Saturday, January 16, 2010

Shabaabka Yaa Horta Koriyay

Marka la qorayo taariikhda Soomaalida ee marxaladan lagu jiro lama ilaawi doono doorka Al-shabaab ee taariikhdaas. Su’aalaha ay taariikhyahannadu faalayn doonaan waxa ka mid noqon doonta halka uu ururkani ka helay awooda u fududaysay in ay waqtigan ka taliyaan dhul balaadhan oo ka mida dhulalka ay Soomaalidu degto. Jawaabta su’aashaas oo dhamaystiran waa mid ay taariikhyahannadu mudooyinka soo socda faalayn doonaan laakiin si horudhaca waxa aan maqaalkan ugu eegi doonaa su’aal la xidhiidha mawduucan oo ah “sababta uu ururkani –waqtigan- u noqday ururka ugu tunka wayn ururada ay hogaamiyaan wadaadada Soomaalidu- khaasatan marka laga hadlayo saamaynta ay ururadani ku leeyihiin nidaamka siyaasadeed ee Soomaalida?

Urur taariikh yar laakiin awood yeeshay

Al-shabaab, wixii ka horeeyay maamulkii maxkamaddaha ee Koonfurta Soomaaliya ma ahayn urur aad loo yaqaano. Qabsashadii Itoobiyaanka ee Koonfurta Soomaaliya ayaa aad u soo muujisay magaca ururkan. Diidmadii ay diideen in ay xubin ka noqdaan isbahysigii Asmara iyo dagaalkii ay la galeen ciidamadii Itoobiyaanku waxa ay ururkan siisay taageerayaal cusub oo aanay hore u haysanin. Bixitaankii Itoobiyaanka iyo qabsashadii uu ururkani qabsaday dhul balaadhan oo ka mida ah dhulkii ay ciidamadii Itoobiyaanku ka baxeena waxa ay iyaduna ururkan ka dhigtay mid haysta awood milatari iyo dhaqaale oo aanay helin in badan oo ka mida kuwa ay kula tartamayaan hogaaminta siyaasadda Soomaalida.

Uraradii la yaqaanay ee Islaamiyiinta oo saaxada laga waayay

Dad badani waxa ay is waydiinayaan xaga ay hadaba ka dhaceen ururadii kale -ee Islaamiyiinta Soomaaliyeed- ee ururkan uga soo horeeyay saaxada siyaasadeed ee Soomalida. Wali ma jiraaan uraradaasi? Haday jiraanse maxaa codkooda loo maqli la’ayahay? Maqnaanshahoodu se door ma ka ciyaaray koritaanka fudud ee Al-shabaab?

Intii ka horaysay soo-ifbixii Alshabaab, ururada Islaamiyiinta Soomaalida waxa ugu caansanaa labada urur ee Islaax Iyo Itixaadka. Islaax waa urur Islaamiya oo u nasab sheegta fikirka caalamiga ah ee xarakada Ikhwaanul Muslimiinka. Halka uu ururka Itixaadka fikirkiisu ahaa mid ka soo jeeda fikirka Salafiga. Islaax waxa rasmi ahaan loo asaasay dhamaadkii todobaatameeyadii, halka Itaxaadka isaga rasmi ahaan loo asaasay bilowgii sideetamaadkii. Burburkii ku dhacay dawladii Maxamed Siyaad Bare ka dib, ururka Itaxaadku waxa uu galay loolan milatari kaas oo ugu danbayntii sababay qaybsan iyo bur bur ku yimaada ururkaas. Islaax iyadu bilowgii burburkaas waxa ay xooga saareen dhinacyadda waxbarashada iyo taakulaynta. Guulo badan oo aan la qarin karin ayay dhinacyadaas ka gaadheen. Laakiin khilaafaad dhinaca maamulka ah iyo kala duwanaansho aragtiyeed oo ku saabsan sida loo waajahayo siyaasada murugsan ee Soomaalida ayaa waxa ay iyana sababatay in Islaax laftigeeda uu ku yimaado qaybsan xoogani. Waxa aan ku doodaynaa in burburkii Itixaadka iyo isku mashquulkii Islaax ay sabab u noqotay in ay saaxada dacwadu u banaanaato ururo aan markii hore miisaan culus ku lahayn Islaamiyiinta Soomaalida dhexdooda. Firaaqani waxa uu fursad u noqoday in Al-shabaab iyo ururada la middka ahi ay ummada isu tusaan in ay iyagu yihiin kuwa matalaya qadiyadihii masiiriga ahaa ee Soomaalida.

