Saturday, November 8, 2008

Guusha Mr.Obama casharo ayaa ku jira

Guul lagu farxo

Bilowgii Islaamka, waqtigii ay Muslimiintu ku noolaayeen magaalada Maka ayaa dagaal wayni waxa uu ka dhex dhacay labadii dawladood ee waqtigaas aduunka ugu xooga waynaa. Dawladi waxa ay ahayd dawladii Romaanka taas oo aaminsayad diinta Kirishtanka, ta kalena waxa ay ahayd Dawladii Furuska oo ay dadkeedu dabka caabudi jireen. Dagaalkan waxa ku adkaaday qolooyinkii dabka caabudi jiray ee Furuska. Markii ay hadaba guushan Furusku soo gaadhay magaalada Maka, qolooyinkii dhagaxa caabudi jiray ee Maka ku noolaa aad iyo aad ayay ugu farxeen warkan halka ay Muslimiintii Maki ay warkan ka naxeen. Sababta ay Muslimiintu uga naxeen jabka Romaanka, dhagax caabudayaashuna ay ugu farxeen guusha Furusku waxa ay ahayd iyada oo qolo kastaba ay aaminsanyd in labadaas qolo midkood ay isu dhaw yihiin. Muslimiintu waxa ay aaminsanayeen in qolooyinka Ahlul Kitaabka ah ee Romanka ay isu dhawyihiin, halka qolooyinka dhagaxa caabudaana ay aaminsanaayeen in dab caabudayaasha Furuska ay isku dhawyihiin. Quraan ayaa barigaas soo degay kaas oo sii sheegaya in dagaal kale uu dhex mari doono Furuska iyo Roomaanka guushuna ay raaci doonto Romanka, maalintaasna ay Muslimiintu farxi doonaan. Dhacdadani waxa ay daliil u tahay in qofka Muslilmka ahi uu markasta noqdo mid la socda dhacdooyinka hareerihiisa ka dhacaya isla markaana uu la fal galo dhacdooyinkaas. Qolooyinkayaga ku nool Galbeedka ee ay Mr.Obama wadaagaan dhibaatooyinka ay kala kulmaan mujtamacaadka Galbeedkana guushan ninkan odayga ahi waa mid aanu ku farxnay. Taageeradaas iyo farxadaasi se waxa ay uun sii socon kartaa waa hadii uu Mr.Obama wax ka badalo siyaasadahii dulmiga ku dhisnaa ee Mr.BUSH, hadii kale se wuxa uu noqon nin lagu hungoobo sidii INA BUSHba loogu hungoobay.

Danta umada waa in wax kasta laga hor mariyaa

Horumarka siyaasadeed ee Mujtamacaadka reer Galbeedka ayaa waxa ka mid ah in markii/hadii ay arkaan in wadankoodu uu dariiq khaldan ku socdo ay isku meel ka istaagaan badbaadada wadankooda iyaga oo ka koraya waxyaabaha yar yar ee qaybiya. Doorashadan uu Mr.Obama ku guulaystayna waxa ay markhaati ka tahay arinkan. Mr.Obama waa nin madow.Duruufta caadiga ah way adag tahay in qofka cadi uu qof madow doorto khaasatan marka ka la tartamaya qofkaas madowi uu yahay qof cad. Laakiin dad badan oo Marykanka ahi markii ay codaynayeen nuqdadan midabka xisaabta kuma ay darsan. Sababta ay cadaan badani u doorteen Mr.Obama oo ah nin madow waxa ay ahayd in markii ay is barbar dhigeen labada musharax ay arkeen in uu isagu (Obama) yahay ka waqtigan Maraykanka ka badbaadin kara dariiqa qaldan ee uu ku sii socdo. Dadka Maraykanka ah ee ka qaybgalay doorashadan 67% markii ay codaynayeen arinka ugu wayn ee ay maskaxdooda ka guuxayay waxa uu ahaa hoosu dhaca dhaqaale ee wadankooda ku dhacay. Afti laga qaaday dadka Marykanka waxa ay 81% sheegeen in wadankoodu uu dariiq qaldan ku socdo, badbaadana u baahanyahay.Xukunka ay rideena waxa uu noqday in ay doortaan Mr.Obama oo laga yaabi lahaa hadii ay xaaladu caadi ahaan lahayd in aanay dooran lahayn. In badan oo Soomaalida ahi waa ay u riyaaqeen doorashada Mr.Obama laakiin su’aashu waxa ay tahay ma ka faa’idaysan doonaan darsigan ay doorashada Mr.Obama xambaarsan. Marka ay dooranayaan cida hogaaminaysa ma waxa ay eegi doonaan haybta qofka ay dooranayaan mise waxa ay eegi doonaan in qofkaasi uu umada badbaadin karo. Nin gobolka Ohio degan oo cadaan ah ayaa waxa ay wargaysyadu ka soo wariyeen in uu yidhi “waligay kuma fakirin in aan nin madow u codeeyo…dhaqaalaha xumaadayse waxa uu igu dhaliyay in aan ku fakaro in aan u foodo nin madow…markii la sii waydiiyay cida uu iminka u codaynayo ayaa inta uu aamusay waxa uu yidhi Mr.Obama”. Waa ay ku cuslayd in uu sidaas yeelo laakiin ugu yaraan waxa uu dareemay hadii uu ninka kale u codeeyo in aanu wadankiisu mushkiladaha haysta ka baxayn. Maslaxada wadankiisa ayuuna ka hor mariyay wixii uu aaminsanaa. Waa rajadayda in Soomaalida ku faraxsan guusha Mr.Obama ay sida ninkan oo kale u fakaraan.

