Wednesday, September 19, 2007

Xalku waa Heshiis Dhexmara Kooxda Asmara Iyo Kooxda Muqdisho

Burburkii nidaamkii maxkamadaha ee Koonfurta Soomaaliya iyo soo galitaankii ciidamada Itoobiyaanka ee Magaalada Muqdisho waxa ay fogeeyeen xal u helida mushkiladaha Siyaasadeed ee Soomaalida. Waaqican cusubi waxa uu Soomaalida u qaybiyay laba kooxood oo ay mid kastaba aaminsatahay in uu dariiqeedu yahay ka kaliya ee uu xal ku iman karo. Labadan qolo (dawlada kumeel gaadhka ah iyo “kooxda Asmara”) ayaa mid kastaba waxa ay aaminsatahay in aan XAL waara la gaadhayn hadii aan iyada lagu daba safan. Waxa iska cad in waxgardka Soomaalidu ay ilaa iminka soo bandhigi kari la’ayihiin xalal waaqiciya oo lagu furdaamin karo mushkiladaha siyaasadeed ee Soomaalida. Hadii la rabo in dhibta taagan laga baxo waa in la helaa xalal waaqiciya, kuwaas oo ka imanaya gudaha Soomalida, kuna dhisan isu soo dhowaansho iyo is calool xaarasho bilow u noqon kara soo afjarida dhibaatada siyaasadeed ee Soomaalida. Anigoo hadaba ka duulaya arimahaas ayaa waxa aan maqaalkan ku faalayn doonaa aragtiyaha ay labadan kooxood kala qabaan, isla markaana waxa aan soo bandhigi doonaa aragti aan is leeyahay waxa ay isu soo dhawayn kartaa labada dhinac ee isku haya masraxa siyaasada Soomaalida.

Dowlada Ku Meel Gaadhka Iyo Taageerayaashooda

Dawlada ku meelgaadhka ah (DFK) iyo taageerayaasheeedu waxa ay aaminsayihiin in uu xalku yahay taaba galka dawalada ku meel gaadhka ah. Waxa ay ku doodayaan in ay dawladu ku timid doonitaanka shacbiga, sidaasna ay tahay in lugu aqbalo. Waxa kale oo ay kooxdani ku doodayaan in ay maxkamaduhu khatar ku ahaayeen jiritaankooda, sidoo kalene ay(maxkamaduhu) doonayeen in ay dagaal ku soo qaadaan isla markaana qabsadaan fadhiisimadooda. Maadaama bay leeyihiin aanay dawladu haysan awood ay iskaga caabiyaan ‘gardarada Maxkamadaha’ waxa daruuri ahayd in ay helaan cid leh awood iyo quwad ay iskaga celin karaan Maxkamadaha. Aragtidooda cida kaliya ee diyaarka u ahayd in ay taageero u fidiso dawladu waxa ay ahayd Itoobiyaanka. Sidaa daraadeed qoladani daruuro ayay u arkaan soo galitaanka Xabashida ee Soomaaliya. Uma arkaan Xabashida cadow dhulkoodii qabsaday. Waxa ay u arkaan saaxiib caawinaya. Sidoo kale qoladani ma arkaan in ay Xabshidu Soomaaliya ka baxdo ilaa iyo nabadgalyo buuxda laga helayo amaba la helayo ciidan kale oo badala ciidanka Itoobiyanka. Si guud qoladani waxa ay doodoodu tahay “hadii la rabo in dhibta Soomaalida la soo afjaro” ha la taageero dawlada ku meel gaadhka ah.

Kooxda Asmara Iyo Taageerayaashooda

Qoladani waxa ay aaminsan yihiin in wadanka ay Itoobiyaan ku soo duuleen, Soomaaliduna ay waqtigan gumaysi (Xabashida) hoos galeen. Itoobiyaanka waxa u fududeeyay qabsashada Soomaaliya (sida ay ku doodayaan) dawlada ku meel gaadhka ah (DFK). Sidaa daraadeed waxay aaminsan yihiin in DFK ay tahay aalad ay Xabashidu ku shaqaysanayso oo lumisay sharciyadeedii. Qoladan waa isugu mid Itoobiyaanka iyo DFK. Jenaraal Xabashiyi in uu Soomaaliya maamulo ayay ku qanacsan yihiin. Dawlada (DFK) waxa ay arkaan in ay maqaar saar u tahay Itoobiyaanka. Sida kaliya ee Xabashida wadanka looga saari karaa waxa weeye ayay leeyihiin dagaal iyo iska caabin. Sidoo kale waxa ay aaminsan yihiin in ay daruuri tahay in la helo hogaan cusub oo ka shaqeeya dib u xoraynta wadanka, isla markaana badala dawlada ku meelgaadhka ah. Wada hadal Soomaalida dhex mara waxa ay shardi uga dhigayaan in marka hore ay Itoobiyaanku ka baxaan wadanka. Ilaa inta taa laga helayona waxa ay aaminsan yihiin in wadada kaliya ee u furani ay tahay in muqaawamada la wado.