Nidaam Caskarinimo iyo hogaan Ajnabi


Al-Shabaab waa urur uu nidaamkiisu yahay nidaam askarinimo. Nidaamka askarinimada waxa asaas u ah hogaansan xad dhaaf ah iyo cabsi. Dad badani uma taageeraan ururkan jacayl ay u qabaan mabaadiida iyo fahanka ururkan laakiin waxa ay u taageeraan cabsi ay ka qabaan in ay dhibi soo gaadho hadii ay ka hor yimaadaan amarada ay bixinayaan. Nidaamka noocan ah ee askarinimo in uu qoladan u hirgalo waxa ka cawaawiyay hogaan aan Soomaali ahayn oo khibrad wayn u leh nidaamkan askarinimo ee ay Shaabku ku shaqaynayaan .

Culimo la cabsiiyay


Al-shabaab waa urur sheeganaya in uu u taagan yahay ilaalinta iyo kor u qaadida diinta Islaamka, laakiin mawqiftiisa siyaasadeed iyo diineed ma aha mid ay taageersan yihiin inta badan ee culimada Soomaalidu. Qadiyadaha sida isqarxinta, diidmada wada hadalo lala galo Soomaalida kale, taageerada ay siinayaan Al qaacido, gaalaysiinta dadka fahankooda khilaafa iyo dagaalka ay sheegeen in ay kula jiraan caalamka oo dhani waa arimo asaasiya oo ay culimada Soomaalida ee la yaqanaa ku diidan yihiin ururkan. Diidmadaas oo jirta hadana codka culimadu ma aha mid aad/kor loo maqalo, taasina waxa ay sababtay in codadka aadka loo maqlo ee sheeganaya in ay magaca diinta Islaamka ku hadlayaa ay noqdaan codadka Shabaabka iyo qolooyinka la fikirka ah.

Gabagabo


Maqalkan gaaban waxa aan ku soo bandhignay sababo aanu u aragno in ay yihiin sababaha ugu waa weeyn ee muddo yar gudeheed koriyay urur aan cumri dheer ku lahayn saaxada ururada Islaamiyiinta Soomaalida(Shabaabka). “Firaaqaada saaxada dacawada- ee ururadii Islaamiyiinta ee la yaqaanay-“, “nidaamka askarinimo ee Shabaabka” iyo “aamuska culimadu” waxa ay ka mid yihiin sababaha ugu waawayn ee sida dhakhsaha ah u koriyay Shabaabka.

Maqaalkan ka ku xiga waxa aan ku saadaalin doonaa burburka ururka Shabaabka iyo raadka uu burburkoodu ku yeelan doono Islaamiyiinta Soomaalida.

