Saturday, February 24, 2007

Maqaal Xiiso leh

Qormada hoos ku lifaaqan ee lamagac baxday "The Three Cultures" waxaan ka soo sawiray kitaab uu qoray Prof. Abdolkarim Soroush oo ka dhiga Islamic Political Philosophy at Harvard University; kitaabkaa oo la magac baxay: Reason, Freedom and Democracy in Islam. Dooda uu soo bandhigayo qoraaga ayaa ah sidee dhaqanka Iran u gaarka ah ee faca weyn iyo diinta Islamka iyadoo lagu dhegan yahay dunida kale wixii wanaagsan looga kororsadaa sidaana horumar loogu gaaraa. Waa dood u dhow mid golahan ay walaalaha qaarkood soo hadal qaadeen. Riix hoos si aad u akhrido qormadan.
Ibraahim

http://www.hddweb.com/89817/The_Three_Cultures.pdf

Tuesday, January 30, 2007

Isticmaalka e-mailka : Macluumaad iyo talooyin


E-mailku waa hab ay bani’aadmigu isku dhaafsadaan wararka iyo macluumaadka. Waa hab uu qofku macluumaadkiisa si dhakhsa ah uu ugu gudbin karo. Taas oo jirta haddana e-mailku waxa uu mararka qaarkood qofka diraya u keeni karaa dhibaatooyin aan yarayn. Sidaa daraadeed qofka isticmaalaya e-mailku waa in uu si taxdar ku jiro u siticmaalaa aaladan iyada ah. Maqaalakan iyo kuwa soo socda waxa aan akhristayaasha kula wadaagi doonaa macluumaad iyo talooyin muhiim ah oo aan is leeyahay waa uu u baahan yahay qof kasta oo isticmaalaya aaladan

Macluumaadka aad E-mailka ku diraysaa sir ma aha

E-mailka aad ka dirto kombuyutarkaagu inta aanu gaadhin kombuyuutarka qofka aad u dirayso waxa uu sii maraa kobmuyutaro badan (relaying hosts) oo yaala meelo kala duwan oo aduunka ka mid ah. Kombuyuutaradaas (relaying host) uu e-mailkaagu sii marayo waxa maamula dad (system administratos) kala duwan kuwaas oo awood u leh in ay furaan akhriyaana e-mailkaaga. Inta badan ma dhacdo in ay dadkaasi furtaan akhristaana e-mailkaaga laakiin hadana waa in la ogaadaa in arinkani uu dhici karo. Intaas waxa dheer in la ogaado hadii uu qofku isticmaalayo e-mailka shaqada amaba iskuulka in ay maamulayaasha kombuyuutaradaasi ay awood u leeyihiin in ay baadhaan e-mailada laga dirayo kombuyuutaradooda iyaga oo adeegsanaya barmaamijyo (software) loogu tala galay arinkan.

Wadamada qaarkood sida Marykanka iyo Kanada oo kale waa danbi in la basaaso e-mailada laga diro shirkadaha kireeya internetka (internet providers) sida AOL (USA), Rogers iyo Bell (Kanada). Taasi waxa ay ku kooban tahay oo kaliya xisaaabta (e-mail account) aad ku leedahay shirkada aad ka kiraysato internedka. Sharcigu ma diidayo in ay ku basaasaan maamulka meesha aad ka shaqaynaysaa. Waxa intaa dheer in ay hayadaha sirta (ee ay leeyihiin dawladaha caalamku) waqtigii ay doonaan ay e-mailkaaga akhrisan karaan. Sidaa daraadeed macluumaadka aad ku dirayso e-mailku waa in ay ahaadaan macluumaad aad difaaci karto mar kasta iyo meel kasta isla markaana waa in macluumaadkaasi ay noqdaan qaar aanad iska qoomamayn hadii ay ku dhacaan gacan aan ahayn gacantii aad la rabtay in ay macluumaadkaasi gaadhaan.