Midabku horumar kaama horjoogsanayo

Madowga ku nool Maraykanku in kasta oo uu dustuurku u ogol yahay in ay madaxwayne ka noqon karaan Maraykanka hadana marna kuma riyoonin in waqtiyadan dhaw dhaw ay ku fadhiisan karaan kursiga ugu sareeyay ee wadankaas. Waqtiguu uu Mr.Obama doorashada xisbigiisa kula tartamayay Mrs. Clinton, hogaamiyayaasha madowga intooda badani waxa ay la safteen Mrs.Clinton sababtuna waxa ay ahayd in aanay marna filayn in nin madowi uu meeshaas sare dhakhso u gaadhi karo. Mr.Obama waxa uu xaqiijiyay in uu arinkaasi hirgali kari hadii qofka madowi uu dadaalo, fikrad dheer yeesho, uuna la yimaado khidadii uu meesha dheer ku gaadhi lahaana. Caruurta madowga ah ee ku nool wadamadan qurbaha doorashadiisani waxa ay ku dhalinaysaa in ay sidiisa oo kale wax qabsadaan kuna fakaraan sidii ay mujtamacyadan ay reerahoodu u soo qaxeen wax uga qabsan lahaayeen. Obama ka hor waxa ay aaminsanaayeen in midabkoodu uu waxa badan ka hor joogo (waana dhab) laakiin iminka waxa laga yaabaa in qaar badan ay doorshadni ku dhaliso in ay ku fakaraan in ay meel dheer gaadhi karaan hadii ay dadaalaan. Dhaliinyarada Soomaalida ee qurbaha ku nool waxa aan rajayn in doorashadani baraarujiso.



Siciid Cali Axmed

Said.ali.ahmed@gmail.com

Thursday, July 24, 2008

Qaybsanka isbahaysiga Asmara Iyo saamaynta uu ku yeelan karo shirka Jabuuti

Waraysi uu Prof. Ibrahim Cadow -oo u hadlayay ururka midowga maxkamaduhu- bixiyay taariikhdu markay ahayd 18/07/2008 ayuu ku sheegay in khilaafadkii u dhaxeeyay xubnaha sarsare ee maxkamadaha ee ku saabsanaa heshiiskii Jabuuti la xaliyay. Laakiin, maalintaas maalintii ku xigtayba waxa muuqatay in aanu heshiiskaasi lugo ku taagnayn. Koooxdii isbahysiga ee ay xaruuntoodu ahayd Jabuuti waxa ay halkaas ka fureen shirkoodii golaha dhaxe kaas oo ay ku ansixiyeen heshiiskii Jabuuti. Sidoo kale qaybtii Isbahaysiga ee ay Asmari xaruunta u ahayd iyaguna waxa ay halkaas ka fureen shirkoodii golaha dhexe. Tariikhdu markay ahayd 22/07/2008 ayaana shirkaas lagu go’aamiyay in la casilay madaxdii isbahaysiga, isla markaana Asmara lagu doortay madax cusub oo Isbahaysigan hogaamisa. Dhacdooyinkani waxa ay markhaati u yihiin in uu burburay isbahysigii Asmara. Hadaba waa muhiim In la is waydiiyo maxaa sababay burburka Isbahysiga Asmara? Sidoo kale, iyana waa in la is waydiiyaa raadadka uu burburkani ku yeelan karo heshiiska Jabuuti? Jawaabaha su’aalahaas ayaan hadii Alle yidhaahdo ku eegi doonaa maqaalkan.

Qaybasanaanta Fikirka wadaada Isbahaysiga

Ururkii maxaakiimta waxa ku midoobay wadaado uu fikirkooda siyaasiga ahi kala duwanaa. Qolo ka mida qolooyinkii ku midoobay Maxkamaduhu (Al-shabaab) bilowgiiba waa ay diideen in ay ka qaybgalaan dhismaha isbahaysiga Asmara iyaga oo diidmadooda sabab uga dhigay in aanay waxba la wadaagayn dad aan aaminsanayn in xalku uu yahay diinta Islaamka - ama sida ay u dhigeen dad cilmaamiyiin ah. Wadaadadii ka qaybgalay dhismaha Isbahaysigan laftigoodu isku si umay wada fakirayn oo waxa ay kala matalayeen fikiro kala duwan. Fikiradahaasina waxa ay saamayn ku yeesheen aragtiyaha siyaasiga ah ee culimadaas. Intii ka horaysay shirkii Jabuuti lama dareemayn inta uu le’gyahay khilaafka fikirka siyaasiga ah ee wadaada isbahysiga ku jiraa, laakiin wixii ka danbeeyay shirkaas waxa soo if baxay in uu jiro khilaaf wayn oo fikriya oo u dhaxeeya wadaada xubnaha ka ahaa isbhaysigan. Arimaha ugu waaweyn ee ay isku khilaafsan yihiin waxa ugu wayn: qaabka loo saarayo ciidanka Itoobiyaanka, doorka qaramada midoobay ee xalka dhibaatada Soomaalida, wadahadalada lala galayo dawlada ku meel gaadhka ah iyo sharciyadeeda, doorka ay mustaqbalka wadaadadu ku yeelanayaan nidaamka siyaasiga ah ee Soomaalida. Hadii aad akhrido fatwooyinka iyo mawaaqifta wadaada ku jira Isbahaysiga Asmarana waxa cad in arimahaas ay wadaadadu aad ugu kala tagsan yihiin. Shirkii Yamen ujeedada laga laga lahaa waxay ahayd in arimahaas lagu xaliyo ama ugu yaraan aragtiyaha la isu soo dhaweeyo. Ma muuqato in arinkaas lagu guulaystay iyo in ay qolana ka tanaasushay fikirkeedii. Tanina waxa ay ASAAS u tahay qaybsanka ku dhacay isbahaysigii Asmara.