Siciid Cali Axmed
maqaalo.siciid.cali@gmail.com

Tuesday, December 22, 2009

Rajminta Al-shabaab, xisbul Islaam Iyo Shareeecadda Islaamka

Wararkii Soomaalidda ee usbuucyadii ina dhaafay waxa ka mid ahaa war sheegayay xukum rajmina oo ay fuliyeen kooxda Xisbul Islaam ee ka talisa magaalada Afgooye. Soomaliddu fasiraada dhacddadan iyo kuwii la midka ahaa ee ka horeeyay waa ay isku khilaafeen. Qolo waxa ay ku doodeen in rajmintani ay tahay mid loogu gargaarayo shareecadda Islaamka. Qole kale waxa ay falkan u arkaan fal arxan dara ah oo waliba dulmi ku ah kuwii lagu fuliyay xukumkaas, qolooyinkan qaarkood waxa ayaba aaminsan yihiin in xukumka rajmintu aanu ku soo aroorin shareeceada Islaamka ee uu yahay mid laga soo guuriyay kutubtii umadihii hore. Qolo sadexaad, iyagu may diidin in rajmigu uu yahay xukum ka mida axkaamta shareecada Islaamka laakiin waxa ay shaki wayn galiyeen daacaddnimada kooxaha fulinaya xukmka ee Al-shabaab iyo Xisbul Islaam. Qoladani waxa ay ku doodayaan in hirgalinta xudduudu ay u baahantahay dawlad ee aanay koox yari kaligeed hir galin karin, sidaas oo kale waxa ay ku doodayaan in aanay kooxahani u marin fulinta xadkan wadadadii ay shareecadu u dajisay. Hadaba yaa saxsan? Yaa qaldan? Maxay shareecadu ka qabtaa rajminta? Waddadee ayaase loo maryaa hirgalinta xaddkan? Su’aalahaasi waxa ay ka mid yihiin su’aalo ay dad badani is waydiinayaan, waana su’aalaha aan jawaabtooda ku eegi doono qormadan.


Shareecaddu ka balaadhan xuduud

Xuduuddu waa qayb yar oo ka mida axkaamta diinta Islaamka. Axkaamta diinta Islaamka waxa uu Ilaahay u soo dajiyay in ay bani’aadmiga u horseedaan nolol fiican. Waxyaabaha uu Islaamku aadka ula dagaalamay ee mujtamacyada burburiya waxa ka mida sinada (galmada aan xalaasha ahayn). Qof kasta oo caqli leh kama qarsoona caaqibo xumada ay sinadu u leedahay qofka iyo mujtamaca xumaantaas banaysta. Raad xuma wayn ayuu ficilkani ku yeeshaa mujtamaca khaasatan hadii qofka ficilkan samaynayaa uu yahay qof xaas ah amaba hore u soo guursaday. Diinta Islaamku dhaqan xumaddan iyo inta samaynaysaba dagaal wayn ayay ku qaaday, waxaana ay u samaysay axkaam khaas ah oo ay kaga hortagyso in ay dhaqan xumadani ku faafto mujtamaca dhexdiisa.


Kala duwanaanta qawaaniinta

Inta aanaynu axkaamtaas ka hadal waxa muhiim ah in la isla fahmo in umaduhu ay ku kala duwan yihiin qaab ciqaabeedka ay ku abaal mariyaan danbiilayaasha sharciga jabiya. Sharci (qaanuun) dad ula eeg in uu adagyahay ayaa dad kale ula eeg in uu munaasib yahay. Tusaale ahaan, ciqaabta “Dilka” wadamada Yurub iyo Kanada waxa ay u arkaan mid qaladan, adag oo xuquuqda qofka ka hor imanaysa, wadanka Maraykanka iyo wadamo badan oo kale se waxa loo arkaa in ay tahay ciqaab sax ah, miisaaman, oo lagu abaal marinayo danbiilayaasha qaarkood. Dadka ciqaabta shareecada Islaamka u arka in ay tahay mid aan naxariis lahayn waa dad jaahil ka ah nidaamka uu Islaamku ula dagaalamo danbiilayaasha iyo danbiyadaba. Waxaan ku doodaynaa in aanay qawaaniinta Islaamku adkayn isla markaana uu wanaaga mujtamacu ku jiro ku dhaqankooda, waase hadii loo hirgaliyo sidii/waqtigii ay diintu jidaysay.

Rajminta iyo diinta Islaamka


Axaadiis saxiixa oo ku sugan kitaabka Bukhaariga iyo Muslimkuba waxa ay sugayaan in rajmigu yahay mid uu nabigu(csw) ficil ahaan uu sameeyay isla markaana uu asxaabtiisa faray in ay sameeyaan. Afarta mad-hab na waa ay isku waafaqeen sharcinimada arinkan. Waxaba uu soo wariyay Iimaamka la yidhaa Ibnu Qudaamah in culimada Islaamka ee lagu kalsoonyahay ay dhamaantood isku waafaqeen sharcinimada arinkan. Sidaa si le’eg ayuu Sheekha Shawkaani la yidhaa soo wariyay. Waan arkay dad diidan jiritaanka ciqaabtan lakiin taageero badan oo daliil ku dhisan ma haysataan. Waa laga doodi karaa qaabka/waqtiga loo dabaqayo xukumkan laakiin in laga doodo jiritaankeedu waa waqti lumis.