Arimo kale oo sirtaada kashifi kara

Arimahaas ka sokow waxa jira qaladaad kale oo uu ku dhici karo qofka e-mailka dirayaa, kuwaas oo keeni kara in ay ka fakadaan macluumaad aanu jeclayn in ay dibada uga baxaan. Arimahaas waxaa ka mida:
.
1) In aad qorto e-mail aad qof waxa uga sheegayso (inkasta oo aanay akhlaaqiyan iyo diin ahaan sax ahayn hadana waa ay dhacdaa) dabadeedna aad qofkii laftigiisii aad si qalad ah ugu dirto amaba qof kale oo aad u diratay uu qofkii aad wax ka sheegtay uu u diro (waxa laga yaabaa in aad is tiraa ma dhici karto laakiin dhacdooyin badan oo noocana ayaa la hayaa.

2) In aad ka tirsan tahay e-mail kooxeed (mailing list) dabadeena aadoo doonaya in aaad fariin u dirto qof ka mida e-mail kooxeeedka aad fariintaadii u dirto kooxda oo dhan. Halkaas oo laga yaabo in macluumaad aad doonaysay in uu qof kaliyi akhristo aad si khalad ah ugu gudbiso kooxda dhan (Hadii aad xubin ka tahay e-mail kooxeed aanad doonayso in aad fariin u drto qof ka tirsan e-mail kooxeedkaa iska ilaali in aad isticmaasho “Reply”).

Talooyin

1) Isku day in aad wax ka fahanto qaabka uu u shaqeeyo nidaamka e-mailka aad isticmaalasaa. Hadii aad e-mailka shaqada ama iskuulka isticmaalayso iska hubi inta qof ee e-mailkaaga akhrin karta.

2) Caqligaaga isticmaal. Ha ku dirin e-mailka arimo shakhsiya sida xisaabta bangigaaga, kiridhid kaarkaaga, meesha aad degenthay iwm.

3)Tirtir e-mailka ka dib marka aad akhrido. Hadii aad e-mailkaaga ka tiriri karto kombuyiitratda shirkada aad xisaabta (e-mail account) ka furatay sidaa yeel. Shirkadaha qaar ayaa kuu ogol in aad samayn karto sidaas. Hadii laguu ogolyahay ka faa’idayso.

4) Xisaab khaas ah u furo wax yaabaha shakhsiga ah. Talo ahaan isticmaal e-mailka ay ku siyaan shirkada aad ka internetka ka kiraysato.

Gabagabadii sidaa aad kor ku aragto macluumaadka aad internedka ku dirtaa ma laha wax sir ah sidaa daraadeed si txadir leh u isticmaal e-mailka.

Siciid Cali Axmed

Said.ali.ahmed@gmail.com

Friday, November 3, 2006

Arimaha hortaagan hashiiska Maxkamadaha iYO dawlada KMG

Somaali badan ayaa waxa ay raja wayn ka qabeen in ay natiijo fiicani ka soo baxdo shirkii magaalada Khartuum la filayay in uu ku dhex maro dawlada ku meel gaadhka ah iyo Maxaakiimta Islaamka. Rajadaasi waa ay burburtay ka dib markii uu fashilmay shirkaasi kor hor intii aanu bilaabminba. Iminka oo hadaba uu shirkaasi fashilmay waxa haboon in la is waydiiyo suurtagalnimada heshiis dhex mara labadan kooxood. Qaybka Ilaah baa og laakiin marka aad u fiirsato mawaaqifta ay kala joogaan Maxkamadaha iyo dawlada ku meel gaadhku waxa aad odhan kartaa waa ay adag tahay in la helo heshiis ay labadaas dhinac isku waafaqi karaan. Maqaalkan waxa aan is kooban isgu dayi doonaa in aan ku eegno arimaha ugu waaweeyn ee hortaagan in la helo heshiis midho dhaliya kaas oo dhex mara dawlada KMG iyo Maxkamadaha