Dumuuxaadka Siyaasiyiinta Asmara

In badan oo ka mida xubnaha Isbahaysiga Asmari waa siyaasiyiin leh hami siyaasadeed. Qaar ka mida siyaasiyiintani waxa ay u arkeen shirkii Jabuuti mid carqalad ku noqon kara hamigooda siyaasadeed. Tani waxa ay keentay in ay aad u mucaaradaan heshiiskan iyo intii ka qaybgashay ee ka midka ahayd isbahaysigooda. Qolooyinkan, khilaafadka Ibahaysiga ee (ka dhashay ka qayb galka iyo go’aamadii) shirkii Jabuuti waxa ay u noqdeen fursad ay ku gaadhi karaan hamigoodaa siyaasadeed. Iyaga oo hadaba ka faa’idaysanaya daldaloolada go’aamadii shirkii Jabuuti ayay sii balaadhiyeen is afgarnwaagii u dhaxeeyay xubnaha isbahaysiga ee ku saabsanaa shirka Jabuuti kaas oo hadii si degan looga wada hadli lahaa xal macquul ah laga gaadhi kari lahaa. Sidoo kale qolooyinkii ka qaybgalay shirka Jabuuti ee isbahysiga ka tirsanaa qaabka ay u maamuleen ka qaybgalkooda shirkaasi waxa uu isna door ka ciyaaray khilaafka isbahaysiga.

Danaha Shisheeye

Soomaaliya Soomaali kaliyi kuma hirdamayso. Siraaca Soomaliya ka jirana waxa ku jira quwado badan oo aan Soomaali ahayn. Quwadahaas qaarkood dantoodu kuma jirto in ay ay Soomaalidu heshiis iyo nabad helaan, waxaanay markasta isku dayaan in ay hogaanka Soomaalida ka fogeeyaan kuwa ay iyagu markaas u arkayaan in aanay dantooda matalayn. Qawadahan qaarkood midnimada iyo wadashqaynta Isbahaysiga Asmara waxa ay u arkeen in ay khatar ku noqon karto dantooda khaasatan hadii hashiis ay ku midaysan yihiin la galaan dawalda ku meelgaadhka ah. Gacan ajnabi ahi kama maqana khilaafaadkan qaybiyay isbahaysiga Asmara.

Saamaynta Burburka Isbahysiga ee Shirka Jabuuti

Isbahaysigu waxa uu ka kooban yahay qayb dibada joogta oo siyaasiyiin ah iyo qayb qori sidata oo gudaha ka dagaalamaysa. Heshiiska Jabuuti mustaqbalkiisu waxa uu ku xidhanaa doonaan mawaaqifta qolooyinka gudaha ka dagaalamaya. Kala Jabka siyaasiyiinta Asmara ee dibada joogtaa saamayn wayn kuma yeelan doono heshiiska Jabuuti hadii ay qolooyinka gudaha ka daagaalamayaa taageeraan heshiiskan isla markaana uu heshiiskaasi dhaliyo in Xabashidu ay ka baxdo Soomaaliya. Hadiise qolooyinka guduhu ay diidaan heshiiskan Jabuuti amaba hadii uu heshiiskani natiijo dhakhsa ah dhalin waayo, taasi waxay ay noqon doontaa dhamaadkii heshiiskaas waxaana Soomaalida u furmi doona safxad kale oo aan la saadaalin karin sida ay u eekaan doonto. Wuxuun baase la hubaa in dagaalku uu sii socon doono iyo in wareerka (tiiha) siyaasadeed ee Soomaalidu uu sidiisa ahaan doono.

Gabagabo

Midnimada Isbahaysiga iyo in ay isbahaysigu si waaqiciya ku waajahaan siyaasada Soomaalida ee sabaynaysa waxa ku jirta danta Soomaalida. Isbahsyigan dad badan ayaa taageeray iyaga oo u arkayay in uu qayb ka noqon karo xalka mushkilada Soomaalida. Doorkaasna ma ciyaari karo isbahaysigu hadii aanay hogaamiyayaashoodu aragti dheer u yeelan waaqica muragsan ee Soomaalida isla markaasna ayna joojin isjiid jiidka dhexdooda. Shirka Jabuuti waxa uu ahaa shax siyaasadeed oo la doonayay in ay isbahaysigu is wada jir ah u ciyaaraan. Way ku fashilmeen taas laakiin waxa ay wali haystaan fursad waase hadii ay ka faa’idaystaan fursadaas dareemaan culayska iyo masuulyada saaran. Isbahaysigu waa in ay mushkiladaha daakhilkooda dhakhso u xaliyaan. Taasi waa rajada in badan oo danaynaysa xalka mushkilada Soomaalida. Taariikhdu ma ilaawi doonto hogaanka isbahaysiga hadii ay sidaa yeeli waayaan.

Siciid Cali Axmed
Said.ali.ahmed@gmail.com




Friday, June 13, 2008

Heshiiska Jabuuti Istaratiijiyo Mudan In la taageero

Inkasta oo ay dhici karto in heshiiskii lagu galay Jabuuti uu u fashilmo carqaladaha horyaala darteed(Halkan ka akhri maqaal aan kaga hadlayo carqaladaha horyaala shirkan) hadana Islaamiyiintu khaasatan kuwooda fikirka dhexdhexaadka aaminsani waa in ay taageeraan shirkan sababahan soo socda darteed.

1) Waxa uu heshiiskani cadeeyay in wadaada Soomalidu ay shaxda siyaasada ciyaari karaan iyada oo aanay ka tanaasulin mabaadiida asaasiga ah ee ay aaminsan yihiin.

