Thursday, October 8, 2009

E-mailo badan oo la xaday

Dhawaan waxa boga la yidhaado Pastebin.com lagu soo dhajiyay ciwaanada e-mailada iyo furayaasha(password) dad badan oo ka mida dadka itsicmaala aalada e-mailka ee shirkadaha Microsoft (hotmail), yahoo iyo google (gmail). Qolooyinkan tuugta ah ee u dhacay xisaabaadka ay dadku ku leeyihiin sharikadahani waxa ay soo dhajiyeen maclumaadka dad lagu qiyaasay 10,000 oo qof oo ka mida dadka iticmaala aalada hotmailka. Macluumaadka dadkaas la soo dhajiyeen waa dadka magacayadoodu ay ka bilaabmaan xarfaha (A iyo B). Khabiiro arkay ciwaanadani waxa ay sheegeen in ciwaaanadaas la xaday ay dadka leh badankoodu degen yihiin qaarada Yurub. Khubaro kale oo badan oo ka mida khubarada ku takhasustay aminga internedku iyaguna waxa ay aaminsan yihiin in ay jiraan dad badan oo kale oo iyana la xaday macluumaadka xisaabahooda. Idaacada iyo TV’ga BBc waxa ay soo wariyeen in ineternedka la dhex wareejinayo macluumaadka e-mailo gaadhaya ilaa 30,000 oo laga soo xaday dadka isticmaala hotmailka, yahooga iyo gmailkaba. Waxaanay u badan tahay xisaabaad intaas ka badan la xaday

Sidee Arinkani ku dhacay?

Khubaradu iskuma waafaqsana sida uu arinakani u dhacay. Qolo waxa ay ku doodayaan in qolooyinka (hackers) la yidhaa ay u dhaceeen qalabka shirkadaha bixiya e-maialadan oo ay dabadeedna sidaas macluumaadkan ku soo heleen. Waxaase loo badinayaa sida ay qolo kale ku doodayaan in macluumaadkan la xaday iyada oo la isticmaalayo habka loo yaqaan “phishing” kaas oo ah in qofka loo jiheeyo bog kale oo aan ahayn bogii saxa ahaa ee uu qofkaasi yaqaanay(sida hotmail.com, yahoo.com, ama gmail.com) laakiin u eeg kii uu qofku u socday. Marka uu qofku halkaas tago ee uu markaas macluumaadkiisa ku qorana waxa ay macluumaadkaasi si fudud ugu tagayaan qoladan tuugta ah ee bogaas faalsada ah samaysatay.

Sidaad isku ilaalin kartaa?

1)Hadii aad xisaabo ku leedahay shirkadahaas loo dhacay si dhakhso ah u badal muftaaxa e-mailkaaga (password).

2)Marka aad samaysanayso muftaax cusub dooro muftaaxa ay adagtahay in uu garto qof aan adiga ahayni. Muftaaxaagu ha ka koobanaado xarfo waaweyn, kuwo yaryar iyo numbaro isku jira. (Dadka laga xaday ciwaanadoodu waxa ay u badnaayeen dad isticmaalayay mufaatiix ay fududahay in la maleeyo sida 1234 amba I love iyo wixii la mida)

3)Sadexdii biloodba mar badal muftaaxa e-mailkaaga.

4)Ha u isticmaalin muftaax kaliya xisaabaha kala duwan (sida bangiga, iskuulka iyo e-mailka) ee aad ku leedhay aalada internedka.

5)Hadii laguu soo diro e-mail lagu leeyahay ciwaankan tag si aad u badasho muftaaxa bangigaaga ama e-mailkaaga ha yeelin, iska na tirtir fariintaas.

6)Cid aanad hubin cida ay tahay macluumaadkaaga shakhsiga ah ha u gudbin.

Hadii aad ku dhaqanto talooyinkaas kore waxa aan is leenahay waxa yaraanaya in ay tuugta internedku kuu soo dhacaan.