Xalku waa wada Hadal

Mawaaqiftaas ay labadan qolo kala joogaan waxa ay adkaynaysaa in xal macquul ah laga gaadho dhibaatada Soomaalida. Hadaanse indhaha la is qaban xalku waxa uu ku jiraa heshiis dhex mara labadan daraf!

Su’aashuse waxa ay tahay sidee lagu bilaabi karaa heshiis iyo wadahadal dhex mara labadan dhinac?. In la helo jawaab qancisa dhinacyada is haya iyo taageerayaashoodu waa ay adagtahay. Taas oo jirta, hadana, aragtidayda xalku waxa uu ka bilaabmi in labdan kooxood la isugu isugu keeno wada hadal aan bilowga hore shuruudo la hordhigayn.

Hadii markaa la isa soo hor fadhiisiyo iyada oo yoolku yahay baadigoobka xalinta dhibaatada taala, isla markaana wax walba laga hormarinayo danta umada, daaqadana laga saarayo danaha shisheeye, tan beelaha iyo kuwa gaarka ahba, waxa aan aaminsanahay hadii sidaa la yeelo in wax badan la isla fahmi karo, isla markaana ay tani noqon karto talaabo horseeda saxansaxo caafimaad qabta iyo nabadgelyo waarta oo Soomaali u soo noqota.

TFG iyo inta raacsani waa in ay qiraan in ay jirto mucaarado xoogan oo ay in badan oo Soomaalida ka midi kaga soo horjeedaan siyaasadahooda oo ay ugu horayso joogitaanka Itoobiyaanka ee Soomaaliya. Dhinaca kale, Mucaaradka waa in ay qiraan in sida ugu fudud ee Itoobiyaanka loo saari karo ay ku jirto wadahadal iyo heshiis lala galo DFK.

Waxa ay ila tahay aragtida odhanaysa ma hor fadhiisanayno DFK inta ay Xabashidu dhulka joogto in aanay waqtigan ahayn aragti ku dhisan la falgalka waaqiciya yaal. Sidaas darteed waxa aan is leeyahay inta diidan Xabashidu iyaga oo aan mabda’iyan ka tanaasulayn aragtidooda hadana waa in ay aqbalaan la fadhiisaga kooxdan keentay Itoobiyaanka. Quwadaha shisheeye ee ku loolamaya Soomaaliya guushoodu waa in aanay Soomaalidu isa soo hor fadhiisan.

Diidista labada dhinac ama midkood ay diidaan wadahadalku, waxay dani ugu jirtaa oo keliya Itoobiyaanka iyo inta aan dooneyn in ay Soomaalidu dhibta ka baxdo. Hadii la diido is horfadhiisi iyo in miiska wadahadalka lagu gorgortamo waxa la dhawraa waa dagaal daba dheeraada iyo khalkhal siyaasadeed oo cida ka faa’idaysaa ay yihiin inta cadowga u ah Soomaalida.

Mahadsanid

Siciid Cali

Said.ali.ahmed@gmail.com

Tuesday, July 31, 2007

Wadaadada Iyo Mushkilada Soomaalida

Waxa aan dhawaan ka akhriyay bogga wardheernews.com maqaal uu qoray Bashiir C Xareed kaas oo uu ciwaankiisu ahaa “Wadaadada iyo Mushkilada Soomaalida” . Qoraagu maqaalkiisan waxa uu si guud ugu naqdiyay siyaasadaha ururada Islaamiyiinta, si khaas ahna waxa uu aad ugaga hadlay wadaadada Soomaalida iyo siyaasadahooda ku aadan Soomaalida. Inkasta oo uu qoraagu soo bandhigay arimo badan oo muhiim ah hadana qaar ka mid ah aragtiyihiisu, waxa ay u baahan yihiin in dood la galiyo. Waxa aan maqaalkan si kooban ugu eegi doonaa qaar ka mida aragtiyahaas uu maqaalkaaasi xambaarsanaa.