Qaabdhismeedka dawlada


Dawladii lagu soo dhisay Kenaya waxa asaas u ahaa nidaamka Qabaliga. Baarlamaanka waxa lagu soo dhisay habkii loogu magaca daray 4.5’ka. Manaasibta waaweeyn ee dawlada iyo baarlamaankana waxa lagu qaybsaday nidaamkaas. Dhinaca hogaanka Maxkamadaha hadalada ka soo yeedhaya waxa laga dhandhan sanayaa in aanay ku qanacsanayn nidaamka 4.5’ka. Laakiin, kaba soo qaad in ay Maxkamaduhu aqbalaan nidmaakan 4.5’ka, su’aashu waxa ay tahay ma la isku waafiqi karaa nasiibka ay qaadanayaan Maxkamaduhu, qoladase DKMG’ka ee kuraastaas ku fadhiyaa ma ogolaanayaan in ay ka kacaan kuraastaas. Sidoo kale hadii ay Maxkamaduhu diidaan habkan, su’aasha kale waxa weeye dawlada KMG ma ogolaan doontaa habka ay Maxkamaduhu rabaan. Xaqiiqdu waxa weeye in labada dhinac ay aad ugu kala fog yihiin nooca iyo habka loo marayo dhisida dawlada, taasina waxa ay tahay ahaan doontaana caqabad markasta hor taagnan heshiis dhex mara labada dhinac.


Dastuurka: Shareecada Mise….


Maxkamaduhu waxa ay sheegeen in aanay sina u aqabalin doonin dastuur ay ku jirto faqarado ka hor iminaya Shareecada Islaamka. Maxkamaduhu waxa ay aaminsanyihiin in dastuurka dawlada KMG ay hasytaan ay sameeyeen dawlado cadaw u ah Shareecada Islaamka sidaa darteedna waxa ay leeyihiin waxa ku jira faqarado badan oo ka hor iminaya diinta Islaamka. Mawqifka maxkamaduhu waxa weeye in marka hore la isku waafqo dastuurka lagu dhaqmayo. Madaxda dawlada KMG maba aaminsana in dastuurkoodu uu yahay mid ka hor iminaya shareecada Islaamka, sidaa darteed ma aaminsana marxaladan in baahi loo qabo dustuur cusub oo la sameeyo. Fahamka labada dhinac ee shareecadu ma aha mid isu dhaw. Sidaa daraadeed hadaanba isku faham laga ahayn distoorka la doonayo in lagu dhaqmo waa ay adkaanaysaa in shir la isugu yimaado uu heshiis dhaliyo.


Faragalin shisheeye..


Quwado badan ayaa shaki wayn ka qaba Maxaakimta waxa ay rabaan. Quwadahaasi waxa ay taageero siyaasadeed iyo mid dhaqaaleba siiyaan dawalada ku meelgaadhka ah. Khatar wayn ayay u dawladahaasi u arkaan in Geeska Afrika laga dhiso dawlad uu asaaskeedu yahay shareecada Islaamka. Sidaa daraadeed istaraatiijiyadoodu waxa weeye in ay wiiqaan quwada ay yeelan karaan Maxkamaduhu. Cida ay adeegsanayaan quwadahaasi marxaladan waxa ay muuqataa in ay tahay dawlada KMG ah. Sidaa daraadeed waa ay adagtahay in heshiis la gaadho inta ay jirto faragalintaasi.


Mustaqbalka maxaa la filayaa


Ilaah baa og mustaqablka laakiin laba mid uun ayuu arinkani ku dhamaan karaa, in uu caqligu shaqeeyo oo la isu tanaasulo iyo in dagaal lagu kala baxo. Sababahaa aan kor ku sheegay waxa ay adkaynayaan in la isu tanaasulo sidaa darteed waxa hadhay waxa weeye in lagu kala baxo dagaal. Dagaal in uu xal keeni iyo in kale lama saadaalin karo laakiin waa dariiqa kaliya ee muuqada in lagu kala baxayo. Waa nasiib daro in dagaalkaasi uu dhaco, laakiin hadii uu dhaco wxuun baan rajaynaynaa in aanu noqon mid daba dheeraada oo dhib bada dhaliya.