Siciid Cali Axmed

http://dacwada.blogspot.com/

Saturday, October 3, 2009

Khudabadii Sh.shariif (Somali)

Khudbadii wadaadka oo Soomaali ah halkan ka dhagayso...5 daqiiqo ee hore waa English waad is dhaafin kartaa....
Siciid Cali

Friday, September 11, 2009

Tobanka danbe ee Ramadaan : Fursad aan soo noqon doonin


Asxaabi la odhan jiray Abu-Hurayra ayaa maaalin isaga oo suuqa jooga waxa uu dadkii uu la kulmay ee aduunka ku mashquulsanaa u sheegay in dhaxalkiii nabiga (CSW) dadka muslimiinta ah loogu qaybinayo Masaajidka Nabiga (CSW). Qaar badan oo ka mida dadkii maqlayay hadalkani waxa ay markiiba u carareen xagii Masaajidka iyaga oo is leh ka gaadha dhaxalkaas la qaybinayo. Markiise ay gaadheen halkaas kuma aysan arag dhaxalkii la qaybinayay ee uu Abu-Hurayra u soo sheegay. Iyaga oo yaaban ayay ku soo noqdeen Abu Hurayra waxayna waydiiyeen waxa ku dhacay dhaxalkii Nabiga (CSW) ee uu u sheegay in Masaajidka lagu qaybinayo. Abu Hurayra waxa uu waydiiyay waxa ay soo arkeen. Waxay ay u shegeen in ay soo arkeen oo kaliya dad diin baranaya iyo qaar kale oo cibaadaysanaya. Isaga oo hadaba raba in uu cashar muhiim ah baro dadkaas ayaa waxa uu ku yidhi “ miyayadaan ogayn in Nabiyada laga dhaxo oo kaliya diin iyo celmi ee aanay ka tagin maal aduunyo oo laga dhaxlo. Dhacdadani waxa ay markhaati u tahay sida qofka bani’aadmiga ahi uu markasta ugu da-daalo arinkii uu ogyahay in uu nafci aduun ugu jiro. Ceebi kuma jirto in qofku uu ku dadaalo raadsiga aduunka laakiin waa in aanu aduunku noqon waxa kaliya ee uu qofku u noolyahay. Waa in la ogaadaa in ay jirto nolol kale oo tan aduunka ka danbayasa taas oo aan iyadu waligeed dhamaanayan. Hadaba nolashaas danbe iyadana waa in loogu dadaalaa si la mida ama ka badan sida loogu dadaalayo tan aduunka.

Kalimadahan kore waxa ay horudhac u yihiin ujeedada maqaalkan oo ah baraarujin aan rabno in aanu akhristayaasha maqaalkan ku baraarujino fursad qaaliya oo hadii laga faa’idaysto qofka ilaahay ku dhawaynaysa. Fursadaasi waa tobanka habayn ee ugu danbeeya bishan barakaysan ee Ramadaanta. Hadaba qiimo intee le’eg ayay leeyihiin tobankan habayn ? sidee baynuse uga faa’idaysan karnaa?


Toban Habyn oo khyr iyo barako leh


Tobankan habayn waxa qiimo ugu filan in uu ku jiro habankii uu bilaabmay soo degitaanka Quraanku. Habaynkaasi waa habaynka LAYLATUL-Qadriga. Waa habayn barakaysn oo ka khayrb badan kun bilood (83 sano). Waa habayn dad badan laga xoreeyo ciqaabta iyo cadaabta Alle. Waa habayn qofkii Alle dartii iyo ajar doon u istaaga uu Ilaahay danbigiisii hore dhaafo. Qiimaha ay hadaba habayandani leeyihiin dartood ayuu Nabi Maxamed (csw) uu dadaalkiisa habaynadan u laban laabi jiray. Waxa uu la iman jiray cibaadooyin iyo acmaal ka badan kuwa uu la iman jiray habaynadii ka horeeyay tobankan.

Fursadan sidee looga faa’idasytaa



Fursadan waxa looga faa’idaysan karaa in la sameeyo arimahan

1) Habaynkii oo cibaado lagu nooleeyo. Nabigu (csw) habaynadan waa uu noolayn jiray. Waxa uu ku noolayn jiray Quraan akhris badan, dikriga Alle, Salaad, duco iwm.