Ururadda Islaamiyiinta

Bilowoga maqaalkiisa waxa uu qoraagu akhristaha u soo bandhigayaa aragtida uu ka aaminsan yahay ururada wadaadada. Waxa uu qoraagu ku doodayaa in ururada wadaadu aanay ahayn qaar u bisil hogaaminta mujtamacooda, sidoo kale waxa uu ku doodayaa in ay qayb ku leeyihiin mushkiladaha ka taagan caalamka. Intaa waxaa dheer in qoraagu uu aamanisan yahay in wadaadu ay yihiin kuwa aan maba’aadii adag ku taagnayn oo xitaa ay fududahay in la iibsado. Duuduubka doodan qoraagu ma aha mid lugo adag ku taagan, waaxa ay ka hor imanaysa waaqica siyaasiga ah ee ka jira caalamka Islaamka. Qoraagu, marka uu naqdinayo wadaadada waxa muuqata in aanu kala soocayn ururada Islaamiyiinta. Ururada wadaadu waxa ay isugu jiraan noocyo farabadan. Qaar siyaasada ka soo hor jeeda, qaar dumuqraasiyada gaalnimo u arka, qaar aaminsan in qorigu uu kaligii xal keenayo, qaar aaminsan in laga qaybgalo loolanada siyaasada, qaar aaminsan in barashada cilmiga diiniga ah iyo xernimadu ay yihiin qaabka kaliya ee guuli ku imanayso iyo qaar aduunkaba ka sii jeeda oo hamigoodu uu yahay aakhiro oo kaliya. Si hadaba naqdinta qoraagu ay u noqoto mid cilmyaysan waxa ay ahayd in uu akhristaha u cadeeyo kuwa ay yihiin wadaadada uu naqdinayaa. Laakiin bal aynu ka soo qaadno(waa sida laga fahmayo dooda qoraaga) in naqdinta qoraagu ay ku jeedo “Islaamka Siyaasiga”. Su’aashu waxa ay tahay siyaasadaha wadaadada siyaasada dhexgalay ma fashilantay. Jawaabta su’aashani ma fududa!. Marka ay jiraan meelo uu fashilmay nidaamkii siyaasiga ee wadaadadu sida Talibaan’kii Afghanstan, hadana waxa jirta meelo ay Islaamiyiintu guulo siyaasadeed oo aan yarayn ay ka soo hooyeen sida Marooko, Masar, Iraq, Turkiga, Falastiin iyo wadamo kaleba. In ay ururada wadaadadu noqdeen badiilka siyaasiga ah ee “kaliya” ee maanta ka jira caalmka Islaamku waa guusha ugu wayn ee ay ururadani soo hooyeen. Waxa laga yaabaa in lagu doodo “in wadaadadu ay wax mucaaradeeyaan waa ay fududahay laakiin in ay wax maamulaan waa ay adkaanaysaa”. Taasi run ayay noqon kartaa laakiin hadana waa dulmi in xukum lugu rido ururadan iyada oo aan loo ogolaan FURSAD ay wax ku maamulaan. Tusaalooyinka uu soo qaatay qoraagu ee Xamaasta Falastiin iyo Xisbullaahiga Lubnaana waa mid ay wali doodi ka taagan tahay fashilkooda. Waan qirayaa in fikirka siyaasiga ee ururada Islaamiyiinta ay horyaalaan turunturooyin badan oo qaarkood ay yihiin daakhili(xaga manhajka siyaasiga iyo nidaamka ay ku socdaan ururadani), qaarkoodana ay yihiin qaar ka imanaya cadawga ay leeyihiin. Guul dhamaystiran oo ururadani gaadhaan waxa ay ku xidhaan doontaa sida ay mustaqbalka uga talaabsadaan turunturooyinkaas, laakiin in lagu xukmiyo in ay fashilan yihiin sida uu qoraagu ku doodayo ma aha dood tiir adag ku taagan.

Islaamiyiinta Soomaalida

Khaladka manhajiga ah ee uu ku dhacay qoraagu marka uu isku duuduubay ururada Islaamiyiinta ee ka jira caalamka Islaamka mid la mida ayuu ku dhacay marka uu faalaynayo ururada ay leeyihiin wadaada Soomaalidu. Ma jiiro wax la yidhaa “wadaada Soomaalida”. Waxa jira ururo ay leeyihiin Islaamiyiinta Soomaalidu kuwaas oo uu aad u kala fog yahay fikirkooda siyaasaded. Qaarkood waxa ay aaminsan yihiin in qorigu uu xal keenayo, qaarkood waxa ay aaminsan yihiin in nidaamka siyaasda ee Soomalida la dhex galo(Qabiilda), qaar siyaasada ayayba qalad u arkaan, qaarna maamulada ka dhisan meelaha ay degenyihiin ayayba meelo sare kaga jiraan. Sidaa darteed marka laga doodayo mushkiladaha wadaada Soomaalida waa in aan la isku duuduubin. Tusaale ahaan marka uu qoraagu ka hadlayo taariikhda fashilka siyaasadaha wadaada Somaalida, waxa uu soo taxay qaladaadkii ay ku dhaceen HAL urur oo ka mida ururadaas. Waxa uu naqdiyay hab siyaasadeedkii ururkii Itixaadka waqtiyadii uu ururkaaasi hubaysnaa. Marna ma soo qaadin taajaaribta siyaasiga ah ee ay galeen ururada kale ee wadaadadu. Qofka akhriya maqaalkana isaga oo aan la socon wadciga ururadanina waxa uu u malaynayaa in wadaada Soomaalidu ay ku daba safnaayeen ururkii Itixaadka iyo siyaasadihiisa. Waxa jira wadooyin kale oo siyaasadeed oo ay mareen ururada kale ee Islaamiyiintu sida Islaax(Koonfurta) iyo Waxadada(Waqooyiga) oo midina aanu dagaalada Soomaalida ka qayb qaadan. Tajaaribta ururadan -oo ay iyaga laftigooda ay wali doodoodu taagantahay- qoraagu waa uu iska indha tiray. Kama doodayo fashilka iyo guusha tajaaribtooda laakiin manhajka isku duuduubka uu qoraagu isku duuduubayo ururadani ma aha manhaj sax ah oo waxa lagu naqdiyo.