Mahadsanidin


Siciid Cali Axmed






Powered by Qumana

Friday, September 8, 2006

Maaraynta Khilaafaadka


Goorma ayuu khilaaf dhacaa

Khilaafku waa arin dabiiciya oo yimaada marka dareenka laba qof ama in ka badani uu isku khilaafo siyaasad, qaabka siyaasadaa loo hirgalinayo amaba natiijada ka dhalan karta siyaasadaas.

Sababaha keena khilaafka

1)Tartan/loolan u dhexeeya dadka uu khilaafku ka dhex dhaco.

2)Thiqada/Kalsoonida la isku qabo oo xumaata amaba aan jirin.

3)Cadaalad daro la kala tisranayo.

4)Afkaar kala duwan oo laga yeesho siyaasdaha waaweeyn ee urur.

5)Siyaasdaha lagu kala baxo waqtiga uu khilaaf yimaado oo aan cadayn amaba aan jirin.

6)Imkaaniyaadka ururka oo yar taas oo keenta in la isku qabsado imkaaniyaadkaas.

Khilaafku gidigiis ma Xuma

Daraasooyin badani waxa ay sheegayaan hadii aan la maarayn khilaafaadka urur in ay natiijada ka dhalan kartaa khlaafkaasi uu yahay burbur ku yimaada cilaaqada ashkhaastas (amaba ashkhaasta ururka) uu khilaafku ka dhex aloosmay. Hadii uu khilaafku yahay mid ka dhex dhaca urur waxa uu ugu yaraan hoos u dhigaa wax qabdka ururkaas.

Dhinac wanaagsan, hadii lagu guulaysto in la maareeyo khilaafaadkaas waxa uu khilaafkaasi noqon karaa mid ay ka dhashaan siyaasado keena horumar.

Natiijada (XUN) khilaafaadka

Si kooban natiijooyinka ka dhalan kara khilaafaadka hadii aan maarayn waxa ugu wayn kuwan
1)Xidhiidhka xubnaha oo xumaada.
2)Waqtigga iyo imkaaniyaadka oo ku luma
3)Ururka wax u qabadkiisa oo hoos u dhaca.
4)Wada shaqaynta xubnaha oo xumaada.

Natiijada (Wanaagsan) Khilaafaadka

Khilaafaadka hadii la maareeyo waxa ka dhalan kara aragtiyo cusub oo keena isbadal wax ku ool ah, sidoo kale waxa waxa uu sabab u noqon karaa in xal laga gaadho khilaafaadka ragaaday ee u dhaxeeya dadka is khilaafsan amaba dhexyaala urur.

Said Ali Ahmed


Saturday, July 8, 2006

Ikhwaanka Iyo Siyaasadda



Weerar fikradeedkii (intellectual invasion)ay wadamadda Galbeeddku ku soo qaaddeen caalamka Islaamku waxa uu sabab u ahaa in inbadan oo ka mida waxgaradkii iyo hoggaankii Muslimiinta ay ka dhaadhacdo in sabata uu Galbeeddku uga hurumaray Muslimiinta ay tahay nidaamka kala saaridda diinta iyo siyaasadda(secularism) ee ay waddamadaasi ku dhaqmaan. Fikirka noocani waxa uu noqday mid xitaa u gudbay qaar ka mida culimmadii diinta Islaamka ee waqtigaas kuwaas oo ayba qaarkood Muslimiinta ugu yabooheen kala saarida siyaasadda iyo diinta iyo in ay diintu noqoto mid ku kooban nolosha qofka iyo masaajiddada oo kaliya. Fikirkani waxa kale oo uu ka mid ahaa sababihii soo dadajiyay burburkii Khilaafadiii Cusmaaniyiinta taas oo ahayd nidaam siyaasaddeed oo (ugu yaraan magac ahaan) kulminayay Muslimiinta Caalamka intooda badan.