2) Waa heshiis istaraatiijiya oo natiijadoodiisu ay laba mid uun noqon karto, labadaas natiijo tii ay noqotana waa guul ay gaadheen wadaniyiinta iyo Islaamiyiinta Soomaalidu. Labdaas natiijo waxa ay yihiin:

a) In Soomaaliya la keeno ciidamo badala kuwa Itoobiyaanka sidaasna ay Xabashidu dhulka Soomaalida uga baxdo.

b)In ciidamdaas la keeni waayo dagaalkuna uu socdo ilaa inta ay Itoobiyaanku ka baxayaan. Taas oo hadii ay dhacdo eeda dusha ka saaraysa Caalamka iyo Itoobiyaanka…halkii hadii ay wadaadu diidaan heshiiskan eeda dusha looga tuuri lahaa iyaga (wadaadada) iyo inta fikirka wadanimada iyo Islaanimada la aaminsan.

3)Waxa uu sharciyad siiyay xoogaga la dagaalamaya ciidanka Itoobiyaanka waxaanu qadiyadooda ka dhigay qadiyad wadaniyeed…halkii markii hore lagu shaanbadeyyay in ay argagixiso yihiin.

4)Dhaqangalka heshiiskani waa dariiqa ugu dhaw ee ay xabashida wadanka looga saari karo waana dariiqa ugu dhaw ee ay wadaadu xubin firfircoon uga noqon karaan siyaasda Soomaalida.

Gunaanadkii, heshiiskan marka aan si xeeldheer u akhrido wax badan oo ay Islaamiyiinta ka qaybgashay shirkani ka tanaasuleen ma jirto. Way dhici kartaa (waanay u badan tahay) in shirkani uu fashilmo. Laakiin si kasta oo uu shirkani ku danbeeyaba qolooyinka shirka ka qayb galay ee Islaamiyiinta ahi waxa uu u yahay guul siyaasadeed.

Siciid Cali

Tuesday, June 10, 2008

Caqabadaha Fashilin Kara Shirka Jabuuti


Wadanka Jabuuti waxa shalay(09-06-2008) lagu kala saxeexday heshiis dhexmaray Dawlada ku meel gaadhka ee Soomaliya iyo garab ka socday isbahaysiga dibu xoraynta Soomaliya. Heshiiskaas oo ka kooban 11 nuqdo waxa uu nuxurkiisu ahaa in dhamaanba dhulka Soomaalida xabad joojin laga sameeyo, in ciidamada Itoobiya ay mudo 120 maalmood aha Soomaaliya kaga baxaan iyo in Soomaaliya la keeno ciidamo ka socda qaramada midoobay kuwaas oo badala ciidamada Itoobiyaanka. Soomaalida in badan ayaa heshiiskan u riyaaqday, raja badana ka muuujiyay. In badan oo kalena waxa ay shaki wayn ka muujiyeen in uu heshiiskani xaqiijin doono ujeedooyinkiisa.
Aragtidayda rajo wayn ayuu heshiiskani xambaarsan yahay, sidoo kalena nuqdooyinka heshiiskan qaarkood waxa ay sabab u noqon karaan burbur degdeg ah oo ku yimaada heshiiskan. Caqabda badan ayaa runtii horyaala in uu heshiiskani hir galo. Maqaalkan waxa aan ku eegi doonaa caqabadaha ugu waawayn ee fashilin kara heshiiskan- kuwaas oo hadii xal loo helo ka dhigi doona heshiiskan mid gala taariikhda.

Caqabada kowaad : Qaybsanka reer Asmara

Sida lawada ogyahyaba Isbahysiga Asmara shirkan iyo natiijadiisaba waa ay ku kala jabeen. Qayb ka mida isbahaysigani waxayba aaminsanyihiin in heshiiskani uu yahay khiyaamo halgankooda lagu dhaawacayo. Waxa ay ku doodayaan garabkani in qolada Isbahaysiga ee heshiiskan saxeexday aanay matalin Isbahaysigooda iyo in ay yihiin shakhsiyaad khilaafay nidaamkii iyo dustuurkii Isbahysiga. Ilaa waqtigan aan qorayo maqaalkan ma cada mawqifka ay qaadan doonaan kooxda isbahaysiga ka tirsan ee gudaha ka dagaalamaysa iyo garbka ay la safan doonaan. Hadii hadaba ay dhacdo in qolooyinka dagaalka ku jira ee gudaha joogaa ay diidaan heshiiskan amaba ay iyaguna ay ku qaybsamaan natiijada shirkan -hadii ay sidaasi dhacdo- waa ay adkaanaysaa in go’aamada shirkani ay hirgalaan.

Caqabada labaad : Bixitaanka Itoobiyaanka

Ciidamada Itoobiyaanka ee jooga gudaha Soomaaliya waa asaaska kowaad ee khilaafka u dhaxeeya dawlada ku meel gaadhka ah iyo reer Asmara. Nuqdooyinka 11’ka ah ee lagu heshiiyayna nuqdada ka hadlaysa bixitaanka Xabashidu waa nuqdada ugu madmadowga badan. Waxa aad moodaa in qoritaankeeda tanaasul badan laga sameeyay. Inkasta oo dhinaca Isbahaysiga ee saxeexay shirkani ay ku doodayaan in nuqdadani ay 120 maamlmood ka dib ay khasab ka dhigayso in ay Xabashidu ay Soomaaliya ka baxdo, hadana hadii si qoto dheer loo akhriyo nuqdadan waxa muuqata in 120 cisho ay ku xidhan yihiin shuroodo kale oo ah in ciidamo UN’ta ka socda oo ku filan aminga Soomaaliya la keeno Soomaaliya. Hadii 120’ka cisho ka dib ciidankaas la waayo maxaa dhacaya? Kama jawaabayo shirkani nuqdadaas. Hadii caalamku ay xaqiijin waayaan arinkan, Itooobiyaankuna ay 120’ka cisho ka dib sii joogaan Soomaaliya- hadii ay sidaasi dhacdo- waxa lagu noqon meeshii la joogay shirka Jabuuti ka hor.