Si kooban sharcigan waxa lagu fulinayaa qofkasta oo sinaysata oo xaas ah amaba guur hore u soo maray. Ciqaabtan si loo hirgaliyose shareecadu waxa ay u dajisay shuruudo iyo jaranjarooyin loo maro fulinteeda. Si ciqaabtan loo hirgaliyo waa in marka hore la sugaa in falkani dhacay. Shareecadu waa ay adkaysay sida lagu sugayo falkan, waayo ujeeddada ka danbaysay hirgalinta xukumkani waa in ay dadka cabsi galiso si aanay dhaqan dhaqankani u noqon mid mujtamaca ku dhex faafa. Aynu bal hadaba isla eegno qaabka ay shereecadu u sugayso falkan:

Qirasho

Waa in uu qofku qirto in uu sinaystay isla markaana uu rabo in lagu fuliyo sharcigan. Si qirashada qofkaas loo aqabalo waa in uu qaadigu hubiyaa in qofkani waxa uu qiranayaa ay run tahay. Waa in uu sidoo kale hubiyaa in caqligiisu fayowyahay isla markaana aanay jirin cid qofkan ku qasbaysa qirashada arinkan. Waxa la soo wariyaa in nin uu nabiga u yimid oo uu u qirtay in uu sinaystay isagoo xaas ah. Nabigu(csw) waxa uu waydiiyay dadkii- ay ninkaas tolka ahaayeen- in caqligiisu uu dhan yahay iyo in kale. Waxa ay tolkiis u sheegen nabiga in aanay waali ku ogayn ninkaas. Intaas kadib nabigu (csw) ninkii ayuu waraystay si uu bal u hubiyo waxa uu ninkani sheegayaa in ay sax tahay iyo in kale. Su’aalo badan ayuu waydiiyay oo aad dareemayso in uu nabigu rabo in uu qiil u raadiyo ninkaas. Markii uu qofkaasi si cad u qirtay in uu ficilkaas sameeyay isla markaana uu nabigu hubiyay in maskaxdiisu ay dhantahay ayuu amray in la rajmiyo. Hadii uu qofku qirto sinada oo uu dabadeed ka noqdo qirashadaas maxaa la yeelayaa? Waa in la aqbalo ka noqoshadiisaa, waa hadii aanay jirin daliil kale oo aan ahayn qirashadiisaas oo qofka lagu hayo. Sidaas ayay culimo badani qabaan. Mida kale waa in uu afar jeer oo kala duwan uu qaadiga hortiisa ka qirtaa in uu ficilkan sameeyay.

Markhaatiyo

Mida labaad ee ay ku sugmaysaa waa in la helo 4 markhaati oo aan been iyo xumaan lagu ogayn oo qiraya in ay arkeen qofkaas oo xumaantaas samaynaya. Qaadigu waa in uu hubiyaa in markaatiyadani waxa ay sheegayaan ay hubaan. Waa in uu waydiiyaa waqtiga , meesha iyo waxa ay arkeen in uu qofkaasi samaynayay. Waa in baadhitaan xoogan uu qaadigu ku sameeyaa markhaatiyadaas waayo markhaati furkoodu waxa uu sabab u noqon karaa in qofkaasiuu naftiisa waayo.

Uur

Culimada qaar ayaa qaba in hadii gabadhu ayna xaas lahayn, isla markaana ay uur yeelato in xadka lagu qaado. Laakiin inta badan culimad muslimiintu waxa shardi ka dhigayaan in ay gabadhu ay qirato in ay si xor ay iyadu sinada u samaysay.. Waana sida saxa ah, hadii kale waxa dhici karta in gabadh la kufsaday waliba oo iyadu dulman in xad lagu oogo.

