Sunday, February 26, 2006

Xasan Al Banna…Hormoodkii Dacwadda Islaamka ee Qarnigga Labaatanaad-2


Sidii aynu gabaggabadii maqaallkii kowaad ku sheegnay, 1927 ayuu Sh. Xasan Albanna ka qalin jabiyay Kulliyaddii DARUL CULUUM ee ku taallay magaalladda Qahira, kaddibna waxa uu sheekhu u safray magaalladda Ismaaciiliya si uu macallin ugga noqddo duggsi hoose oo ku yaallay halkaas.

Ismaaciiliya iyo Sh. Xassan Al Banna

Ustaad Xasan Al Banna markii uu yimid Ismaaciiliya waxa uu isla markiiba billaabay in uu baadhitaan ku sameeyo xaalladda bulsho, diineed, dhaqaalle iyo siyaasaddeed ee ay ku suggan tahay magaalladdu. Baadhitaankaas, waxa Sheekha uga soo baxay in magaalladu ay tahay magaallo Isticmaar, in dadka deggan magaalladda badankooddu ay u shaqeeyaan shariikad uu Isticmaarku lahaa oo la odhan jiray “QANATU SUWAYS”. Xagga diinta waxa uu arkay in masaajiddadii ay ku soo hadheen kooxo wadaaddo ah oo uu khilaaf googooyay kuwaas oo masaa’il yar yar (oo ay culimadd Muslimiintu isku khilaafsanaayeen qarniyo) ummaddii ku jaha wareeriyay, waxa kale oo uu arkay in khilaafkaasi(wadaaddadu) uu keenay in dadka badankoodu ay ka fogaadeen Masaajiddadii ayna ku urureen makhaayadaha SHIISHADDA (BADEECADDA) lagu nuugo.

Xasan Al Banna Iyo Xidhiidhkii bulshadda Ismaaciiliya

Xasan Al Banna sida lagu yaqaano daacigga mukhliska ah waxa u cuntami waayay xaalkii ay waqtigaas ku sugnayd magaalladu. Waxa uuna go’aansaday in uu arinkaas wax ka qabto. Waxa uu bilaabay in uu mujtamaca dhex galo iyo in uu xidhiidho la sameeyo dadka saamaynta ku leh magaalladda. Sidoo kale waxa uu xidhiidho la sameeyay waalidiintii dhashay caruurtii uu wax ugu dhigi jiray iskuulkii uu markaas macalinka ka ahaa, waalidiintaas oo qaarkood uu markii danbe bilaabay in uu habaynkii wax u dhiggo. Xagga Masaajiddada, waxa uu goostay in aanu marxaladdan waxba ka dhex sheegin waayo waxa uu ka baqay in ay taasi keento in loo arko in uu daraf ka noqday khilaafkii wadaaddada ee waqtigaas ka taagnaa masaajiddada magaalladda, sidaas oo ay tahay haddana waxa uu bilaabay in uu xidhiidho hoose la samaysto wadaaddadii iyo dadkii ku tukan jiray masaajidadaas.

Dacwaddii Makhaayadaha

Sheekhu waxa kale oo uu bilaabay in uu dadka ugu tago meelaha ay jooggaan. Wacdiyo gaagaaban ayuu ka bilaabay sadex makhaayadood oo ka mid ahaa makhaayaddihii waqtigaas ugu waaweeynaa magaaladda, makhaayadahaas oo ay ragga magaaladda dageni fiidadkii u iman jireen in ay badeecadda ku nuugaan. Habka uu sheekhu wacdiga dadka u gaadhsiin jiray waxa uu ahaa hab aad u sahalan kaas oo raad kaga tagaya qof kasta oo maqala Waxa la soo wariyay in uu sheekhu maalin maalmaha ka midda uu yimid makhaayadahaas midood, dhimbiil dab ah inta uu qaadday ayuu ku dhex tuuray koox rag ah oo badeecad nuugaya. Ragii markii ay arkeen dabkaas dhexdooda yaalla ayay mar kalliya ka boodeen meeshii ay fadhiyeen. Sheekhu inta uu ku soo dhawaaday ayuu ku yidhi walaalayaal waxa aad ka cararteen dhimbiil yar oo dab ah taas oo aan dhib badan idiin gaysanayn ee miyayna- walaalayaal- ahayn in sidaas aad dabkan uga cararteen si la mida ama si ka wayn aad uga carartaan dabka aakhiro. Waxa kale oo uu sheekhu dadka u sheegi jiray in sababta ugu wayn ee keentay dibu dhaca Muslimiintu ay tahay in ay ka fogaadeen dariiqii Ilaahay iyo in xalka mushkiladaha Muslimiintu uu ku imanayo oo kaliya in ay Muslimiintu u soo noqdaan dariiqa Ilaahay.