Caqabada Sadexaad : Itoobiyaanka Ciidanka Badali

Nuqdada ah in ciidamo badala ciidamada Itoobiya la helo ma aha mid cusub. In mudo ahaba TFG’da iyo Xabashidu waxa ay ku doodayeen in ciidanka Itoobiyaanku uu Soomaaliya ka bixi doono hadii/markii la helo ciidamo badala oo sugi kara nabadgalyada Soomaaliya. Ilaa iminka taas laguma guulaysan, ma muuqato rajo laga qabo in ciidamadaas la keenayo, sidoo kalena ma muuqato in ay aduunku diyaar u yihiin in ay waqtigan Soomaaliya keenaan ciidan. Dadka qaar ayaa ku doodaya in markan uu caalamku diyaar u yahay in uu wax ka qabto mushkilada Soomaaliya iyagoo tusaale ka dhiganaya in ay shirkan saxeexeen goobjoogayaal ka tirsan wadamada caalamka waqtigan ugu tunka wayn. Ma filayo in saxeexa Maraykanku ay goobjoognimada ku saxeexeen uu la micno yahay in ay ciidankooda keeni amaba ay wadamada kale cidhiidhi ku saari doonaan in ay ciidamo keenaan. Saxeexa dawladihii saxeexay shirkani waxa uu ahaa baratakool diblamaasiyadeed, intaas ma dhaafsiisnayan. Sidaa darteed waa in ay caalmku si dhakhsa ah u cadayaan cida ay yihiin ciidamada badalaya Xabashidu iyo waqtiga la keenayo ciidamadaasba. Hadii kale saxiixoodu micno ma yeelanayo, go’aamada ay saxeexeena waxba ma soo kordhinayaan.

Gabagabo

Caqabadahaas sadexda ah ayaa ugu waawayn caqabadaha fashilin kara heshiiskan. Gabagabadii, heshiiskani waa heshiis natiijo dhalin kara waa hadii ay xabashidu diyaar u tahay in ay Soomaaliya ka baxdo, Soomaalidu diyaar u yihiin in ay heshiis dhab ah gaadhaan, caalamkuna ay diyaar u yihiin in Soomaalida ay ku caawiyaan heshiisiin dhexdooda ah iyo saarida ciidamada Itoobiyaanka ah. Hadii kale heshiiskani kama duwanaan doono kuwii hore qalinka loogu duugay ee ay taariikhdu ilowday.

Mahadsanidin

said.ali.ahmed@gmail.com


Wednesday, September 19, 2007

Xalku waa Heshiis Dhexmara Kooxda Asmara Iyo Kooxda Muqdisho

Burburkii nidaamkii maxkamadaha ee Koonfurta Soomaaliya iyo soo galitaankii ciidamada Itoobiyaanka ee Magaalada Muqdisho waxa ay fogeeyeen xal u helida mushkiladaha Siyaasadeed ee Soomaalida. Waaqican cusubi waxa uu Soomaalida u qaybiyay laba kooxood oo ay mid kastaba aaminsatahay in uu dariiqeedu yahay ka kaliya ee uu xal ku iman karo. Labadan qolo (dawlada kumeel gaadhka ah iyo “kooxda Asmara”) ayaa mid kastaba waxa ay aaminsatahay in aan XAL waara la gaadhayn hadii aan iyada lagu daba safan. Waxa iska cad in waxgardka Soomaalidu ay ilaa iminka soo bandhigi kari la’ayihiin xalal waaqiciya oo lagu furdaamin karo mushkiladaha siyaasadeed ee Soomaalida. Hadii la rabo in dhibta taagan laga baxo waa in la helaa xalal waaqiciya, kuwaas oo ka imanaya gudaha Soomalida, kuna dhisan isu soo dhowaansho iyo is calool xaarasho bilow u noqon kara soo afjarida dhibaatada siyaasadeed ee Soomaalida. Anigoo hadaba ka duulaya arimahaas ayaa waxa aan maqaalkan ku faalayn doonaa aragtiyaha ay labadan kooxood kala qabaan, isla markaana waxa aan soo bandhigi doonaa aragti aan is leeyahay waxa ay isu soo dhawayn kartaa labada dhinac ee isku haya masraxa siyaasada Soomaalida.

Dowlada Ku Meel Gaadhka Iyo Taageerayaashooda

Dawlada ku meelgaadhka ah (DFK) iyo taageerayaasheeedu waxa ay aaminsayihiin in uu xalku yahay taaba galka dawalada ku meel gaadhka ah. Waxa ay ku doodayaan in ay dawladu ku timid doonitaanka shacbiga, sidaasna ay tahay in lugu aqbalo. Waxa kale oo ay kooxdani ku doodayaan in ay maxkamaduhu khatar ku ahaayeen jiritaankooda, sidoo kalene ay(maxkamaduhu) doonayeen in ay dagaal ku soo qaadaan isla markaana qabsadaan fadhiisimadooda. Maadaama bay leeyihiin aanay dawladu haysan awood ay iskaga caabiyaan ‘gardarada Maxkamadaha’ waxa daruuri ahayd in ay helaan cid leh awood iyo quwad ay iskaga celin karaan Maxkamadaha. Aragtidooda cida kaliya ee diyaarka u ahayd in ay taageero u fidiso dawladu waxa ay ahayd Itoobiyaanka. Sidaa daraadeed qoladani daruuro ayay u arkaan soo galitaanka Xabashida ee Soomaaliya. Uma arkaan Xabashida cadow dhulkoodii qabsaday. Waxa ay u arkaan saaxiib caawinaya. Sidoo kale qoladani ma arkaan in ay Xabshidu Soomaaliya ka baxdo ilaa iyo nabadgalyo buuxda laga helayo amaba la helayo ciidan kale oo badala ciidanka Itoobiyanka. Si guud qoladani waxa ay doodoodu tahay “hadii la rabo in dhibta Soomaalida la soo afjaro” ha la taageero dawlada ku meel gaadhka ah.