Xasan Al Banna Iyo Siyaasadda

Duruufaha noocaas ahi waqti ay ka jireen caalamka Islaamka ayaa la asaasay ururka Ikhwaanka. Bilowgiiba Xasan Al Banna waxa uu sheeggay in fahamkooda Siyaasigga ahi uu yahay mid ka duulaya fahamka ay Ikhwaanka u leeyihiin diinta Islaamka. Waxa uu sheegay in Islaamka ay Ikhwaanku umadda ugu yeedhayaan uu yahay Islaamkii uu la yimid nabi Maxamed (Naxariis iyo Nabdgalyo korkiisa ha ahaatee). Siyaasadda iyo xukunkuna waxa uu sheeggay in ay ka mid yihiin asaasiyaaddka diinta Islaamka sidaas darteedna ay yihiin asaasiyaaddka dacwadda Ikhwanka. Khudbad uu ka jeediyay shir ay isugu yimaadeen arday ka tirsan ururka Ikhwaanka ayaa uu Sheekhu ku cadeeyay mawqifkan, waxa uu yidhi “Qofka Muslimka ah diintiisu ma dhamaystirmayso ilaa uu noqdo Siyaasi aragti dheer u leh arimaha umaddiisa, sidaas oo kale ma dhamsytirmayo Islaamka shakhisgu ilaa uu ka noqdo mid ihtimaam siinaya una qiiroonaya umuuraha dadkiisa. Fogaynta laga fogaynayo Islaamka arimaha bulshaduna ma aha arin uu Islaamku qirayo oggol yahayna. Urur kasta oo xambaarsan magac Islaami ahi waa in uu siyaasadda halka ugu saraysa ka galiyaa barmaamijkooda, hadii kale ururkaas isaga laftigiisa ayaa u baahan in uu si fiican u fahmo diinta Islaamka. Ikhwaanku waligoodba waxa ay ahaayeen Siyaasiyiin sida ay waligoodba u ahaayeen Muslimiin (wuxu u jeedaa Siyaasadda iyo Islaamku waa ay isku lamaanan yihiin). Dacwada Ikhwaankuna waligeed ma kala saarin diinta iyo siyaasada.”

Ikhwaanka Iyo Xukunka

Ikwaanku waxa ay rumaysan yihiin in Musulimiintu ay ku dhaqmaan tacaalinta diinta Islaamka, xukumka ay isku xukminayaana uu noqdo xukum Islaamiya, sidaas oo jirta haddana waxa ay aaminsan yihiin in uu arinkani ku yimaaddo qanaacada shacbiga. Si aanu hadaba shacbigu uga hor iman xukumka Islaamka ah ayaa waxa ay ay Ikhwaanku aaminsanyihiin in shacbigga loo diyaariyo laguna qanciyo sidii ay ku aqbali lahaayeen arinkan. Fogaanta ay Muslimiintu ka fogaadeen tacaaliinta diinta Islaamka ayaa waxa ay ay khasab ka dhigaysaa sida ay aaminsanyihiin Ikhwaanku in axkaamta Islaamka loo dabaqo si talaabo talaabo ah.

Ikhwaanka iyo nidaamka axsaabta badan

Waqtigii la asaasay ururka ikhwaanka, waxa jiray khilaaf xun oo u dhaxeeyay xisbiyadii siyaasiga ahaa ee waqtigaas jiray. Khilaafkaas asalkiisu ma ahayn mid ku dhisan mabda laakiin waxa uu ahaa khilaaf uu asalkiisu yahay nacayb shakhsi iyo urur. Khilaafaadkaas xisbiyadda dhex yaalay oo waqtigaas meel xun gaadhay ayaa waxa ay sabab u ahaayeen in uu Sh.Xasan Al Banna ku qanco in nidaamka xisbiyadda badani aanu ahayn nidaam faaida u leh mujtamaca. Sidaa daraadeed ayaa waxa uu soo jeediyay in dhamaanba axsaabtii siyaada ee waqtigaa jirtay la baabiiyo lana dhiso xisbi kaliya oo umada haga. Inkasta oo uu kaasi ahaa fikirkii Ikhwaanka ee waqtigii uu noolaa Sh.Xasan Al banna hadana fikirkaas ma aha ka ay iminka Ikhwaanka aaminsan yihiin. Fikirka siyaasiga ah ee Ikhwaanka ee waqtigani waxa weeye in la qaato nidaamka axsaabta badan. Mawaaqifkaas siyaasiga ahi waa mawqifka ururadda u nasab sheegta fikirka ikhwaankuna meel kasta oo ay joogaanba. Waxana ay aaminsan yihiin in mawqifkii Sh.Xasan Al Banna ee nidaamka xisbiyada badan uu ahaa mid la falgalayay duruufihii jiray waqtigii uu noolaa ee aan ahayn mid daa’im ah.