Fashilkii Maxkamadaha

Tusaalaha ugu wayn ee fashilka wadaada Soomaalida sida uu qoraagu aaminsanyahay waa tajribadii ururkii Maxkamadaha. Tajribada maxkamadaha ee Koonfurta Soomaaliya waa tajribo u baahan in si cilmiyaysan oo caadifada ka baxsan looga doodo. In la ururiyo qaladaad ay ku dheceen “afraad” ama “qaybo” ka mid isbahaysigaasi lana ilaawo wanaaga ay sameeyeeni sawir sax ah kama bixinayo tajribadan. Marka laga hadlayo tajribada maxkamadaha su’aasha ugu muhiimsan ee ay tahay in la iswaydiiyaa waxa weeye, qaabka uu kacdoonkoodani ku yimid. Maxkamduhu ma qorsheeyeen in ay talada wadanka qabtaan, mise iyagoo oo naftoooda ka difaacaya shaambadii “Aragagixisada” ayay talada wadanku si lama filaan ah gacanta ugu soo gashay. Muran kama taagna ayaan fili in maxakamadahu aanay marna u qorshaysnayn(Filayna) in ay gacanta ku dhigaan talada Soomaalida. Markii ay si lama filaan ah u jabiyeen qabqablayaashii Koonfurta mudada dheer ka talinayayna, shaki la’aan qaladaad waa ay ku dheceen, laakiin qaladaadkaasi waxa ay ahaayeen qaladaad laga filayay urur ay ku kulmeen dad uu fikirkooda siyaasiga ahi aad u kala fog yahay isla markaana aan jirin wax ka badan 6 bilood. Waxa aan is leeyahay tajribada maxkamduhu hadii si cilmiyaysan loo eego waxa ay ahayd tajribadii ugu guruxda badanayd uguna faa’idada badanayd tajaaribtii siyaasiga ee Koonfurta Soomaaliya wixii ka danbeeyay burburkii dawladii Siyaad Bare. Hadii ay sii joogi lahaayeen sida uu xaalku noqon lahaa Ilaah baa og laakiin hadii aynu qiimayno tajribadan intii ay jirtay waxaan fili in ay ahayd tajribadii siyaasadeed ee ugu wanaagsanayd ee ay wadaada Soomaalidu ka tageen. Inkasta oo fashilka tajribadan qayb kamida loo tiirin karo qaar ka mida wadaadadii isbahysigan oo “degdeg” ama “is cajabin” ku dhacay hadana waxa aan is leeyahay qaybta wayn ee fashilkan waxa keenay qabaa’ishii ay dhulkooda xasiliyeen oo Xabashi la saftay waqti ay ahayd in ay ilaashadaan guushaas ay MMI’du u soo hoysay. Mar kale ma ku doodayo in maxkamaduhu aanay qaladaad ku dhicin. Taas waa mid ay maxkamadaha laftigoodu qirayaan laakiin doodu waxa ay ka taagan tahay in Maxkamaduhu ay wax wanaaga ah soo kordhiyeen. Waxa muuqata in qoraagu indhaha ka xidhay wanaagii ay lahaayeen maxkamduhu. Taasina ma aha manhaj sax ah oo wax loo naqdiyo.

Xalka Marxaldan

Gabagabdii maqaalkan dheer waxa uu qoraagu ku soo bandhigay argtiyo uu u arko in ay xal u noqon karaan dhibta ka taagan Soomaaliya. Waa aragtiyo u baahan in dood cilmiyaysan la galiyo. Aragtiyahaas waxaa ka maqanse waxa laga yeelayo wadciga waqtigan ka taagan dhulka Soomaalida. Itoobiyaanka sida uu qirayo qoraagu maanta xoog ayay ku haystaan Soomaaliya (haba ku doodaan dawlada Soomaaliyeed baa na casuuntay). Qoraagu waa uu diiday in xoog iyo dagaal ay Soomaalidu isticmaasho, laakiin ma uusan sheegin sida looga saari karo Itoobiyaanka dhulka Soomaalida. Waxaad moodaa in qoraagu u janjeedho aragtida odhanysa waa “in shucuubta ku nool Afrikada bari ay nabadgalyo ku wada noolaato” dagaalada iyo cadawtinimadana la joojiyo. Taasi waa aragti fiican laakiin su’aashu waxa ay tahay yaa diidan taas. Wa ayo dawlada diidan in nabadgalyo lagu wada noolaaldo, ma Soomaalidaa mise waa Itoobiyaanka?. Sidoo kale yaa maanta dhukiisa la haystaa, Itoobiyaanku se ma nabad galinyaan Soomaalida xitaa hadii loo dhaafo dhulka ay Soomaalidu sheegato ee ay Xaabshidu gumaystao?. Su’aalahaas jawaabtooda ayay ku xidhan tahay wada noolaanshaha nabadgalyo ee shucuubta ku nool Afrikada bari. Waxaase waaqic ah inta ay Xabshidu xoog ku joogto qaybo ka mida dhulka Soomaalida isla markaana ay qaybo kale siyaasad ahaan u maamusho, in ay Soomaalida damiirka lihi muqaawamo siyaasaded iyo mid xoogba kala hortagi doonaan Xabshida. Hadaba intii sheeko aan waaqici ahayn sida “wada noolaanshaha sucuubta geeska” iwm umada lagu mashquulin lahaa Soomaalida waxa igala muhiimsan in umada loo jeediyo sidii ay isaga dulqaadi lahaayeen gumasyiga Xabshida ee maanta gumaysanaya xitaa caqliga in badan oo WAXGARDKA Soomalida ka mida.