Kooxda Asmara Iyo Taageerayaashooda

Qoladani waxa ay aaminsan yihiin in wadanka ay Itoobiyaan ku soo duuleen, Soomaaliduna ay waqtigan gumaysi (Xabashida) hoos galeen. Itoobiyaanka waxa u fududeeyay qabsashada Soomaaliya (sida ay ku doodayaan) dawlada ku meel gaadhka ah (DFK). Sidaa daraadeed waxay aaminsan yihiin in DFK ay tahay aalad ay Xabashidu ku shaqaysanayso oo lumisay sharciyadeedii. Qoladan waa isugu mid Itoobiyaanka iyo DFK. Jenaraal Xabashiyi in uu Soomaaliya maamulo ayay ku qanacsan yihiin. Dawlada (DFK) waxa ay arkaan in ay maqaar saar u tahay Itoobiyaanka. Sida kaliya ee Xabashida wadanka looga saari karaa waxa weeye ayay leeyihiin dagaal iyo iska caabin. Sidoo kale waxa ay aaminsan yihiin in ay daruuri tahay in la helo hogaan cusub oo ka shaqeeya dib u xoraynta wadanka, isla markaana badala dawlada ku meelgaadhka ah. Wada hadal Soomaalida dhex mara waxa ay shardi uga dhigayaan in marka hore ay Itoobiyaanku ka baxaan wadanka. Ilaa inta taa laga helayona waxa ay aaminsan yihiin in wadada kaliya ee u furani ay tahay in muqaawamada la wado.

Xalku waa wada Hadal

Mawaaqiftaas ay labadan qolo kala joogaan waxa ay adkaynaysaa in xal macquul ah laga gaadho dhibaatada Soomaalida. Hadaanse indhaha la is qaban xalku waxa uu ku jiraa heshiis dhex mara labadan daraf!

Su’aashuse waxa ay tahay sidee lagu bilaabi karaa heshiis iyo wadahadal dhex mara labadan dhinac?. In la helo jawaab qancisa dhinacyada is haya iyo taageerayaashoodu waa ay adagtahay. Taas oo jirta, hadana, aragtidayda xalku waxa uu ka bilaabmi in labdan kooxood la isugu isugu keeno wada hadal aan bilowga hore shuruudo la hordhigayn.

Hadii markaa la isa soo hor fadhiisiyo iyada oo yoolku yahay baadigoobka xalinta dhibaatada taala, isla markaana wax walba laga hormarinayo danta umada, daaqadana laga saarayo danaha shisheeye, tan beelaha iyo kuwa gaarka ahba, waxa aan aaminsanahay hadii sidaa la yeelo in wax badan la isla fahmi karo, isla markaana ay tani noqon karto talaabo horseeda saxansaxo caafimaad qabta iyo nabadgelyo waarta oo Soomaali u soo noqota.

TFG iyo inta raacsani waa in ay qiraan in ay jirto mucaarado xoogan oo ay in badan oo Soomaalida ka midi kaga soo horjeedaan siyaasadahooda oo ay ugu horayso joogitaanka Itoobiyaanka ee Soomaaliya. Dhinaca kale, Mucaaradka waa in ay qiraan in sida ugu fudud ee Itoobiyaanka loo saari karo ay ku jirto wadahadal iyo heshiis lala galo DFK.

Waxa ay ila tahay aragtida odhanaysa ma hor fadhiisanayno DFK inta ay Xabashidu dhulka joogto in aanay waqtigan ahayn aragti ku dhisan la falgalka waaqiciya yaal. Sidaas darteed waxa aan is leeyahay inta diidan Xabashidu iyaga oo aan mabda’iyan ka tanaasulayn aragtidooda hadana waa in ay aqbalaan la fadhiisaga kooxdan keentay Itoobiyaanka. Quwadaha shisheeye ee ku loolamaya Soomaaliya guushoodu waa in aanay Soomaalidu isa soo hor fadhiisan.

Diidista labada dhinac ama midkood ay diidaan wadahadalku, waxay dani ugu jirtaa oo keliya Itoobiyaanka iyo inta aan dooneyn in ay Soomaalidu dhibta ka baxdo. Hadii la diido is horfadhiisi iyo in miiska wadahadalka lagu gorgortamo waxa la dhawraa waa dagaal daba dheeraada iyo khalkhal siyaasadeed oo cida ka faa’idaysaa ay yihiin inta cadowga u ah Soomaalida.

Mahadsanid

Siciid Cali

Said.ali.ahmed@gmail.com

Tuesday, July 31, 2007

Wadaadada Iyo Mushkilada Soomaalida

Waxa aan dhawaan ka akhriyay bogga wardheernews.com maqaal uu qoray Bashiir C Xareed kaas oo uu ciwaankiisu ahaa “Wadaadada iyo Mushkilada Soomaalida” . Qoraagu maqaalkiisan waxa uu si guud ugu naqdiyay siyaasadaha ururada Islaamiyiinta, si khaas ahna waxa uu aad ugaga hadlay wadaadada Soomaalida iyo siyaasadahooda ku aadan Soomaalida. Inkasta oo uu qoraagu soo bandhigay arimo badan oo muhiim ah hadana qaar ka mid ah aragtiyihiisu, waxa ay u baahan yihiin in dood la galiyo. Waxa aan maqaalkan si kooban ugu eegi doonaa qaar ka mida aragtiyahaas uu maqaalkaaasi xambaarsanaa.