Asaaskii Xarrakadda Ikhwaanka

Wacyigallintan sheekhu waxa ay saamaysay qaar ka midda dadkii deggenaa Ismaaciiliya. Bishii Maarso 1928 ayaa waxa sheekha u yimid lix[i] walaal oo ka midda dadkii Sh.Xasan Al Banna duruustiisa iman jiray. Waxa ay waydiiyeen sheekha in uu u sheego sida loo soo celin karo sharaftii iyo quwadii ay Muslimiinta lahaan jireen. Waxa ay ku yidhaahdeen waxa badan ma haysano. Waxa aanu hasyanaa naftayadda iyo quudka caruurtaydda. Labadaasna waxa aanu diyaar u nahay in aanu u hurno sidii loo soo celin lahaa sharaftii iyo karaamadii Muslimiinta, ee na hogaami. Sh.Xasan Al Banna waa uu ku farxay Ikhlaskaa uu ka arakay lixdaas walaal waana u duceeyay. Waxana u sheegay in sida kaliya ee ay ku soo celin karaan sharaftii Muslimiintu ay tahay in ay askar u noqdaan dacwada Islaamka. Halakaas ayayna balan (BEECO) iskula galeen. Markii ay is waydiiyeen magacee baynu ku shaqaynaa waxa uu Xasan Al Banna ku yidhi waxa isu keen keenay sow ma aha walaaltinimada Islaamka. Haa bay yidhaadeen. Hadaba waxa aynu nahay walaalo Islaam (AL-Ikhwaanul Muslimoon). Sidaas ayuuna maggaca Ikhwaan Al Muslimoon ku baxay.

Juhdigaa yar iyo ikhlaasnimadaa ay la yimaadeen todabadaa qof ayaa waxa ay gundhig u noqotay fikrad balaadhan oo ka taaba qaada dhamaanba cidhifyadda aduunka oo dhan. Maqaalka soo socdda ayaynu ku eegi fikradaha asaaska u ah fikirka walaalaha.

[i] Magacyadda Lixdan walaal waxa la kala odhan jiray 1.Xaafid Cabdill Xamiid 2.Axmed Al Xusari 3. Fu’aad Ibraahiim 4. Cabdiraxmaam Xasbullah 5.Ismaaciil Ciz 6.Zaki Al Maqrabi

Thursday, February 23, 2006

Xasan Al Banna…Hormoodkii Dacwada Islaamka ee Qarnigga Labaatanaad




In badan oo ka midda bani’aaddmigu kama fakaraan wax aan ahayn naftooda. Kuwaasi marka ay geeriyoodaan kama tagaan raad, taariikhdduna ma xusuusato. Laakiin waxa jira dad yar oo ka mida bai’aadmiga kuwaas oo aan u nolayn naftooda oo kaliya laakiin hamigooddu uu yahay hamigga dadkooda. Qoladan taariikhdu ma ilowdo. Xasan Al Banna (Ilaahay ha u naxariistee) waxa uu ka mid ahaa qoladan danbe. Inkasta oo ay iminka ka soo wareegtay 57 sano waqtigii la dilay hadana waa taas ay wali taariikhdu xusayso magiciisii iyo raadadkii uu ka tagayba. (SH.Maxamed Al Qazali).

Sunnada Ilaahay waxa ay ahayd in mar kasta oo ay dadku ka leexdaan xaqqa uu u soo diro rasuul u caddeeya dariiqaas (ALLE ee) ay ka baydheen. Nabi Maxamed (Naxariis iyo nabadgalyada Alle Korkiisa ha Ahaatee) waxa uu ahaa kii ugu danbeeyay silsiladaas. Inkasta oo hadaba uu dhamaaday soo diritaankii rusushu, hadana nicmooyinka ALLE waxa ka midda in uu Alle QARNI kastaba ummada ka soo dhex saaro culimo MUJADDIDIIN ah oo dadka u bidhaamiya wixii madmadaw ah ee ka gala diintooda. Qofkii akhriya taariikhada ustaad Al Banna iyo taariikhda xarakadii uu asaasayba (HADII AANU AHAYN XAASID) shaki kuma jiro in uu qiri doono in uu Xasan Al Banna ahaa Mujaddid iyo hogaamiye ka mida hogaamiyayaasha waaweeyn ee dacwada Islaamka ee qarnigii labaatanaad.