Mahadsanidin

Siciid Cali

Said.ali.ahmed@gmail.com

Wednesday, July 18, 2007

Somalia: The Other (Hidden) War for Oil

The U.S. bombing of Somalia took place while the World Social Forum was underway in Kenya and three days before a large anti-war action in Washington, January 27. Nunu Kidane, network coordinator for Priority Africa Network (PAN) was present in Nairobi, and after returning home asked out loud how 'to explain the silence of the US peace movement on Somalia? Read More
-------------------------------------------------------------------------------------

Oil in Somalia.

The bombing of Somalia in the past few days has caused worldwide stir, outrage and theories of conspiracy as it emerges that the country has oil. It is no surprise, since Afghanistan and Iraq which are well-documented subjects of military action from the West are both holders of considerable oil reserves, that the thought arises: "here we go again" - namely, (go) "after the oil"? Are these battles fought in the broader war on terror, or part of a territorial onslaught for control of oil reserves; or is the link between these issues inextricable, so that neither can be considered in isolation of the other? I was unaware of the geological backdrop to this region until very recently, but it emerges that there have been a number of geological surveys carried out in the Somali Peninsula and more widely in the Horn of Africa, since the 1980's, which indicate that underlying there are substantial untapped reserves of oil. An estimated 15,000 Ethiopian soldiers invaded Mogadishu, the Somali capital, in late December last with the intention of securing a military defeat of the Islamic Courts Union I.C.U.), which had until then controlled major areas of southern Somalia. Read More
-------------------------------------------------------------------------------------

Resource Stocks

Nearly 14 years after the deadly Black Hawk Down incident, Mogadishu is raging with unspeakable violence. While the bloodshed is tragic, this emerging crisis presents you with a remarkable opportunity.

In fact, if you're willing to take advantage of a murderous African warlord (and you can meet the four qualifications outlined below), you could see a 789% gain in the next six months. In the long run, you could make 60 times your money. Maybe a whole lot more... Are you in? Read More

Wednesday, May 16, 2007

Warbixin biyo dhaamin


Waxaa magaalada muqdisho mar qura ka firxaday boqolaal kun oo dad ah kadib markii uu dagaal ku qabsaday guryohoodii .waxayna qof walba u dhaqaaqday wajigeeda iyadoo aan isba waydiin halka ay u socoto. Inta badan dadkaasi jaanis uma helin inay guryahooda ka qaataan agabka ay u baahanaayeen, Waxayna maciin bideen geedaha hoostooda hadii ayba helaan.



Xaggee laga barakacay

Waxaa si buuxda looga barakacay inta u dhexeysa jidka wadnaha ee isku xira tarabuunka ilaa sanca iyo wixii kaxiga dhanka woqooyi sida dhulka ku dhereran jidka 30ka iyo warshadaha, iyo xaafadaha gubta, iyo suuqa xoolaha. Waxaa kale oo jira xaafado kale oo barakacu saameeyay sida kaaraan iyo shibis.




Goobaha looqaxay

Inkastoo qaxa iyo barakaca lagu arkay meelo aad uga fog goobaha dagaalku ka socday min Hargaysa ilaa dhooblay hadana culayska ugu wayn wuxuu ahaa deegaanada ku dhereran muqdisho iyo labada shabeele.
Hadii aan soo qaadano deegaanada ku hareeraysan xamar wuxuu qaxu aad isu dul buuxiyay


  1. deegaanada ku dhereran jidaka xamar iyo afgooye sida KM13 , ceelasha biyaha , lafoole , xaawo cabdi , dhalinta kacaanka . oo ay weli geedaha hoos daadsan yihiin.

  2. jidka Dayniille: oo xaalad ba’ani ku haysato dhul aad u balaaran ayna ku haysato biyo la’aan ,hoy la’aan iyo cudurka shubanka

  3. jidka carafaat jaamacad muqdisho waxaa

  4. jidka xeebta ee ceelmacaan iyo warsheekh


Doorashada goobta ugu daran

Dareenka biyo la’idu waxa uu soo baxay isla markii qof walba hoos tegay geed cidla ah, waxaana la is la dhexmaray qaylo dhaanta biyo xumida, meelaha ugu daran waxaa kamid ahaa jidka Afgooye ilaa Xamar iyo Dayniile.