Mahadsanidin
Said Ali Ahmed
Said.ali.ahmed@gmail.com


I

Thursday, April 27, 2006

Yoolka Ikhwaanka


Maqaalkii kan ka horeeyay hadaad akhriday waxa laga yaabaa in aad iminka fahantay waxa ay Ikhwaanku yihiin laakiin waxa laga yaabaa in aad iswaydiiso waxa uu yahay yoolka dacwadoodu iyo sida ay u rabaan in ay ku gaadhaan yoolkaas. Qormadani – hadii Alle yidhaahdo - waxa aan isku dayi doonaa in aan uga jawaabno su’aalahaas.

Yoolka Wayn

Marka aad akhrido waraaqihii iyo khudbadihii Sh.Xasan Al Banna waxaa kuu soo baxi in uu jiro yool (hadaf) WAYN oo ay Ikhwaanku rabaan in ay fuliyaan kaas oo ah in ay diinta Islaamku noqoto hab nololeed ay ku dhaqmaan mujtamacaadka Muslimiintu.
Sh.Xasan Al Banna isaga oo Xubnaha Ikhwaanka u sheegaya ahdaafta waaweeyn ee dacwadooda ayaa waxa uu yidhi “Ogaada in aad leediihiin laba hadaf oo waaweeyn kuwaas oo ah :
1)In dhulka Musliliimta laga xoreeyo awood kasta oo ajnabi , ha ahaato dhinac siyaasadeed, mid dhaqaale iyo mid milatariba.
2)In dhulkaa xorta ah laga dhiso dawlad ku dhaqanta diinta Islaamka.

Si hadaba ay yoolalkaas u xaqiijiyaan ayaa waxa ay Ikhwaanku aaminsan yihiin in ay fuliyaan ahdaaf kale oo horudhac u ah kuwan waaweyn, kuwaas oo la’aantood ay dhici karto in ay adkaato in la xaqiijiyo ahdaaftaas waaweeyn.

Ahdaaftaasi sida ay u kala horeeyaan waxa weeye sidan soo socota :

Qof Muslim Ah

Hadafka ugu horeeyaa waa in la helo qof ay caqiidadiisa, fikirkiisa, dhaqankiisa iyo akhlaaqdiisuba waafaqsan yihiin shareecada Islaamka. Isaga oo Sh.Xasan AL Banna ka hadlaya sifooyinka qofka Muslimka ah ee loo baahan yahay waxa uu yidhi waa qof “caqiidadiisu toosantahay, cibaadadiisu saxan tahay, akhlaaqdiisu suubantahay, wax garad ah, xoogsanaya, naftiiisa xumaanta kala dagaalama, waqtigiisa ka faa'idaysta, arimihiisu urursan yihiin, qayrkiisna wax tara”.

Qoys Muslim Ah

Marka la helo qof Muslim ah oo sifooyinkaas aan kor ku sheegnay ku sifooba, yoolka xigaa waa in la unko qoys Muslim ah. Qoyskani waa in uu noqdaa qoys dhaqankiisa iyo fikirkiisuba ay ka duulayaan diinta Alle. Waa in xubnaha qoysku ku dhaqmaan adaabta Islaamka. Hooyada qoysakni waa in ay noqotaa hooyo wacyigeedu dheer yahay, Aabuhuna waa in uu noqdaa mid garanaya masuuliyada uu Alle saaray. Aabaha iyo hooyaduna waa in ay noqdaan kuwo iska kaashada tarbiyada ubadkooda.