Ururadda Islaamiyiinta

Bilowoga maqaalkiisa waxa uu qoraagu akhristaha u soo bandhigayaa aragtida uu ka aaminsan yahay ururada wadaadada. Waxa uu qoraagu ku doodayaa in ururada wadaadu aanay ahayn qaar u bisil hogaaminta mujtamacooda, sidoo kale waxa uu ku doodayaa in ay qayb ku leeyihiin mushkiladaha ka taagan caalamka. Intaa waxaa dheer in qoraagu uu aamanisan yahay in wadaadu ay yihiin kuwa aan maba’aadii adag ku taagnayn oo xitaa ay fududahay in la iibsado. Duuduubka doodan qoraagu ma aha mid lugo adag ku taagan, waaxa ay ka hor imanaysa waaqica siyaasiga ah ee ka jira caalamka Islaamka. Qoraagu, marka uu naqdinayo wadaadada waxa muuqata in aanu kala soocayn ururada Islaamiyiinta. Ururada wadaadu waxa ay isugu jiraan noocyo farabadan. Qaar siyaasada ka soo hor jeeda, qaar dumuqraasiyada gaalnimo u arka, qaar aaminsan in qorigu uu kaligii xal keenayo, qaar aaminsan in laga qaybgalo loolanada siyaasada, qaar aaminsan in barashada cilmiga diiniga ah iyo xernimadu ay yihiin qaabka kaliya ee guuli ku imanayso iyo qaar aduunkaba ka sii jeeda oo hamigoodu uu yahay aakhiro oo kaliya. Si hadaba naqdinta qoraagu ay u noqoto mid cilmyaysan waxa ay ahayd in uu akhristaha u cadeeyo kuwa ay yihiin wadaadada uu naqdinayaa. Laakiin bal aynu ka soo qaadno(waa sida laga fahmayo dooda qoraaga) in naqdinta qoraagu ay ku jeedo “Islaamka Siyaasiga”. Su’aashu waxa ay tahay siyaasadaha wadaadada siyaasada dhexgalay ma fashilantay. Jawaabta su’aashani ma fududa!. Marka ay jiraan meelo uu fashilmay nidaamkii siyaasiga ee wadaadadu sida Talibaan’kii Afghanstan, hadana waxa jirta meelo ay Islaamiyiintu guulo siyaasadeed oo aan yarayn ay ka soo hooyeen sida Marooko, Masar, Iraq, Turkiga, Falastiin iyo wadamo kaleba. In ay ururada wadaadadu noqdeen badiilka siyaasiga ah ee “kaliya” ee maanta ka jira caalmka Islaamku waa guusha ugu wayn ee ay ururadani soo hooyeen. Waxa laga yaabaa in lagu doodo “in wadaadadu ay wax mucaaradeeyaan waa ay fududahay laakiin in ay wax maamulaan waa ay adkaanaysaa”. Taasi run ayay noqon kartaa laakiin hadana waa dulmi in xukum lugu rido ururadan iyada oo aan loo ogolaan FURSAD ay wax ku maamulaan. Tusaalooyinka uu soo qaatay qoraagu ee Xamaasta Falastiin iyo Xisbullaahiga Lubnaana waa mid ay wali doodi ka taagan tahay fashilkooda. Waan qirayaa in fikirka siyaasiga ee ururada Islaamiyiinta ay horyaalaan turunturooyin badan oo qaarkood ay yihiin daakhili(xaga manhajka siyaasiga iyo nidaamka ay ku socdaan ururadani), qaarkoodana ay yihiin qaar ka imanaya cadawga ay leeyihiin. Guul dhamaystiran oo ururadani gaadhaan waxa ay ku xidhaan doontaa sida ay mustaqbalka uga talaabsadaan turunturooyinkaas, laakiin in lagu xukmiyo in ay fashilan yihiin sida uu qoraagu ku doodayo ma aha dood tiir adag ku taagan.

Islaamiyiinta Soomaalida

Khaladka manhajiga ah ee uu ku dhacay qoraagu marka uu isku duuduubay ururada Islaamiyiinta ee ka jira caalamka Islaamka mid la mida ayuu ku dhacay marka uu faalaynayo ururada ay leeyihiin wadaada Soomaalidu. Ma jiiro wax la yidhaa “wadaada Soomaalida”. Waxa jira ururo ay leeyihiin Islaamiyiinta Soomaalidu kuwaas oo uu aad u kala fog yahay fikirkooda siyaasaded. Qaarkood waxa ay aaminsan yihiin in qorigu uu xal keenayo, qaarkood waxa ay aaminsan yihiin in nidaamka siyaasda ee Soomalida la dhex galo(Qabiilda), qaar siyaasada ayayba qalad u arkaan, qaarna maamulada ka dhisan meelaha ay degenyihiin ayayba meelo sare kaga jiraan. Sidaa darteed marka laga doodayo mushkiladaha wadaada Soomaalida waa in aan la isku duuduubin. Tusaale ahaan marka uu qoraagu ka hadlayo taariikhda fashilka siyaasadaha wadaada Somaalida, waxa uu soo taxay qaladaadkii ay ku dhaceen HAL urur oo ka mida ururadaas. Waxa uu naqdiyay hab siyaasadeedkii ururkii Itixaadka waqtiyadii uu ururkaaasi hubaysnaa. Marna ma soo qaadin taajaaribta siyaasiga ah ee ay galeen ururada kale ee wadaadadu. Qofka akhriya maqaalkana isaga oo aan la socon wadciga ururadanina waxa uu u malaynayaa in wadaada Soomaalidu ay ku daba safnaayeen ururkii Itixaadka iyo siyaasadihiisa. Waxa jira wadooyin kale oo siyaasadeed oo ay mareen ururada kale ee Islaamiyiintu sida Islaax(Koonfurta) iyo Waxadada(Waqooyiga) oo midina aanu dagaalada Soomaalida ka qayb qaadan. Tajaaribta ururadan -oo ay iyaga laftigooda ay wali doodoodu taagantahay- qoraagu waa uu iska indha tiray. Kama doodayo fashilka iyo guusha tajaaribtooda laakiin manhajka isku duuduubka uu qoraagu isku duuduubayo ururadani ma aha manhaj sax ah oo waxa lagu naqdiyo.

