkii kan ka horeeyay hadaad akhriday waxa laga yaabaa in aad iminka fahantay waxa ay Ikhwaanku yihiin laakiin waxa laga yaabaa in aad iswaydiiso waxa uu yahay yoolka dacwadoodu iyo sida ay u rabaan in ay ku gaadhaan yoolkaas. Qormadani – hadii Alle yidhaahdo - waxa aan isku dayi doonaa in aan uga jawaabno su’aalahaas.

Yoolka Wayn

Marka aad akhrido waraaqihii iyo khudbadihii Sh.Xasan Al Banna waxaa kuu soo baxi in uu jiro yool (hadaf) WAYN oo ay Ikhwaanku rabaan in ay fuliyaan kaas oo ah in ay diinta Islaamku noqoto hab nololeed ay ku dhaqmaan mujtamacaadka Muslimiintu.
Sh.Xasan Al Banna isaga oo Xubnaha Ikhwaanka u sheegaya ahdaafta waaweeyn ee dacwadooda ayaa waxa uu yidhi “Ogaada in aad leediihiin laba hadaf oo waaweeyn kuwaas oo ah :
1)In dhulka Musliliimta laga xoreeyo awood kasta oo ajnabi , ha ahaato dhinac siyaasadeed, mid dhaqaale iyo mid milatariba.
2)In dhulkaa xorta ah laga dhiso dawlad ku dhaqanta diinta Islaamka.

Si hadaba ay yoolalkaas u xaqiijiyaan ayaa waxa ay Ikhwaanku aaminsan yihiin in ay fuliyaan ahdaaf kale oo horudhac u ah kuwan waaweyn, kuwaas oo la’aantood ay dhici karto in ay adkaato in la xaqiijiyo ahdaaftaas waaweeyn.

Ahdaaftaasi sida ay u kala horeeyaan waxa weeye sidan soo socota :

Qof Muslim Ah

Hadafka ugu horeeyaa waa in la helo qof ay caqiidadiisa, fikirkiisa, dhaqankiisa iyo akhlaaqdiisuba waafaqsan yihiin shareecada Islaamka. Isaga oo Sh.Xasan AL Banna ka hadlaya sifooyinka qofka Muslimka ah ee loo baahan yahay waxa uu yidhi waa qof “caqiidadiisu toosantahay, cibaadadiisu saxan tahay, akhlaaqdiisu suubantahay, wax garad ah, xoogsanaya, naftiiisa xumaanta kala dagaalama, waqtigiisa ka faa'idaysta, arimihiisu urursan yihiin, qayrkiisna wax tara”.

Qoys Muslim Ah

Marka la helo qof Muslim ah oo sifooyinkaas aan kor ku sheegnay ku sifooba, yoolka xigaa waa in la unko qoys Muslim ah. Qoyskani waa in uu noqdaa qoys dhaqankiisa iyo fikirkiisuba ay ka duulayaan diinta Alle. Waa in xubnaha qoysku ku dhaqmaan adaabta Islaamka. Hooyada qoysakni waa in ay noqotaa hooyo wacyigeedu dheer yahay, Aabuhuna waa in uu noqdaa mid garanaya masuuliyada uu Alle saaray. Aabaha iyo hooyaduna waa in ay noqdaan kuwo iska kaashada tarbiyada ubadkooda.

Mujtamcac Muslim Ah

Aqaladaas toosan oo la isu geeyay waxa ay keenayaan in la helo yoolka sadexaad ee yoolalka Ikhwaanka kaas oo ah in la helo mujtamac Muslim ah. Mujtamcani waa in uu noqdaa mujtamac uu wanaagu ku baaho, xumaantu ku yaraato, wanaaga is fara, xumaanta iska reebo, walaatinimo dhex taalo, dulmiga aan isugu gar gaarin.

Dawlad Muslim Ah
Mujtamacaa Muslimka ahina waxa uu sabab u noqonayaa dhalashada dawlada uu dastuurkeedu yahay diinta Ilahay.

Dawaladahaa Muslimiinta ah oo isu taga ayaa waxa ka dhalanaya khilaafadii Muslimiinta.

Kuwaas weeye yoolalka ugu waaweeyn ee ikhwaanku sida uu sheegay Sh.Xasan Al Banna. Maqaalka ku xigga waxa aynu ku eegi doonaa siyaasada iyo Ikhwaanka.