Mujtamcac Muslim Ah

Aqaladaas toosan oo la isu geeyay waxa ay keenayaan in la helo yoolka sadexaad ee yoolalka Ikhwaanka kaas oo ah in la helo mujtamac Muslim ah. Mujtamcani waa in uu noqdaa mujtamac uu wanaagu ku baaho, xumaantu ku yaraato, wanaaga is fara, xumaanta iska reebo, walaatinimo dhex taalo, dulmiga aan isugu gar gaarin.

Dawlad Muslim Ah
Mujtamacaa Muslimka ahina waxa uu sabab u noqonayaa dhalashada dawlada uu dastuurkeedu yahay diinta Ilahay.

Dawaladahaa Muslimiinta ah oo isu taga ayaa waxa ka dhalanaya khilaafadii Muslimiinta.

Kuwaas weeye yoolalka ugu waaweeyn ee ikhwaanku sida uu sheegay Sh.Xasan Al Banna. Maqaalka ku xigga waxa aynu ku eegi doonaa siyaasada iyo Ikhwaanka.

Wednesday, March 22, 2006

Al-Ikhwaan Al-Muslimeen: Maxay Yihiin


Hadii aad akhriday labadii maqaal ee kan ka horeeyay waxa laga yaabaa in aad iminka is waydiinayso waxa uu yahay ururka Ikhwaanku, waxa ay aaminsan yihiin xubnihiisu iyo waxa uu kaga duwan yahay ururadda kale ee adduunka ka jira. Jawaabaha su’aalahani waxa ay ku cadyihiin waraaqihii uu qoray Sh.Xasan Al Banna[i]. Hadii Alle yidhaadana waxa aan qormaddan ku eegi doonaa qaar ka mida jawaabhaas uu Sheekhu bixiyay.

Dacwadii Quraanka oo dhamaystiran
Dacawadda Ikhwaanku sida uu sheegay Sh.Xasan Al Banna waa dacwo Islaamiya oo ka duulaysa fahamka saxeexa ah ee Islaamka. Khudbad uu sheekhu ka jeediyay shir ay isugu yimaadeen madaxda ururka Ikhwaanku ayaa isaga oo sharaxaya waxa ay dacwadda Ikhwaanku tahay waxa uu yidhi, “Dad badan ayaa idin waydiin doona waxa ay Ikhwaanku yihiin?, waxa aad ugu jawaabtaan, waxa aanu nahay dacwadii Quraanka oo dhamaystiran. Waxa aanu nahay xaqiiqo suufiya, waxa aanu nahay Jimciyad khayriya(oo dadka baahan caawisa), waxa aanu nahay urur bulsho sidaas oo kale waxa aanu nahay urur siyaasadeed nadiif ah. Dadka qaar baa idin odhan doona wali maananu idin fahmin ee isku kaaya cadeeya. Kuwaas waxaad ku tidhaahdaan waxa aanu nahay dacwad Islaamiya oo qofkii Islaamka si saxa u fahma ay fududahay inuu fahmo ee walaalayaal marka hore Islaamka si saxa u fahma si aad noo fahantaan..”[ii]

Fikrad iyo Caqiido-Nidaam iyo Manhaj
Waraqad kale oo ka mida waraaqaha uu Sheekhu qoray ayaa waxa uu ku cadeeyay in aanay Ikhwaanku ahayn xisbi siyaasiya, jimciyad khayri ah, koox ciyaartooy ah, urur bulsho iwm. Arimahaas oo dhami waxa uu sheegay in aanay dacwadoodu ka madhanayn laakiin ay dacwadoodu intaasba ay ka wayn tahay. Waxa uu yidhi “Waxa aanu nahay FIKRAD iyo CAQIIDO, NIDAAM iyo MANHAJ aan ku koobnayn dhul iyo dad khaas ah. Wax aanu nahay dacwadii Nabi Maxamed (Naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaatee), waxa aananu xambaarsanahay calankii dacwadiisa.”
[iii]