Ururada samafalku iyagoo ka jawaabaya qaylo dhaantaa ayay bilaabeen biyo dhaamin, dadaal badanna waa la bixiyay gaar ahaan jidka Afgooye ee laamiga ah oo maritaankiisu sahlan yahay.
Sawiradii laga soo qaaday halkan ka daawo:
http://picasaweb.google.com/Said.ALI.AHMED/Biyo_dhaamis/photo#s5065153215497060914
Si aan xog dhab ah u helno waxaan dirnay sahan soo fiiriya sida wax yihiin iyo meelaha ugu daran,waxayna gudigaasi noo soo xaqiijiyeen in goobta layiraahdo ABTOY oo warshada sigaarka iyo taraqa ujirta 16 KM dhinaca woqooyi inay tahay goobta ugu daran sababaha soo socda :


  1. Waxaa ku qaxay 550 qoys.

  2. ceel biyoood wuxuu ka fogyahay ilaa 5 KM

  3. Fursada ceelkaas biyo looga heli karaanna aad ayay yartahay, culayska saaran iyo biyihiisa oo yar daraadood .

  4. Booyad ay siin jirtay shirkada Hormuud oo ka istaagtay

  5. Iyo ugu danbayn jidka oo bacaad ah oo marinkiisu aanu sahlanayn.

  6. Ugu danbayn waxaan dareenay baahida dhabta ah ee taal meeshaas waxaanna bilawnay inaan kirayno booyad geli karta oo biyo gayn karta.

Habka biyo dhaaminta

Booyadda aan kireynay waxay qaadda 45 fuusto halkii marba
Maalintiina waxay howlgeleysay laba mar laga billaabo 10-4-07 taasoo ah muddo 21 maalmood ah ,
qoys kasta maalintii, wuxuu heli jiray biyo 40 litir ah taasoo ay u isticmaalaan cabitaan iyo kariska cuntada.

Xadiga biyaha ah oo lagaarsiiyay dadkaas
42 booyadood *45 fuusto = 1890 fuusto ama 378000 litir


Dareenka dadka

Dr Cilmi oo kamid ah dadka ku soo qaxay halkaas ayaa yiri :
“ waxaan ku siganay in aan markale qax ka xun kii hore u qaxno,oon daraaddii laakiin biyahaan wax walba waa ay nooga qiimo badan yihiin “, “ shan maalmood oo lasoo dhaafay korkayga biyo ma marin inkastoo ay igu dhacaysay qorraxda april “


Gebagebo

Dadka ku qaxay Abtoy iyagoo aan u kalo harin waxay qalbi furan Alle uga baryayaan in uu adduun iyo aakhiraba liibaan siiyo intii ka qeybgashay oo maalkooda qiimaha badan ku bixiyaya samata bixinta dadka walaalahooda ah .

Sawiradii laga soo qaaday halkan ka daawo:


http://picasaweb.google.com/Said.ALI.AHMED/Biyo_dhaamis/photo#s5065153215497060914

Saturday, February 24, 2007

Maqaal Xiiso leh

Qormada hoos ku lifaaqan ee lamagac baxday "The Three Cultures" waxaan ka soo sawiray kitaab uu qoray Prof. Abdolkarim Soroush oo ka dhiga Islamic Political Philosophy at Harvard University; kitaabkaa oo la magac baxay: Reason, Freedom and Democracy in Islam. Dooda uu soo bandhigayo qoraaga ayaa ah sidee dhaqanka Iran u gaarka ah ee faca weyn iyo diinta Islamka iyadoo lagu dhegan yahay dunida kale wixii wanaagsan looga kororsadaa sidaana horumar loogu gaaraa. Waa dood u dhow mid golahan ay walaalaha qaarkood soo hadal qaadeen. Riix hoos si aad u akhrido qormadan.
Ibraahim

http://www.hddweb.com/89817/The_Three_Cultures.pdf

Tuesday, January 30, 2007

Isticmaalka e-mailka : Macluumaad iyo talooyin


E-mailku waa hab ay bani’aadmigu isku dhaafsadaan wararka iyo macluumaadka. Waa hab uu qofku macluumaadkiisa si dhakhsa ah uu ugu gudbin karo. Taas oo jirta haddana e-mailku waxa uu mararka qaarkood qofka diraya u keeni karaa dhibaatooyin aan yarayn. Sidaa daraadeed qofka isticmaalaya e-mailku waa in uu si taxdar ku jiro u siticmaalaa aaladan iyada ah. Maqaalakan iyo kuwa soo socda waxa aan akhristayaasha kula wadaagi doonaa macluumaad iyo talooyin muhiim ah oo aan is leeyahay waa uu u baahan yahay qof kasta oo isticmaalaya aaladan