Wednesday, March 22, 2006

Al-Ikhwaan Al-Muslimeen: Maxay Yihiin


Hadii aad akhriday labadii maqaal ee kan ka horeeyay waxa laga yaabaa in aad iminka is waydiinayso waxa uu yahay ururka Ikhwaanku, waxa ay aaminsan yihiin xubnihiisu iyo waxa uu kaga duwan yahay ururadda kale ee adduunka ka jira. Jawaabaha su’aalahani waxa ay ku cadyihiin waraaqihii uu qoray Sh.Xasan Al Banna[i]. Hadii Alle yidhaadana waxa aan qormaddan ku eegi doonaa qaar ka mida jawaabhaas uu Sheekhu bixiyay.

Dacwadii Quraanka oo dhamaystiran
Dacawadda Ikhwaanku sida uu sheegay Sh.Xasan Al Banna waa dacwo Islaamiya oo ka duulaysa fahamka saxeexa ah ee Islaamka. Khudbad uu sheekhu ka jeediyay shir ay isugu yimaadeen madaxda ururka Ikhwaanku ayaa isaga oo sharaxaya waxa ay dacwadda Ikhwaanku tahay waxa uu yidhi, “Dad badan ayaa idin waydiin doona waxa ay Ikhwaanku yihiin?, waxa aad ugu jawaabtaan, waxa aanu nahay dacwadii Quraanka oo dhamaystiran. Waxa aanu nahay xaqiiqo suufiya, waxa aanu nahay Jimciyad khayriya(oo dadka baahan caawisa), waxa aanu nahay urur bulsho sidaas oo kale waxa aanu nahay urur siyaasadeed nadiif ah. Dadka qaar baa idin odhan doona wali maananu idin fahmin ee isku kaaya cadeeya. Kuwaas waxaad ku tidhaahdaan waxa aanu nahay dacwad Islaamiya oo qofkii Islaamka si saxa u fahma ay fududahay inuu fahmo ee walaalayaal marka hore Islaamka si saxa u fahma si aad noo fahantaan..”[ii]

Fikrad iyo Caqiido-Nidaam iyo Manhaj
Waraqad kale oo ka mida waraaqaha uu Sheekhu qoray ayaa waxa uu ku cadeeyay in aanay Ikhwaanku ahayn xisbi siyaasiya, jimciyad khayri ah, koox ciyaartooy ah, urur bulsho iwm. Arimahaas oo dhami waxa uu sheegay in aanay dacwadoodu ka madhanayn laakiin ay dacwadoodu intaasba ay ka wayn tahay. Waxa uu yidhi “Waxa aanu nahay FIKRAD iyo CAQIIDO, NIDAAM iyo MANHAJ aan ku koobnayn dhul iyo dad khaas ah. Wax aanu nahay dacwadii Nabi Maxamed (Naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaatee), waxa aananu xambaarsanahay calankii dacwadiisa.”
[iii]

Dacwo koobaysa dhinacyada nolasha oo dhan
Sidaas oo kale khudabad uu Sh.Xasan Al Banna jeediyay munaasabadii 10 aad ee ka soo wareegtay dhismiha ururka Ikhwaanka ayuu si faahfaahsan ugu caddeeyay waxa ay yihiin Ikhwaanku iyo waxa ay tahay fikradoodu. Waxa uu yidhi “Waxa aanu aaminsanahay (ikhwaanka) in axkaamta Islaamku ay yihiin qaar saamaynaya nolasha bani’aadmiga if iyo aakhiroba”, sidaas oo kale waxa aanu aaminsanahay ayuu yidhi “in Islaamku uu yahay caqiido iyo cibaado, wadan iyo jinsiyad, diin iyo dawlad, ruuxaanniyad(iimaan) iyo shaqo sidaas oo kalena uu yahay kitaab iyo seef.”

Isagoo arinkan faah faahinayana waxa uu sheegay in dacwada Ikhwaanku ay tahay
[iv] :

Dacwo Salafiya: waayo buu yidhi waxa aanu dadka ugu yeedhaynaa in ay u noqdaan Quraanka iyo Sunadii Nabiga (Naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaatee).