Fashilkii Maxkamadaha

Tusaalaha ugu wayn ee fashilka wadaada Soomaalida sida uu qoraagu aaminsanyahay waa tajribadii ururkii Maxkamadaha. Tajribada maxkamadaha ee Koonfurta Soomaaliya waa tajribo u baahan in si cilmiyaysan oo caadifada ka baxsan looga doodo. In la ururiyo qaladaad ay ku dheceen “afraad” ama “qaybo” ka mid isbahaysigaasi lana ilaawo wanaaga ay sameeyeeni sawir sax ah kama bixinayo tajribadan. Marka laga hadlayo tajribada maxkamadaha su’aasha ugu muhiimsan ee ay tahay in la iswaydiiyaa waxa weeye, qaabka uu kacdoonkoodani ku yimid. Maxkamduhu ma qorsheeyeen in ay talada wadanka qabtaan, mise iyagoo oo naftoooda ka difaacaya shaambadii “Aragagixisada” ayay talada wadanku si lama filaan ah gacanta ugu soo gashay. Muran kama taagna ayaan fili in maxakamadahu aanay marna u qorshaysnayn(Filayna) in ay gacanta ku dhigaan talada Soomaalida. Markii ay si lama filaan ah u jabiyeen qabqablayaashii Koonfurta mudada dheer ka talinayayna, shaki la’aan qaladaad waa ay ku dheceen, laakiin qaladaadkaasi waxa ay ahaayeen qaladaad laga filayay urur ay ku kulmeen dad uu fikirkooda siyaasiga ahi aad u kala fog yahay isla markaana aan jirin wax ka badan 6 bilood. Waxa aan is leeyahay tajribada maxkamduhu hadii si cilmiyaysan loo eego waxa ay ahayd tajribadii ugu guruxda badanayd uguna faa’idada badanayd tajaaribtii siyaasiga ee Koonfurta Soomaaliya wixii ka danbeeyay burburkii dawladii Siyaad Bare. Hadii ay sii joogi lahaayeen sida uu xaalku noqon lahaa Ilaah baa og laakiin hadii aynu qiimayno tajribadan intii ay jirtay waxaan fili in ay ahayd tajribadii siyaasadeed ee ugu wanaagsanayd ee ay wadaada Soomaalidu ka tageen. Inkasta oo fashilka tajribadan qayb kamida loo tiirin karo qaar ka mida wadaadadii isbahysigan oo “degdeg” ama “is cajabin” ku dhacay hadana waxa aan is leeyahay qaybta wayn ee fashilkan waxa keenay qabaa’ishii ay dhulkooda xasiliyeen oo Xabashi la saftay waqti ay ahayd in ay ilaashadaan guushaas ay MMI’du u soo hoysay. Mar kale ma ku doodayo in maxkamaduhu aanay qaladaad ku dhicin. Taas waa mid ay maxkamadaha laftigoodu qirayaan laakiin doodu waxa ay ka taagan tahay in Maxkamaduhu ay wax wanaaga ah soo kordhiyeen. Waxa muuqata in qoraagu indhaha ka xidhay wanaagii ay lahaayeen maxkamduhu. Taasina ma aha manhaj sax ah oo wax loo naqdiyo.

Xalka Marxaldan

Gabagabdii maqaalkan dheer waxa uu qoraagu ku soo bandhigay argtiyo uu u arko in ay xal u noqon karaan dhibta ka taagan Soomaaliya. Waa aragtiyo u baahan in dood cilmiyaysan la galiyo. Aragtiyahaas waxaa ka maqanse waxa laga yeelayo wadciga waqtigan ka taagan dhulka Soomaalida. Itoobiyaanka sida uu qirayo qoraagu maanta xoog ayay ku haystaan Soomaaliya (haba ku doodaan dawlada Soomaaliyeed baa na casuuntay). Qoraagu waa uu diiday in xoog iyo dagaal ay Soomaalidu isticmaasho, laakiin ma uusan sheegin sida looga saari karo Itoobiyaanka dhulka Soomaalida. Waxaad moodaa in qoraagu u janjeedho aragtida odhanysa waa “in shucuubta ku nool Afrikada bari ay nabadgalyo ku wada noolaato” dagaalada iyo cadawtinimadana la joojiyo. Taasi waa aragti fiican laakiin su’aashu waxa ay tahay yaa diidan taas. Wa ayo dawlada diidan in nabadgalyo lagu wada noolaaldo, ma Soomaalidaa mise waa Itoobiyaanka?. Sidoo kale yaa maanta dhukiisa la haystaa, Itoobiyaanku se ma nabad galinyaan Soomaalida xitaa hadii loo dhaafo dhulka ay Soomaalidu sheegato ee ay Xaabshidu gumaystao?. Su’aalahaas jawaabtooda ayay ku xidhan tahay wada noolaanshaha nabadgalyo ee shucuubta ku nool Afrikada bari. Waxaase waaqic ah inta ay Xabshidu xoog ku joogto qaybo ka mida dhulka Soomaalida isla markaana ay qaybo kale siyaasad ahaan u maamusho, in ay Soomaalida damiirka lihi muqaawamo siyaasaded iyo mid xoogba kala hortagi doonaan Xabshida. Hadaba intii sheeko aan waaqici ahayn sida “wada noolaanshaha sucuubta geeska” iwm umada lagu mashquulin lahaa Soomaalida waxa igala muhiimsan in umada loo jeediyo sidii ay isaga dulqaadi lahaayeen gumasyiga Xabshida ee maanta gumaysanaya xitaa caqliga in badan oo WAXGARDKA Soomalida ka mida.

Mahadsanidin

Siciid Cali

Said.ali.ahmed@gmail.com