2) In reeraha la kiciyo si ay khayrkan uga qayb galaan. Nabigu (csw) habaynadan reekiisa waa uu toosin jiray si ay fursadan uga faa’idaystaan. Waxa aan is leeyahay dhaqankani waa dhaqan hadii la samayn lahaa uu Alle dhibaatooyin badan gudo iyo dibadba dadka Soomaalida uga faydi lahaa.

3) In qofkii awoodaa uu tobankan cisho masaajidka fadhiisto (ictikaafo). Sida ay Caa’isha soo warisay nabigu(csw) tobanka cisho ee Ramadaan ugu danbeeya waxa uu ku ictikaafi jiray Masaajidka. Dhaqankan kama tagin nabigu (csw) ilaa uu ka dhimanayay.

4) In lagu dadaalo raadinta habaynka Layltul-Qadriga. Laylatul Qadrigu waa habayn ka mida habaynadan tobanka ah. Habaynka uu yahay la iskuma raacsana ka uu yahay laakiin waxa ay u badan tahay in uu ku jiro habaynada kisiga ah ee tobankan habayn ka mid ah. Waxa ayna ugu sii badan tahay in uu yahay habaynka 27 aad. Fadliga habaynkan kor ayaan ku soo sheegnay. Sidaa darteed waa in aad loogu dadaalaa sidii loola kulmi lahaa.

5) In khilaafka iyo doodaha aan khayrka lahayn laga fogaado, isla markaasna hadii ay jiraan cidii uu khilaaf idinka dhaxeeyo waa in aad la heshiiso. Waxa la soo wariyaa in cibaadooyinka dadka is khilaafsan aan kor loo qaadin ilaa ay ka heshiinayaan, Sidaa darteed hadii ay jiraan dad uu khilaaf idinka dhaxeeyo ku dadaal in aad la heshiiso.

6) In sadaqada la badsado. Khaastana in la bixiyo Sakooyinka fidriga iyo ta maaalkaba. Xusuuso in ay jiraan dad sida aad u soontay u sooma laakiin aan malaainta ciida hasyan wax ay ku ciidaan. Isku day maalmahan in dadkaa aad caawiso.

Gabgabdii habaynadani waa habayno barako iyo khayr. Hadii uu sanadkan Alle fursadan ku gaadhsiiyo ma hubtid in ay mar kale ku soo mari doonto fursadni ee ka faa’idayso. Walaalo badan oo sanadkii hore waqtigan oo kale inala joogay, sanadkan inalama joogaan oo aakhiro ayay u socdaaleen. Inagana waxa laga yaabaa in aynaan sanadka soo socda Ramadanteeda tobanka ugu danbeeya aynu gaadhi wayno ee daqiiqad kasta oo daqiiqadaha tobanka cisho ah aynu ka wada faa’idaysano faa’idaysano.


Siciid Cali Axmed


Tuesday, August 25, 2009

Fariimaha FOTOS + TAARIIKH

Hadii aad isticmaasho aalada e-mailka waxa laga yaabaa in qof aad garanayso aad maalmihii ugu danbaysay ka heshay e-mail wata ciwanka FOTO + taariikh. E-mailkaa aad heshay waxa ku lifaaqan wax u eeg sawiro. Waxa laga yaabaa in aad isku dayday in sawirkaas uu saaxiibkaa kuu soo diray aad furto amaba aad furtay si aad u arakto sawrikaas . Nasiibdaro hadii aad sidaas yeeshay oo aad furtay sawirkaas waxa kobuyuutarkaaga galay cudurur (computer VIRUS)

Hadii uu qof isticmaalo computerkaa cudurka qaba oo uu e-mail (hotmail) ka diro amaba isticmaalo aalada lagu sheekaysto ee MSN'ka waxa ay sababaysaa in Dadka uu qofkaasi xidhiidhka la leeyahay oo dhan (buddy list) loo diro e-mailka ciwaanka kore leh ee viruska wata. Qofkaas loo diray isna hadii uu sii furo e-mailkaas cudurka ayuu sii faafinayaa.

Talaabooyinkan qaad hadii aad hesho e-mailkaas amaba aad furtay fariintaas:

1)Hadii aad hesho fariin wadata ciwaanka foto + Taariikh…ha furin fariintaas tir tir.