Dariiqo Suni ah: Waayo buu yidhi waxa aanu intii karaankayga ah dabaqaynaa sunadii nabiga (csw) khaasatana dhinacyadda caqiidada iyo cibaadada.

Xaqiiqo suufiya: waayo buu yidhi waxa aanu ognahay in khayr kastaba uu asaaskiisu yahay qalbi nadiif ah, camal joogto ah, Ilaahay dartii oo wax loo jeclaado iyo khayrka oo gidigii lagu xidhnaado.

Hay’ad Siyaasi ah : waayo buu yidhi waxa aanu dalbaynaa in xukumka la hagaajiyo.

Urur ciyaartooy: waayo buu yidhi waxa aanu ognahay in Muslimka xoogan ee caafimaadka qabaa uu ka khayr badan yahay kan daciifka ah.

Shirkad dhaqaale: waayo buu yidhi Islaamku waxa uu ka hadlaa qaabka xalaasha ah ee maalka loo soo shaqaysto iyo sida saxa ah ee loo isticmaalo.

Urur wax garad iyo Cilmi: waayo buu yidhi Islaamku waxa rag iyo dumarba faral kaga dhigay barashada iyo kororsiga cilmiga.

Urur bulsho: Waayo buu yidhi ikhwaanku waxa ay baadhayaan cudurada bulshadooda waxaanay isku dayayaan in ay dawo u raadiyaan.

Waxa aanu ku soo gabagabaynayaa maqaalkan kalimadan oo uu Sh.xasan Al Banna mar kale ku cadaynayo fikiradda ururkiisa. Isaga oo la hadlaya xubnaha ururka ayaa wuxuu yidhi: “Hadii la idin waydiiyo waa maxy waxa aad dadka ugu yeedhaysaan?…waxaad ku jawaabtaan waxa aanu ugu yeedhaynaa Islaamkii lagu soo dajiyay nabi Maxamed (Naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaatee) xukuumadduna waa qayb ka midda Islaamka aanu dadka ugu yeedhayno..Sidoo kalena xoriyaddu waa faral ka midda faraa’ida Islaamka. Hadii la idin yidhaa taasi waa SIYAASAD…waxa aad tidhaahdaan Waa kaas Islaamka saxa ahi…”

Ilaa iyo qormada tan ku xigta..khayr baan idiin rajaynayaa.

[i] Waraaqahan waxa lagu ururiyay kitaabka Majmuuca Rasaa’ilka
[ii] eeg boggaga 252 ee Majmuuca ras’aail.
[iii] eeg bogga 197-197 ee Majmuuca ras’aail
[iv] eeg bogga 121-123 ee Majmuuca

Sunday, February 26, 2006

Xasan Al Banna…Hormoodkii Dacwadda Islaamka ee Qarnigga Labaatanaad-2


Sidii aynu gabaggabadii maqaallkii kowaad ku sheegnay, 1927 ayuu Sh. Xasan Albanna ka qalin jabiyay Kulliyaddii DARUL CULUUM ee ku taallay magaalladda Qahira, kaddibna waxa uu sheekhu u safray magaalladda Ismaaciiliya si uu macallin ugga noqddo duggsi hoose oo ku yaallay halkaas.

Ismaaciiliya iyo Sh. Xassan Al Banna

Ustaad Xasan Al Banna markii uu yimid Ismaaciiliya waxa uu isla markiiba billaabay in uu baadhitaan ku sameeyo xaalladda bulsho, diineed, dhaqaalle iyo siyaasaddeed ee ay ku suggan tahay magaalladdu. Baadhitaankaas, waxa Sheekha uga soo baxay in magaalladu ay tahay magaallo Isticmaar, in dadka deggan magaalladda badankooddu ay u shaqeeyaan shariikad uu Isticmaarku lahaa oo la odhan jiray “QANATU SUWAYS”. Xagga diinta waxa uu arkay in masaajiddadii ay ku soo hadheen kooxo wadaaddo ah oo uu khilaaf googooyay kuwaas oo masaa’il yar yar (oo ay culimadd Muslimiintu isku khilaafsanaayeen qarniyo) ummaddii ku jaha wareeriyay, waxa kale oo uu arkay in khilaafkaasi(wadaaddadu) uu keenay in dadka badankoodu ay ka fogaadeen Masaajiddadii ayna ku urureen makhaayadaha SHIISHADDA (BADEECADDA) lagu nuugo.