Arimahaas oo dhan hadaad si xeel dheer ugu fiirsato waxa kuu soo baxaya in Islaamku uu xadkan ku oogayo laba qolo oo kaliya. Qolo waa qolo uu damiirkoodu u saamixi waayay in xumaan ay sameeyeen ay aakhiro Ilaahay la hor tagaan. Inkasta oo ay ka toobad kani kareen, hadana damiirkooda ayaa siin waayay in ay qarsadaan ficilkaas.Sida caadiga ah waa ay adagtahay in danbiilayaashu ay danbigooda qirtaaan. Taariikhduna ma sheegin dad badan oo ficilkan qirta. Qoloda kale waa qolo xumaanta suuqyada la yimid, oo dhaqan xumadooda la yimid meel cid kastaba arkayso. Way adagtahay ayaan is leeyahay in la helo afar markhaatiya oo markhaati ka noqda in ay arkeen dad xumaantan faraha kula jira, waa hadii aanay dadkaasi ahayn dad dhaqan xumadoda meel kasta la taagan.! Sheekha la yidhaa Dr.Yusuf Al-qaradawi waxa uu ku fatwooday xitaa hadii Kamarad la qariyo oo qofkaas xumaanta uu samaynayo laga duubo isaga oon ogayn in aan xadka lagu oogayn, waayo waxa loo baahan yahay ayuu yidhi in la helo afar qof oo iyagu ficilkaas arkayay.

Xuduudda Xisbul Islaam iyo Al- Shabaab


Intaas ka dib, waxa aan ku doodaynaa in aanay kooxahan Soomaalidu ee leh xad baan oogaynaa aanay la imanin dhamaanba arimhii looga baahnaa hirgalinta xuduuda Islaamka. Culimo badan oo leh kuwa hore iyo kuwa iminka joogaba waxa ay sheegeen in xuduudda hirgalinteedu ay u baahantahay nidaam dawladeed ee aanay koox amaba shakhsiyo hirgalin karin. Waxa ay u baahantahay qaadiyo faham fiican u leh nidaamka ciqaabta ee ay shareecada Islaamku doonayso. Waxa ay baahantahay nidaam maxkamadeed kala sareeya oo suga danibiga danbiilaha lagu soo oogayo. Waxa ay baahantahay in la hubiyo caqliga qofkan lagu qaadayo xukumka. Ma aha arin fudud in qof naftiisa la qaado ama xubin muhiim ah oo jidhkiisa ka mida la gooyo, sidaa daraadeed waxa ay u baahan tahay degenaanshiiyo iyo hubsiimo badan. Si axkaamta Islaamku u hirgasho waa in la helaa nidaam garsoor oo ay dadku kalsooni ku qabaan. Waa doodayda in aan shuruudahaas wali la hayn.

Hadii afartii wadaad ee magaalo joogaaba inta ay qof danbi ku soo oogaan, sawiro ka qaadaan, dabadeedna ay yidhaahdaan shareecad baan dabaqaynaa ee na daawada, taasi dabaqaad shareeco noqon mayso ee waxa ay u eekaanaysa ku ciyaarid shareeco. Waxaana laga yaabaa hadii sidaas wax ku sii wadaan in waqtiga aan fogayn ay ay dad badan diintooda ka fidneeyaan.

Khaladka Saxaafadda


Ugu danbayn, qolooyinka warfaafinta-ee sawirada ciqaabaha soo tabiyaa-waa in ay iyaguna hab dhaqankooda saxaafadeed dib u eegaan. Wadamad xuduudda ooga sida Sucuudiga oo kale wali ma arag meel inta wariyayaasha loo yeedho la yidhaa kaalaya qofka la dilayo sawira, ka dibna sawiradii la soo galiyo internedka iyo you tubeka oo ciyaal iyo ciroolaba daawanayaan. Taasi dhaqan saxaafadeed ma aha ee waa in ay qolooyinkaai dib isugu noqdaan oo ay ka fiirsadaan sawirada ay soo gudbinyaan,.Dadka ay soo sawirayaan xurmo ayay leeyihiin xitaa hadii ay danbiilayaal yihiin…