2)Hadii aad furtay fariintaas oo uu dabadeena virsku galay computerkaaga…isticmaal borograamada lagula dagaalama virsku combuyuutarka (ANTI VIRUS PROGRAM). Raadso nuskhadii ugu danbaysay.

Siciid

Friday, August 7, 2009

Caruurta iyo goobaha kulanka Internedka

Dhawaan waxa aan akhriyay warbixin dheer oo joornaalka la yidhaa Newyork times uu ka qoray dhaliinyaro Soomaaliyeed oo mudooyinkii danbe ay wararku sheegayeen in ay ka guureen wadanka Maraykanka kuna noqdeen Soomaaliya si ay uga ag dagaalamaan ururka Al-Shabaab. Qayb wayn oo ka mida wararka uu joornaalkani soo bandhigay ee ku saabsan xogta dhaliinyaradan waxa uu -joornaalku- ka soo ururiyayay goobaha kulanka (Social network sites) ee ay dhaliinyaradaasi ku lahaayeen aalada internedka. Warbixinta joornaalkan waxa ku cad in shabakadahaasi ay ka mid ahaayeen shabakadaha fududeeyay xidhiidhka dhaliinyardan iyo ururka Al-shabaab. Sidoo kale waxa warbixintan ku cad in ay goobahaasi ahaayeen meelaha dhaliinyaradaas ku noqotay Soomaaliya ay kula soo xidhiidhi jireen asxaabtoodii ay kaga tageen qurbaha. Hadaba maxay yihiin goobahan kulanka internedku? Intee ayay faa’idadooda le’egtahay? Sidaas oo kale Khatartooduse intay le’egtahay?. Maqaalkan waxa aan kaga jawaabi doonaa su’aalahaas. Sidoo kale maqaalkan waxa aan ku soo gudbin doonaa talooyin muhiim ah oo ku saabsan goobahan kuwaas oo aan rajaynayno in ay waalidka Soomaaliyeed ka faa’idaysan doonaan.

Maxay yihiin goobaha Kulanka internedku

Goobaha kulanka ee internedku waa meelo ay dadku isku bartaan, ku sheekaystaan isla markaana ay macluumaadka ku saabsan noloshooda isku dhaafsadaan. Waa goobo isticmaalkoodu uu mudooyinkan danbe aad u sii badanyo. Tusaale ahaan shabakada la yidhaa Facebook waxa ka diwaan gashan in ka badan 250 million xisaabood (account). Sidoo kale shabakada la yidhaa Myspace waxa iyana ka diwaan gashan 263 million[1] xisaabood. Ubadka yaryar iyo dhaliinyarada soo koraysa ayaa ugu badan dadka isticmaala goobahan. Afti aan ka qaadanay caruur Soomaaliyeed oo da’doodu u dhaxayso 10-14 waxa ka soo baxay in 70% caruurtaasi ay isticmaalaan qaar ka mida goobahan. Facebook, Twitter, Myspace iyo Window Live ayaa ka mida goobaha kulanka ee internedka.

Faa’idooyinka Iyo Khatarta goobahan

Faa’idooyinka goobahan waxaa ka mida in ay xoojiyaan xidhiidhka uu qofku la leeyahay saaxiibadiis iyo qaraabadiisa. Sidoo kale waxa ay fududeeyeen is dhaafsiga macluumaadka. Waxa kale oo ay door ka qaataan in ay si fudud ugu xidhiidhaan dad badan oo ay hiwaayadi ka dhaxayso kuwaas oo aduunka kaga kala nool meelo kala duwan. Faa’idooyinkaas oo dhan waxa uu qofku helayaa isaga oo aan aqalkiisa dhaafin. Waxa uu qofku u baahanyahay oo kaliya waa Kombuyuutar ku xidhan aalada internedka.

Faai’idooyinkaas ka sakow waxa jirta in ay goobahani iyana khatartooda leeyihiin, khaastana ubadka soo koraya. Meelahani, waa meelo ay ka ugaadhsadaan dhamaanba inta xumaanta rabtaa. Kuwa ciyaalka faraxumeeya, kuwa daroogada iibiya, kuwa jidhkooda ka baayacmushtara, gangska iyo dhamaanba kuwa la midka ahi waa meelo ay ka ugaadhsadaan. Hadii uu qofku shabakadahan ku qoro macluumaadkiisa dhabta ah(sida magaciisa, ciwaankiisa, da’adiisa,telfoonkiisa) waxa ay mararka qaarkood sabab u noqon kartaa in tuugta interdenku ay macluumaadkaas u sticmaalaan si aan sax ahayn taas oo saamayn wayn ku yeelata nolasha qofkii macluumaadkaas iska lahaa.