Xasan Al Banna Iyo Xidhiidhkii bulshadda Ismaaciiliya

Xasan Al Banna sida lagu yaqaano daacigga mukhliska ah waxa u cuntami waayay xaalkii ay waqtigaas ku sugnayd magaalladu. Waxa uuna go’aansaday in uu arinkaas wax ka qabto. Waxa uu bilaabay in uu mujtamaca dhex galo iyo in uu xidhiidho la sameeyo dadka saamaynta ku leh magaalladda. Sidoo kale waxa uu xidhiidho la sameeyay waalidiintii dhashay caruurtii uu wax ugu dhigi jiray iskuulkii uu markaas macalinka ka ahaa, waalidiintaas oo qaarkood uu markii danbe bilaabay in uu habaynkii wax u dhiggo. Xagga Masaajiddada, waxa uu goostay in aanu marxaladdan waxba ka dhex sheegin waayo waxa uu ka baqay in ay taasi keento in loo arko in uu daraf ka noqday khilaafkii wadaaddada ee waqtigaas ka taagnaa masaajiddada magaalladda, sidaas oo ay tahay haddana waxa uu bilaabay in uu xidhiidho hoose la samaysto wadaaddadii iyo dadkii ku tukan jiray masaajidadaas.

Dacwaddii Makhaayadaha

Sheekhu waxa kale oo uu bilaabay in uu dadka ugu tago meelaha ay jooggaan. Wacdiyo gaagaaban ayuu ka bilaabay sadex makhaayadood oo ka mid ahaa makhaayaddihii waqtigaas ugu waaweeynaa magaaladda, makhaayadahaas oo ay ragga magaaladda dageni fiidadkii u iman jireen in ay badeecadda ku nuugaan. Habka uu sheekhu wacdiga dadka u gaadhsiin jiray waxa uu ahaa hab aad u sahalan kaas oo raad kaga tagaya qof kasta oo maqala Waxa la soo wariyay in uu sheekhu maalin maalmaha ka midda uu yimid makhaayadahaas midood, dhimbiil dab ah inta uu qaadday ayuu ku dhex tuuray koox rag ah oo badeecad nuugaya. Ragii markii ay arkeen dabkaas dhexdooda yaalla ayay mar kalliya ka boodeen meeshii ay fadhiyeen. Sheekhu inta uu ku soo dhawaaday ayuu ku yidhi walaalayaal waxa aad ka cararteen dhimbiil yar oo dab ah taas oo aan dhib badan idiin gaysanayn ee miyayna- walaalayaal- ahayn in sidaas aad dabkan uga cararteen si la mida ama si ka wayn aad uga carartaan dabka aakhiro. Waxa kale oo uu sheekhu dadka u sheegi jiray in sababta ugu wayn ee keentay dibu dhaca Muslimiintu ay tahay in ay ka fogaadeen dariiqii Ilaahay iyo in xalka mushkiladaha Muslimiintu uu ku imanayo oo kaliya in ay Muslimiintu u soo noqdaan dariiqa Ilaahay.

Asaaskii Xarrakadda Ikhwaanka

Wacyigallintan sheekhu waxa ay saamaysay qaar ka midda dadkii deggenaa Ismaaciiliya. Bishii Maarso 1928 ayaa waxa sheekha u yimid lix[i] walaal oo ka midda dadkii Sh.Xasan Al Banna duruustiisa iman jiray. Waxa ay waydiiyeen sheekha in uu u sheego sida loo soo celin karo sharaftii iyo quwadii ay Muslimiinta lahaan jireen. Waxa ay ku yidhaahdeen waxa badan ma haysano. Waxa aanu hasyanaa naftayadda iyo quudka caruurtaydda. Labadaasna waxa aanu diyaar u nahay in aanu u hurno sidii loo soo celin lahaa sharaftii iyo karaamadii Muslimiinta, ee na hogaami. Sh.Xasan Al Banna waa uu ku farxay Ikhlaskaa uu ka arakay lixdaas walaal waana u duceeyay. Waxana u sheegay in sida kaliya ee ay ku soo celin karaan sharaftii Muslimiintu ay tahay in ay askar u noqdaan dacwada Islaamka. Halakaas ayayna balan (BEECO) iskula galeen. Markii ay is waydiiyeen magacee baynu ku shaqaynaa waxa uu Xasan Al Banna ku yidhi waxa isu keen keenay sow ma aha walaaltinimada Islaamka. Haa bay yidhaadeen. Hadaba waxa aynu nahay walaalo Islaam (AL-Ikhwaanul Muslimoon). Sidaas ayuuna maggaca Ikhwaan Al Muslimoon ku baxay.