Mahadsanidin
Siciid Cali Axmed
Maqaalo.siciid.cali@gmail.com

Monday, November 30, 2009

Soomaalidda qurbaha iyo xidhiidhka Al-shabaab

Duruufaha dhaqaale iyo siyaasaddeed ee ka jira dhulalka ay Soomaaliddu degaan waxa ay sabbab u noqdeen in dad badan oo Soomaaliyeed ay hoy ka dhigtaan qurbaha- khaastana wadamada galbeedka. Dhibaatooyinka caruurta, khilaafaadka qoysaska, dhaqaalo yirida iyo la qabsi la’aanta nolasha wadammada loo soo qaxay waxa ay ka mid yihiin dhibaatooyinka ay Soomaalidu kala kulmeen hoygoodda cusub. Dhalliinyaro Soomaaliyeed oo ku barbaaray wadamada galbeedka oo mudooyinkan danbe la sheegay in ay tageen Soomaaliya si ay ugu biiraan ururka Al-shabaab ayaa iyadu noqtay dhibaatooyinkii ugu danbeeya ee soo waajaha Soomaalidda qurbaha. Maqaalkan waxa aan ku eegi doonaa saamaynta uu jaaliyaddaha qurbaha ku yeellan karo xidhiidh dhex mara dhalliinyarada Soomaalida ee qurbaha degan (qaarkood) iyo ururka Al-shabaab. Sidaas oo kale waxa aan ku eegi doonaa waajibka arinkan ka saraan waalidka iyo, culimadda jaaliyaddaha Soomaaliyeed ee galbeedka degan.

Saamayanta xidhiidhka Al-shabaab

Sida ay qirayaan madaxdiisa Soomaalidda ahi, ururka Al-shabaab waa urur ka tirsan ururka Al-qaacida. Al-qaacidana sida la ogyahay waa urur dagaal kula jira caalamka oo dhan, waa urur ay waddamo badani u arkaan in uu khatar ku yahay amnigoooda. Sidaa daraadeed ku biirida iyo taageerida Al-qaacida iyo ururada kale ee ay fikirka wadaagaanaba waxa ay waddamo badan ka yihiin danbi qofkii sameeya lagu ciqaabayo.

Dhalliinyarada Soomaliyeed ee la sheegay in ay ku noqdeen Somaaliya, waddamadii ay ka tageen waxa looga arkaa dad ku dhacay fal danbi oo hadii/markii ay soo noqdaan khatar ku noqon kara amniga waddamadaas. Saamaynta tagitaanka dhaliinyaradani kuma koobna oo kaliya nolosha dhaliinyaradaas ee waxa uu saameeyay waaliidkii, saaxiibbadii, masaajiddadii (ay dhaliinyradani kuxidhnaayeen) iyo dhamaan cid kasta oo ay dhaliinyaradani xidhiidh la lahaayen. Masaajiddkii ay maalmo galeen wuxuu noqday mid farta lagu fiiqo, sheekh kasta oo ay maalmo la fadhiisteen waa in la baadho in uu isagu ka danbeeyay noqoshadooda iyo inkale, qof kasta oo ay la saaxiibeen waa in la hubiyo in uu Al-shabaab xidhiidh la leeyahay iyo in kale. Si guud, tagitaankooddu waxa uu saamayn aan yaryn ku yeeshay jaaliyadaha Soomaaliyeed ee degan meelihii ay dhalinyaradani ka tageen.