Dacwo koobaysa dhinacyada nolasha oo dhan
Sidaas oo kale khudabad uu Sh.Xasan Al Banna jeediyay munaasabadii 10 aad ee ka soo wareegtay dhismiha ururka Ikhwaanka ayuu si faahfaahsan ugu caddeeyay waxa ay yihiin Ikhwaanku iyo waxa ay tahay fikradoodu. Waxa uu yidhi “Waxa aanu aaminsanahay (ikhwaanka) in axkaamta Islaamku ay yihiin qaar saamaynaya nolasha bani’aadmiga if iyo aakhiroba”, sidaas oo kale waxa aanu aaminsanahay ayuu yidhi “in Islaamku uu yahay caqiido iyo cibaado, wadan iyo jinsiyad, diin iyo dawlad, ruuxaanniyad(iimaan) iyo shaqo sidaas oo kalena uu yahay kitaab iyo seef.”

Isagoo arinkan faah faahinayana waxa uu sheegay in dacwada Ikhwaanku ay tahay
[iv] :

Dacwo Salafiya: waayo buu yidhi waxa aanu dadka ugu yeedhaynaa in ay u noqdaan Quraanka iyo Sunadii Nabiga (Naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaatee).

Dariiqo Suni ah: Waayo buu yidhi waxa aanu intii karaankayga ah dabaqaynaa sunadii nabiga (csw) khaasatana dhinacyadda caqiidada iyo cibaadada.

Xaqiiqo suufiya: waayo buu yidhi waxa aanu ognahay in khayr kastaba uu asaaskiisu yahay qalbi nadiif ah, camal joogto ah, Ilaahay dartii oo wax loo jeclaado iyo khayrka oo gidigii lagu xidhnaado.

Hay’ad Siyaasi ah : waayo buu yidhi waxa aanu dalbaynaa in xukumka la hagaajiyo.

Urur ciyaartooy: waayo buu yidhi waxa aanu ognahay in Muslimka xoogan ee caafimaadka qabaa uu ka khayr badan yahay kan daciifka ah.

Shirkad dhaqaale: waayo buu yidhi Islaamku waxa uu ka hadlaa qaabka xalaasha ah ee maalka loo soo shaqaysto iyo sida saxa ah ee loo isticmaalo.

Urur wax garad iyo Cilmi: waayo buu yidhi Islaamku waxa rag iyo dumarba faral kaga dhigay barashada iyo kororsiga cilmiga.

Urur bulsho: Waayo buu yidhi ikhwaanku waxa ay baadhayaan cudurada bulshadooda waxaanay isku dayayaan in ay dawo u raadiyaan.

Waxa aanu ku soo gabagabaynayaa maqaalkan kalimadan oo uu Sh.xasan Al Banna mar kale ku cadaynayo fikiradda ururkiisa. Isaga oo la hadlaya xubnaha ururka ayaa wuxuu yidhi: “Hadii la idin waydiiyo waa maxy waxa aad dadka ugu yeedhaysaan?…waxaad ku jawaabtaan waxa aanu ugu yeedhaynaa Islaamkii lagu soo dajiyay nabi Maxamed (Naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaatee) xukuumadduna waa qayb ka midda Islaamka aanu dadka ugu yeedhayno..Sidoo kalena xoriyaddu waa faral ka midda faraa’ida Islaamka. Hadii la idin yidhaa taasi waa SIYAASAD…waxa aad tidhaahdaan Waa kaas Islaamka saxa ahi…”

Ilaa iyo qormada tan ku xigta..khayr baan idiin rajaynayaa.

[i] Waraaqahan waxa lagu ururiyay kitaabka Majmuuca Rasaa’ilka
[ii] eeg boggaga 252 ee Majmuuca ras’aail.
[iii] eeg bogga 197-197 ee Majmuuca ras’aail
[iv] eeg bogga 121-123 ee Majmuuca