Macluumaadka aad E-mailka ku diraysaa sir ma aha

E-mailka aad ka dirto kombuyutarkaagu inta aanu gaadhin kombuyuutarka qofka aad u dirayso waxa uu sii maraa kobmuyutaro badan (relaying hosts) oo yaala meelo kala duwan oo aduunka ka mid ah. Kombuyuutaradaas (relaying host) uu e-mailkaagu sii marayo waxa maamula dad (system administratos) kala duwan kuwaas oo awood u leh in ay furaan akhriyaana e-mailkaaga. Inta badan ma dhacdo in ay dadkaasi furtaan akhristaana e-mailkaaga laakiin hadana waa in la ogaadaa in arinkani uu dhici karo. Intaas waxa dheer in la ogaado hadii uu qofku isticmaalayo e-mailka shaqada amaba iskuulka in ay maamulayaasha kombuyuutaradaasi ay awood u leeyihiin in ay baadhaan e-mailada laga dirayo kombuyuutaradooda iyaga oo adeegsanaya barmaamijyo (software) loogu tala galay arinkan.

Wadamada qaarkood sida Marykanka iyo Kanada oo kale waa danbi in la basaaso e-mailada laga diro shirkadaha kireeya internetka (internet providers) sida AOL (USA), Rogers iyo Bell (Kanada). Taasi waxa ay ku kooban tahay oo kaliya xisaaabta (e-mail account) aad ku leedahay shirkada aad ka kiraysato internedka. Sharcigu ma diidayo in ay ku basaasaan maamulka meesha aad ka shaqaynaysaa. Waxa intaa dheer in ay hayadaha sirta (ee ay leeyihiin dawladaha caalamku) waqtigii ay doonaan ay e-mailkaaga akhrisan karaan. Sidaa daraadeed macluumaadka aad ku dirayso e-mailku waa in ay ahaadaan macluumaad aad difaaci karto mar kasta iyo meel kasta isla markaana waa in macluumaadkaasi ay noqdaan qaar aanad iska qoomamayn hadii ay ku dhacaan gacan aan ahayn gacantii aad la rabtay in ay macluumaadkaasi gaadhaan.

Arimo kale oo sirtaada kashifi kara

Arimahaas ka sokow waxa jira qaladaad kale oo uu ku dhici karo qofka e-mailka dirayaa, kuwaas oo keeni kara in ay ka fakadaan macluumaad aanu jeclayn in ay dibada uga baxaan. Arimahaas waxaa ka mida:
.
1) In aad qorto e-mail aad qof waxa uga sheegayso (inkasta oo aanay akhlaaqiyan iyo diin ahaan sax ahayn hadana waa ay dhacdaa) dabadeedna aad qofkii laftigiisii aad si qalad ah ugu dirto amaba qof kale oo aad u diratay uu qofkii aad wax ka sheegtay uu u diro (waxa laga yaabaa in aad is tiraa ma dhici karto laakiin dhacdooyin badan oo noocana ayaa la hayaa.

2) In aad ka tirsan tahay e-mail kooxeed (mailing list) dabadeena aadoo doonaya in aaad fariin u dirto qof ka mida e-mail kooxeeedka aad fariintaadii u dirto kooxda oo dhan. Halkaas oo laga yaabo in macluumaad aad doonaysay in uu qof kaliyi akhristo aad si khalad ah ugu gudbiso kooxda dhan (Hadii aad xubin ka tahay e-mail kooxeed aanad doonayso in aad fariin u drto qof ka tirsan e-mail kooxeedkaa iska ilaali in aad isticmaasho “Reply”).

Talooyin

1) Isku day in aad wax ka fahanto qaabka uu u shaqeeyo nidaamka e-mailka aad isticmaalasaa. Hadii aad e-mailka shaqada ama iskuulka isticmaalayso iska hubi inta qof ee e-mailkaaga akhrin karta.

2) Caqligaaga isticmaal. Ha ku dirin e-mailka arimo shakhsiya sida xisaabta bangigaaga, kiridhid kaarkaaga, meesha aad degenthay iwm.

3)Tirtir e-mailka ka dib marka aad akhrido. Hadii aad e-mailkaaga ka tiriri karto kombuyiitratda shirkada aad xisaabta (e-mail account) ka furatay sidaa yeel. Shirkadaha qaar ayaa kuu ogol in aad samayn karto sidaas. Hadii laguu ogolyahay ka faa’idayso.

4) Xisaab khaas ah u furo wax yaabaha shakhsiga ah. Talo ahaan isticmaal e-mailka ay ku siyaan shirkada aad ka internetka ka kiraysato.

Gabagabadii sidaa aad kor ku aragto macluumaadka aad internedka ku dirtaa ma laha wax sir ah sidaa daraadeed si txadir leh u isticmaal e-mailka.