Masuuliyadda waalidaka

Waaqican cusubi waxa uu waalidka Soomaaliyeed ee galbeedka ku nool hordhigayaa masuuliyad cusub oo waliba culus. In waalidku uu caruurtiisa tarbiyadeeyo kana badbaadiyo dhaqannada xun xun iyo in markii ay caruurtaasi toosaan laga badbaadiyo in ay ku dhacaan dabinka Al-shabaab iyo ururada la fikirka ahi ma aha shaqo fudud. Wadamada galbeedka marka uu qofku gaadho 18 sano jir waxa loo arkaa qof wayn, waxa go aya xidhiidhkii sharci ee u dhexeeyay qofkaas iyo waalidkii dhalay. Marka uu qofku da’daas gaadho waxa uu xaq u leeyahay in uu baasaboor qaato, lacag amaahdo, tigidh iibasado iyo in uu meeshii uu doono maro. Tani waxa ay cuslaysay masuuliyadii waalidka. Waxa sidaas oo kale masuuliyada waalidka sii cusleeyay tiknoolajiyada casriga ah ee fududaysay in qof degan galbeedku uu xidhiidh adag la yeesho qof ku nool beriga oo aanu waligii arag. Arimahaas oo jira hadana waqtigan xaadirka ah waxa muhiim ah in uu waalidku la socdo isbadalada ku dhacaya nolosha ubadkiisa. Waa in uu waalidku ka war hayaa cida ay caruurtoodu la saaxibbayaan, waxa ay dhagaysanayaan iyo meelaha ay u dhoofayaannba. Si uu waalidku u guto masuuliyadda saarana waxa khasab noqonaysan marxaladdan lagu jiro in uu waalidku kordhiyo cilmiga uu u leeyahay diinta Islaamka iyo waliba aragtiyaha dhaqdhaqaayda (ururada) Islaamiyiinta.

In ubadka laga badbaadiyo daroogada, jeel iyo dhaqan xumadu waxa ay waalidka Soomaaliyeed ee qurbaha ku nool ku ahayd culays. In caruurtii cuduradaas ka badbaaday laga badbaadiyo darafka kale ee ay matalyaan ururada fogaaday sida Al-shabaab iyo Al-qaacida waa culays kale oo ku soo biiray culyskii hore ee waalidka Soomaaliyeed. Waase culays ay waajib tahay in isna la waajaho.

Masuuliyada Culimada

Lama dafiri karo doorka ay culimada Soomaaliyeed ee qurbuhu ku leeyihiin ilaalinta shaksiyadda qofka Soomaaliyeed ee qurbaawiga ah. Dhisidda masaajiddo ay jaaliyadu ku cibaadaysato, barida Quraanka ee ubadka soo koraya, faafinta duruusta diiniga ah ee jaaliyadda lagu wacyi galinayo, ka jawaabida su’aalaha diinta ee ay jaaliyadu u baahantahay iyo qabashada shirar diiniya oo jaaliyadaha Soomaaliyeed ee qurbaha deggani ku kulmaan waxa ay ka mid yihiin shaqooyinka ay culimada Soomaaliyeed ee qurbaha daggani u hayaan jaaliyadooda. Waxaanse shaki ku jirin iyana in xidhiidhka ka dhaxeeya dhaliinyarda iyo culimada Soomaalida ee qurbuhu aanu adkayn, marar badana aabanu jirin. Xidhiidh la’aantaasi waxa ay fududaysay in mararka qaarkood ay dhaliinyarada qaarkood xidhiidho la samaystaan ururo uu fahankooda diintu xag jiro laakiinse ku hadlaya luqad ay dhaliinyaradaasii fahmi karaan. Sidaa daraadeed waa in masaajidada Soomaalida iyo culimadooduba ay adkeeyaan xidhiidhka ay la leeyihiin dhalinyarada. Waa in la soo saaro culimo dhalinyaro ah faham fiican u leh diinta Islaamka iyo waaqic nololeedka dhaliinyarada qurbaha ku nool. Ugu danbeyntii waa in ay culimadu ay si cad uga digaan fitnada iyo dhibaatooyinka ka iman kara qaadashada fikirka ay xambaarsan yihiin ururada sida Al-shabaabka oo kale ah.