Su’aashu hadaba waxa weeye kuma ayuu ahaa Xasan Al Banna. Maxuu rabay. Maxay se ahayd mabaadiidii ay ku dhisnayd dacwadiisu. Waaa su’aalo hadii Alle yidhaa aan kaga jawaabi doono maqaalo soo socda oo uu kani ugu horeeyo

Dhalashadii iyo qoyskii Sheekh Al-Banna

Sheekh Xasan Al Banna waxa uu ku dhashay tuulo la yidhaa “MAXMUUDIYA” oo ku taala wadanka Masar. Waxa uu dhashay maalin Axad ah oo ay taariikhda Hijrigu ahayd 23 kii Shacbaan 1324 taas oo ku beegan 14 Oktoober 1906. Sheekhu waxa uu ka soo jeeday reer beeralay ah. Awowgii Cabdiraxmaan waxa uu ahaa FALAAX. Aabihii oo la odhan jiray Axmed (oo ahaa inankii ugu yaraa caruurtii uu dhalay Cabdiraxmaan) waa uu ka leexday xirfadii aabihii iyo awoowyaashii waxana uu u leexday dhinaca wax barashada oo ahayd mid ay la rabtay hooyadiis. Sh. Xasan Al Banna aabihii waxa uu Quraanka ku xifdiyay tuuladii ay degenaayeen ka dibna waxa uu cilmi kororsi u tagay magaalada la yidhaa Ismaaciiliya halkaas oo uu masjidka la yidhaa “JAAMIC IBRAAHIIM BAASHA” uu ka baran jiray culuunta Islaamka. Waqtiyada uu firaaqda yahay Sh.Axmed waxa uu ka shaqaysan jiray dukaan saacadaha lagu sameeyo halkaas oo uu ka bartay xirfadii uu markii danbe ku shaqaysan jiray ee ahayd samaynta saacadaha. Sh.Xasan Al Banna aabihii waxa uu ka mid ahaa culimadda waa weeyn ee qarnigii labaatanaad sida aadka ah ugu khidmaysay sunnada nabiga (CSW) wuxuuna alifay kutub kutub badan oo ah culuumta Axaadiista iyo fiqiga.

Waxbarashadii Xasan AL Banna

Sh.Xasan Al Bana yaraantiisii waxa uu aabihii ku daray dugsi ka midda dugsiyadda Quraanka lagu xifdiyo oo ku yaalay tuuladdii ay degenaayeen. Sh.Axmed waxa uu inankiisa la rabay ka hor inta aanu ku biirin dugsiga hoose ee rasmiga ah in uu dhameeyo xifdiga Quraanka, laakiin Sh. Xasan Al Banna waqti dheer kuma hakan dugsiga Quraanka waxana uu door bidayay in uu si dhakhso ah ugu biiro dugsiga hoose. Dood dheer ka dib Sheekh Axmed waa uu ka ogolaaday Xasan Al Banna in uu ku biiro iskuulka laakiin waxa uu ku shardiyay in uu xifdiga Quraankana ku dhameeyo guruga taas oo uu Xasan Al Banna ogolaaday.

Sh.Xasan Al Banna waxa uu tacliintiisa hoose ku qaatay dugsigii la odhan jiray “A RASHAAD” ka dibna waxa uu ku biiray dugsiga macalimiinta ee ku yaalay meesha la yidhaa “DAMNHUUR”. Intaa ka dibna waxa uu u safray magaalada Qaahira oo uu galay kuliyada macalimiinta ee la yidhaa “DARUL CULUUM” taas oo uu ka qalin jabiyay sanadkii 1927.

Hawlihii uu Qabtay Yaraantiisii

Sifooyinka hogaanimo waxa ay ahaayeen qaar ka muuqday Sh.Xasan Al Banna marka laga soo bilaabo caruunimadiisii. Muddadii uu ku jiray dugsigii hoose ee A Rashaad waxa uu madax ka noqday ururkii aradayda ee iskuulka oo la odhan jiray “JIMCIYA TUL AKHLAAQUL EDEBIYAH”, Isla iskuulkaas waxa ay isaga iyo koox asxaabtiisa ahi ka asaaseen urur kale oo la odhan jiray JIMCIYATU MANCUL MUXARAMAAT. Taas oo sida magaceeduba uu tilmaamayo ahayd urur dadka u cadeeyay gafafka ay ka galayaan diintooda. Waqtigii uu dhiganayay iskuulkii macalimiinta ee Damanhuurna waxa uu asaasay jimciyadii la odhan jiray“JIMCIYATUL XASAAFIYAH”, taas oo uu hadafkeedu ahaa in ay dadka farto akhlaaqda suuban kana reebto xumaanta iyo sidoo kale in ay la dagaalanto qolooyinka diimaha aan Islaamka ahayn fidinayay. Qaahira markuu yimidna waxa uu xubin buuxda ka noqday ururkii waqtigaas ka jiray magaaladaas ee “JIMCIYATUL MAKAARIMUL AKHLAAAQIYAH”.

Sh. Xasan Al Banna markii uu ka qalin jabiyay Kuliyadii Darul Culuum waxa uu u safray magaalada ISMAACIILIYA halkaas oo uu ka noqday Maclin. Magaaladani waxa ay bilow u ahayd safaxad cusub oo ka midda safxadaha ugu muhiimsan taariikdiisa iyo taariikhda caalmla Islaamkaba.

Way socotaaa………


Siciid Cali Axmed
Said.Ali.ahmed@gmail.com