Goobahani waxa kale oo ay noqdeen meelo dad badan oo aan fahan durugsan u lahayn diinta islaamku ay kula xidhiidhaan dadka aan cilmiga baalaadhan u lahayn diintooda, khaasatana da’yarta soo koraysa. Arinkani waxa ay khatrtiisu sii xoogsanaysaa waqtigan lagu jiro oo dhaliinyarada Soomaaliyeed ay hadafka u noqdeen ururadaas.

Talooyin

Khatartaas aan soo sheegay darteed waa in shabakadahan si taxader ku jiro loo isticmaalo. Waalidka Soomaaliyeed waxa aan u soo jeedinaynaa talooyinkan hoose oo hadii la qaato aan is leenahay waxa ay yaryn kartaa khatarta ka iman karta shabakadahan :

1) Waalidku waa in uu Kordhiyo macluumaadkiisa ku saabsan goobahan kulanka interendka. Hadii uu waalidku jaahil ka yahay khatarta ay leeyihiin goobahanina way adakaan in uu ubadkiisa uga digo dhibta uga iman karta shabakadahan.

2) Caruurta ay dadoodi ka yartahay 13’ka sharcigu uma ogola in ay xubin ka noqodaan goobahan. Laakiin ciyaalku da’adooda been ayay ka sheegaan taas oo keenta in aad aragto ilmo 9 sano jira oo si uu goobahan uga mid noqdo sheeganaya da aad uga wayn da’diisa. Sidaa darteed waa in uu waalidku u sheego ciyaalkiisa in aanay shabakadahan ka mid noqonin hadii aanu sharcigu u ogolayn. Marka uu sharcigu u ogolyahayna waa in aanu ilmuhu da’adiisa been ka sheegin si aanay xidhiidh ula soo samaynin dad aad uga waawayni.

3) Goobahani waa goobo cid kasta u furan sidaa darteed waa in waalidku uu ubadkiisa ku adkeeyaa in aanay macluumaadka khaaska ah sida ciwaankooda, iskuulkooda, tilifoonadooda iwm aanay ku soo dhajin meelahaas.

4) Sawirada meelahaas lagu dhajiyo waxa dhici karta in ay ku dhacaan gacan aan aamin ahayn. Sidaa darteed waalidku waa in uu caruurtiisa ku baraarujiyo in aanay shabakadahan ku dhajin sawiro hadii si xun loo isticmaalo ay hadhow iska qoomamayn doonaan. Si khaas ah waa in arinkan gabdhaha loogu baraarujiyo.

5) Waalidku waa in uu ubadkiisa ku baraarujiyo in aanay shabakadan kula saaxiibin cid aanay iska hubin cida ay yihiin. Internedka waxa ku badan dadka beenta naftooda ka sheega. Qof kasta oo aad kula kulanto netka lama qaato warka uu kuu sheego. Dadbadan oo aaladan lagu bartaa marar badan ma aha cida ay kuu sheegayaan in ay yihiin.

6) Waa in uu waalidku ka warhayaa dadka ay ubadkiisu aaladan kula saaxiibayaan.

Gabagabda maqaalkan, ma soo jeedinayno in caruurta laga mamnuuco goobahan, laakiin waxa aan soo jeedinaynaa in ubadka lala socdo qaabka ay u isticmaalayaan goloyaashan. Sidoo kale waxa aan soo jeedinaynaa in aanu waalidku marna ogolaan in caruurta ay da’doodu ka yartahay 13 ay xubno ka noqdaan golayaashan. Hadii ay hore uga noqdeena waa in uu xisaabtooda ka tirtiraa goloyaashan.

Siciid Cali Axmed
maqaalo.siciid.cali@gmail.com

[1] http://en.wikipedia.org/wiki/List_of_social_networking_websites