Siciid Cali Axmed

maqaalo.siciid.cali@gmail.com

Thursday, October 8, 2009

E-mailo badan oo la xaday

Dhawaan waxa boga la yidhaado Pastebin.com lagu soo dhajiyay ciwaanada e-mailada iyo furayaasha(password) dad badan oo ka mida dadka itsicmaala aalada e-mailka ee shirkadaha Microsoft (hotmail), yahoo iyo google (gmail). Qolooyinkan tuugta ah ee u dhacay xisaabaadka ay dadku ku leeyihiin sharikadahani waxa ay soo dhajiyeen maclumaadka dad lagu qiyaasay 10,000 oo qof oo ka mida dadka iticmaala aalada hotmailka. Macluumaadka dadkaas la soo dhajiyeen waa dadka magacayadoodu ay ka bilaabmaan xarfaha (A iyo B). Khabiiro arkay ciwaanadani waxa ay sheegeen in ciwaaanadaas la xaday ay dadka leh badankoodu degen yihiin qaarada Yurub. Khubaro kale oo badan oo ka mida khubarada ku takhasustay aminga internedku iyaguna waxa ay aaminsan yihiin in ay jiraan dad badan oo kale oo iyana la xaday macluumaadka xisaabahooda. Idaacada iyo TV’ga BBc waxa ay soo wariyeen in ineternedka la dhex wareejinayo macluumaadka e-mailo gaadhaya ilaa 30,000 oo laga soo xaday dadka isticmaala hotmailka, yahooga iyo gmailkaba. Waxaanay u badan tahay xisaabaad intaas ka badan la xaday

Sidee Arinkani ku dhacay?

Khubaradu iskuma waafaqsana sida uu arinakani u dhacay. Qolo waxa ay ku doodayaan in qolooyinka (hackers) la yidhaa ay u dhaceeen qalabka shirkadaha bixiya e-maialadan oo ay dabadeedna sidaas macluumaadkan ku soo heleen. Waxaase loo badinayaa sida ay qolo kale ku doodayaan in macluumaadkan la xaday iyada oo la isticmaalayo habka loo yaqaan “phishing” kaas oo ah in qofka loo jiheeyo bog kale oo aan ahayn bogii saxa ahaa ee uu qofkaasi yaqaanay(sida hotmail.com, yahoo.com, ama gmail.com) laakiin u eeg kii uu qofku u socday. Marka uu qofku halkaas tago ee uu markaas macluumaadkiisa ku qorana waxa ay macluumaadkaasi si fudud ugu tagayaan qoladan tuugta ah ee bogaas faalsada ah samaysatay.

Sidaad isku ilaalin kartaa?

1)Hadii aad xisaabo ku leedahay shirkadahaas loo dhacay si dhakhso ah u badal muftaaxa e-mailkaaga (password).

2)Marka aad samaysanayso muftaax cusub dooro muftaaxa ay adagtahay in uu garto qof aan adiga ahayni. Muftaaxaagu ha ka koobanaado xarfo waaweyn, kuwo yaryar iyo numbaro isku jira. (Dadka laga xaday ciwaanadoodu waxa ay u badnaayeen dad isticmaalayay mufaatiix ay fududahay in la maleeyo sida 1234 amba I love iyo wixii la mida)

3)Sadexdii biloodba mar badal muftaaxa e-mailkaaga.

4)Ha u isticmaalin muftaax kaliya xisaabaha kala duwan (sida bangiga, iskuulka iyo e-mailka) ee aad ku leedhay aalada internedka.

5)Hadii laguu soo diro e-mail lagu leeyahay ciwaankan tag si aad u badasho muftaaxa bangigaaga ama e-mailkaaga ha yeelin, iska na tirtir fariintaas.

6)Cid aanad hubin cida ay tahay macluumaadkaaga shakhsiga ah ha u gudbin.

Hadii aad ku dhaqanto talooyinkaas kore waxa aan is leenahay waxa yaraanaya in ay tuugta internedku kuu soo dhacaan.

Siciid Cali Axmed

http://dacwada.blogspot.com/

Saturday, October 3, 2009

Khudabadii Sh.shariif (Somali)

Khudbadii wadaadka oo Soomaali ah halkan ka dhagayso...5 daqiiqo ee hore waa English waad is dhaafin kartaa....
Siciid Cali