Siciid Cali Axmed

Said.ali.ahmed@gmail.com

Friday, November 3, 2006

Arimaha hortaagan hashiiska Maxkamadaha iYO dawlada KMG

Somaali badan ayaa waxa ay raja wayn ka qabeen in ay natiijo fiicani ka soo baxdo shirkii magaalada Khartuum la filayay in uu ku dhex maro dawlada ku meel gaadhka ah iyo Maxaakiimta Islaamka. Rajadaasi waa ay burburtay ka dib markii uu fashilmay shirkaasi kor hor intii aanu bilaabminba. Iminka oo hadaba uu shirkaasi fashilmay waxa haboon in la is waydiiyo suurtagalnimada heshiis dhex mara labadan kooxood. Qaybka Ilaah baa og laakiin marka aad u fiirsato mawaaqifta ay kala joogaan Maxkamadaha iyo dawlada ku meel gaadhku waxa aad odhan kartaa waa ay adag tahay in la helo heshiis ay labadaas dhinac isku waafaqi karaan. Maqaalkan waxa aan is kooban isgu dayi doonaa in aan ku eegno arimaha ugu waaweeyn ee hortaagan in la helo heshiis midho dhaliya kaas oo dhex mara dawlada KMG iyo Maxkamadaha


Qaabdhismeedka dawlada


Dawladii lagu soo dhisay Kenaya waxa asaas u ahaa nidaamka Qabaliga. Baarlamaanka waxa lagu soo dhisay habkii loogu magaca daray 4.5’ka. Manaasibta waaweeyn ee dawlada iyo baarlamaankana waxa lagu qaybsaday nidaamkaas. Dhinaca hogaanka Maxkamadaha hadalada ka soo yeedhaya waxa laga dhandhan sanayaa in aanay ku qanacsanayn nidaamka 4.5’ka. Laakiin, kaba soo qaad in ay Maxkamaduhu aqbalaan nidmaakan 4.5’ka, su’aashu waxa ay tahay ma la isku waafiqi karaa nasiibka ay qaadanayaan Maxkamaduhu, qoladase DKMG’ka ee kuraastaas ku fadhiyaa ma ogolaanayaan in ay ka kacaan kuraastaas. Sidoo kale hadii ay Maxkamaduhu diidaan habkan, su’aasha kale waxa weeye dawlada KMG ma ogolaan doontaa habka ay Maxkamaduhu rabaan. Xaqiiqdu waxa weeye in labada dhinac ay aad ugu kala fog yihiin nooca iyo habka loo marayo dhisida dawlada, taasina waxa ay tahay ahaan doontaana caqabad markasta hor taagnan heshiis dhex mara labada dhinac.


Dastuurka: Shareecada Mise….


Maxkamaduhu waxa ay sheegeen in aanay sina u aqabalin doonin dastuur ay ku jirto faqarado ka hor iminaya Shareecada Islaamka. Maxkamaduhu waxa ay aaminsanyihiin in dastuurka dawlada KMG ay hasytaan ay sameeyeen dawlado cadaw u ah Shareecada Islaamka sidaa darteedna waxa ay leeyihiin waxa ku jira faqarado badan oo ka hor iminaya diinta Islaamka. Mawqifka maxkamaduhu waxa weeye in marka hore la isku waafqo dastuurka lagu dhaqmayo. Madaxda dawlada KMG maba aaminsana in dastuurkoodu uu yahay mid ka hor iminaya shareecada Islaamka, sidaa darteed ma aaminsana marxaladan in baahi loo qabo dustuur cusub oo la sameeyo. Fahamka labada dhinac ee shareecadu ma aha mid isu dhaw. Sidaa daraadeed hadaanba isku faham laga ahayn distoorka la doonayo in lagu dhaqmo waa ay adkaanaysaa in shir la isugu yimaado uu heshiis dhaliyo.


Faragalin shisheeye..


Quwado badan ayaa shaki wayn ka qaba Maxaakimta waxa ay rabaan. Quwadahaasi waxa ay taageero siyaasadeed iyo mid dhaqaaleba siiyaan dawalada ku meelgaadhka ah. Khatar wayn ayay u dawladahaasi u arkaan in Geeska Afrika laga dhiso dawlad uu asaaskeedu yahay shareecada Islaamka. Sidaa daraadeed istaraatiijiyadoodu waxa weeye in ay wiiqaan quwada ay yeelan karaan Maxkamaduhu. Cida ay adeegsanayaan quwadahaasi marxaladan waxa ay muuqataa in ay tahay dawlada KMG ah. Sidaa daraadeed waa ay adagtahay in heshiis la gaadho inta ay jirto faragalintaasi.


Mustaqbalka maxaa la filayaa


Ilaah baa og mustaqablka laakiin laba mid uun ayuu arinkani ku dhamaan karaa, in uu caqligu shaqeeyo oo la isu tanaasulo iyo in dagaal lagu kala baxo. Sababahaa aan kor ku sheegay waxa ay adkaynayaan in la isu tanaasulo sidaa darteed waxa hadhay waxa weeye in lagu kala baxo dagaal. Dagaal in uu xal keeni iyo in kale lama saadaalin karo laakiin waa dariiqa kaliya ee muuqada in lagu kala baxayo. Waa nasiib daro in dagaalkaasi uu dhaco, laakiin hadii uu dhaco wxuun baan rajaynaynaa in aanu noqon mid daba dheeraada oo dhib bada dhaliya.


Mahadsanidin


Siciid Cali Axmed






Powered by Qumana