Juhdigaa yar iyo ikhlaasnimadaa ay la yimaadeen todabadaa qof ayaa waxa ay gundhig u noqotay fikrad balaadhan oo ka taaba qaada dhamaanba cidhifyadda aduunka oo dhan. Maqaalka soo socdda ayaynu ku eegi fikradaha asaaska u ah fikirka walaalaha.

[i] Magacyadda Lixdan walaal waxa la kala odhan jiray 1.Xaafid Cabdill Xamiid 2.Axmed Al Xusari 3. Fu’aad Ibraahiim 4. Cabdiraxmaam Xasbullah 5.Ismaaciil Ciz 6.Zaki Al Maqrabi

Thursday, February 23, 2006

Xasan Al Banna…Hormoodkii Dacwada Islaamka ee Qarnigga Labaatanaad




In badan oo ka midda bani’aaddmigu kama fakaraan wax aan ahayn naftooda. Kuwaasi marka ay geeriyoodaan kama tagaan raad, taariikhdduna ma xusuusato. Laakiin waxa jira dad yar oo ka mida bai’aadmiga kuwaas oo aan u nolayn naftooda oo kaliya laakiin hamigooddu uu yahay hamigga dadkooda. Qoladan taariikhdu ma ilowdo. Xasan Al Banna (Ilaahay ha u naxariistee) waxa uu ka mid ahaa qoladan danbe. Inkasta oo ay iminka ka soo wareegtay 57 sano waqtigii la dilay hadana waa taas ay wali taariikhdu xusayso magiciisii iyo raadadkii uu ka tagayba. (SH.Maxamed Al Qazali).

Sunnada Ilaahay waxa ay ahayd in mar kasta oo ay dadku ka leexdaan xaqqa uu u soo diro rasuul u caddeeya dariiqaas (ALLE ee) ay ka baydheen. Nabi Maxamed (Naxariis iyo nabadgalyada Alle Korkiisa ha Ahaatee) waxa uu ahaa kii ugu danbeeyay silsiladaas. Inkasta oo hadaba uu dhamaaday soo diritaankii rusushu, hadana nicmooyinka ALLE waxa ka midda in uu Alle QARNI kastaba ummada ka soo dhex saaro culimo MUJADDIDIIN ah oo dadka u bidhaamiya wixii madmadaw ah ee ka gala diintooda. Qofkii akhriya taariikhada ustaad Al Banna iyo taariikhda xarakadii uu asaasayba (HADII AANU AHAYN XAASID) shaki kuma jiro in uu qiri doono in uu Xasan Al Banna ahaa Mujaddid iyo hogaamiye ka mida hogaamiyayaasha waaweeyn ee dacwada Islaamka ee qarnigii labaatanaad.

Su’aashu hadaba waxa weeye kuma ayuu ahaa Xasan Al Banna. Maxuu rabay. Maxay se ahayd mabaadiidii ay ku dhisnayd dacwadiisu. Waaa su’aalo hadii Alle yidhaa aan kaga jawaabi doono maqaalo soo socda oo uu kani ugu horeeyo

Dhalashadii iyo qoyskii Sheekh Al-Banna

Sheekh Xasan Al Banna waxa uu ku dhashay tuulo la yidhaa “MAXMUUDIYA” oo ku taala wadanka Masar. Waxa uu dhashay maalin Axad ah oo ay taariikhda Hijrigu ahayd 23 kii Shacbaan 1324 taas oo ku beegan 14 Oktoober 1906. Sheekhu waxa uu ka soo jeeday reer beeralay ah. Awowgii Cabdiraxmaan waxa uu ahaa FALAAX. Aabihii oo la odhan jiray Axmed (oo ahaa inankii ugu yaraa caruurtii uu dhalay Cabdiraxmaan) waa uu ka leexday xirfadii aabihii iyo awoowyaashii waxana uu u leexday dhinaca wax barashada oo ahayd mid ay la rabtay hooyadiis. Sh. Xasan Al Banna aabihii waxa uu Quraanka ku xifdiyay tuuladii ay degenaayeen ka dibna waxa uu cilmi kororsi u tagay magaalada la yidhaa Ismaaciiliya halkaas oo uu masjidka la yidhaa “JAAMIC IBRAAHIIM BAASHA” uu ka baran jiray culuunta Islaamka. Waqtiyada uu firaaqda yahay Sh.Axmed waxa uu ka shaqaysan jiray dukaan saacadaha lagu sameeyo halkaas oo uu ka bartay xirfadii uu markii danbe ku shaqaysan jiray ee ahayd samaynta saacadaha. Sh.Xasan Al Banna aabihii waxa uu ka mid ahaa culimadda waa weeyn ee qarnigii labaatanaad sida aadka ah ugu khidmaysay sunnada nabiga (CSW) wuxuuna alifay kutub kutub badan oo ah culuumta Axaadiista iyo fiqiga.

Waxbarashadii Xasan AL Banna

Sh.Xasan Al Bana yaraantiisii waxa uu aabihii ku daray dugsi ka midda dugsiyadda Quraanka lagu xifdiyo oo ku yaalay tuuladdii ay degenaayeen. Sh.Axmed waxa uu inankiisa la rabay ka hor inta aanu ku biirin dugsiga hoose ee rasmiga ah in uu dhameeyo xifdiga Quraanka, laakiin Sh. Xasan Al Banna waqti dheer kuma hakan dugsiga Quraanka waxana uu door bidayay in uu si dhakhso ah ugu biiro dugsiga hoose. Dood dheer ka dib Sheekh Axmed waa uu ka ogolaaday Xasan Al Banna in uu ku biiro iskuulka laakiin waxa uu ku shardiyay in uu xifdiga Quraankana ku dhameeyo guruga taas oo uu Xasan Al Banna ogolaaday.

Sh.Xasan Al Banna waxa uu tacliintiisa hoose ku qaatay dugsigii la odhan jiray “A RASHAAD” ka dibna waxa uu ku biiray dugsiga macalimiinta ee ku yaalay meesha la yidhaa “DAMNHUUR”. Intaa ka dibna waxa uu u safray magaalada Qaahira oo uu galay kuliyada macalimiinta ee la yidhaa “DARUL CULUUM” taas oo uu ka qalin jabiyay sanadkii 1927.

Hawlihii uu Qabtay Yaraantiisii

Sifooyinka hogaanimo waxa ay ahaayeen qaar ka muuqday Sh.Xasan Al Banna marka laga soo bilaabo caruunimadiisii. Muddadii uu ku jiray dugsigii hoose ee A Rashaad waxa uu madax ka noqday ururkii aradayda ee iskuulka oo la odhan jiray “JIMCIYA TUL AKHLAAQUL EDEBIYAH”, Isla iskuulkaas waxa ay isaga iyo koox asxaabtiisa ahi ka asaaseen urur kale oo la odhan jiray JIMCIYATU MANCUL MUXARAMAAT. Taas oo sida magaceeduba uu tilmaamayo ahayd urur dadka u cadeeyay gafafka ay ka galayaan diintooda. Waqtigii uu dhiganayay iskuulkii macalimiinta ee Damanhuurna waxa uu asaasay jimciyadii la odhan jiray“JIMCIYATUL XASAAFIYAH”, taas oo uu hadafkeedu ahaa in ay dadka farto akhlaaqda suuban kana reebto xumaanta iyo sidoo kale in ay la dagaalanto qolooyinka diimaha aan Islaamka ahayn fidinayay. Qaahira markuu yimidna waxa uu xubin buuxda ka noqday ururkii waqtigaas ka jiray magaaladaas ee “JIMCIYATUL MAKAARIMUL AKHLAAAQIYAH”.

Sh. Xasan Al Banna markii uu ka qalin jabiyay Kuliyadii Darul Culuum waxa uu u safray magaalada ISMAACIILIYA halkaas oo uu ka noqday Maclin. Magaaladani waxa ay bilow u ahayd safaxad cusub oo ka midda safxadaha ugu muhiimsan taariikdiisa iyo taariikhda caalmla Islaamkaba.

Way socotaaa………


Siciid Cali Axmed
Said.Ali.ahmed@gmail.com